Miisaaniyada Qaranka: Ceel shiidaal ahna Maad qodin, Beerna kamay soo bixin ee waa dhiigii ummada. By: Mahad Cumar Siciid.‏

0
29

Waxa aan salaamayaa akhristayaasha sharafta leh iyo warbaahinta qiimaha badan ee dalkooda u shaqaynaya, salaan ka dib. Waxa maanta igu kalifay in aan qoro maqaalkan, hadalo in badan  ka soo yeedhayey xukumadan uu hogaamiyo Siilaanyo, taas oo hal hays ka dhigatay markii aanu xukunka qabanay miisaanyadu waxa ay maraysay 47 milyan, maantana waxaanu gaadhsiinay 250 milyan. Waxa aan leeyahay xukumadan faanka badan ma ogtihiin in markii Madaxweyne Riyaale uu dalka qabtay inay miisaanyida Qaranku ahayd 22 milyan oo uu gaadhsiisay 47 milyan, iyada oo aanay umadu dareensanayn isla markaana aan la kor dhin waxa cashuur ah oo dadka culays ku keena. Xukumadan siilaanyo maanta waxa ay ku faantaa miisaaniyadii ayaanu gaadhsiinay 250 milyan, laakiin aynu is weydiino xagay ka timid korodhkan miisaaniyada fara badan ee xukumadani ku faanayso.

Maanta xukumadu waxa ay ku faanaysaa dhiiga umada ee ay cabayso, xiligii Madaxweyne Riraale waxa kasta oo qiimahoogu jabnaa waa uu laba jibaarmay, tusaale ahaan gadbada dhusha ahi waxay ahayd 30,000 Sl.SH, maanta qiimaheedu 90,000 SL.SH, Cashuurta wada maristu waxa ay ahayd lixdii bilood 60,000 SL.SH, maanta waxay noqotay lixdii bilood 350,000 SL.SH, guriga la jeexayo waxa laga qaadi jiray 30,000 SL.SH oo u dhigmaysay ($50), maanta guriga la jeexayo waxa laga qaadaa 14 00,000 oo u dhiganta ($200). Maanta wax kasta oo la cashuurayo sida qalabka dhismaha, qiimaha maciishada,qiimaha shidaalka iyo waxa kasta oo la cashuurayo waxa aad dareemaysaa in cashuurtoodii la libin laabay, iyada oo cashuurtaasi ay ka go’an tahay jeebka dadka masaakiinta ah ee qaadaa madhargaha ah, iyada oo ay taasi jirto ayaa kuwa dhergay ee xoolaha umada ka dhargay ku odhanayaan dalka Nimcaa fadhida, waa run dalka nimco ayaa fadhida oo ilaahaybaa Xukumadan nagu simay anaga oo caafimaad qabna, waxa ay caadaysteen in xaaraanta la cuno oo hadana la xalaashado oo la yidhaa dalka Nimcaa fadhida.

Waxa aan leeyahay xukumadeena kodharka miisaanyada ama abuurista kaabayaal dhaqaale oo xoog badani maaha cashuurta oo la kordhiyo ee waa in la keenaa wado kale oo dadku arki karaan oo la odhan karo waa mashruuc u soo kordhay wadanka,waa mashruuc ay shaqo ka heleen kumanaan dhalinyaro ahi, laakiin cashuur ayaan sanad walba kordhinayaa oo waan ku faanayaa, waxa aan kordhiyey miisaaniyadii oo gaadhsiiyey 250 milyan,maaha wixii la idiinka fadhiyey.

Waxa aad ku faantaan mushahar kordhin, xukumadu waxay tidhaa waxaanu kordhinay mushaharkii shaqaalaha, musharkan aad kordhisay waxa uu ka yimid cashuur aad dadkii ku libin laabteen, marka aad ganacsatada aad ku kordhisay cashuurahii kala duwanayaa, ma waxa ay kula tahay in aanay kordhinaynin shixnadaha ay iibinayaan, boqolka kun ee aad kordhisaa waa mid ka go’an shacabka masaakiinta ah.

Waxa ugu badan ee aad maanta ku faantaa waa dhismayaal,dhismayaal dadkii ka aradan yahay dhisme maahaa, umaddi waxa ay ku horumari kartaa aqoon, iyada oo ku faanta waxa aanu leenahay 100 proff oo wax ixtiraaqi kara, jaamacado tayo leh oo dhaqaale la galiyey, xarumo caafimaadka oo la dhisay isla markaana la tayeeyey, biyo balaadhin lagu sameeyo dhamaan magaalooyinka Somaliland ee biyo la’aantu haleeshay. Xukumadan waxa aan leeyahay dadkii oo biyo la’aani hayso maaha in aad ku faanto dhismayaal cadceedu dhalan gadiyo doonto ee umadda biyo ha loo helo, ileen dadka ayaa ka qaalisan dhismahee.

Gabagabada: Dawlad kasta waxa loo doortaa in ay sii ambo qaado raadkii hore ee ay xukumadii hore ka tagtay, Xukumadan waxa aan leeyahay hadii miisaaniyada aad kordhiseen, kuwa idinka dambeeyaana way sii kordhin, dawlad waxa loo doortaa in ay dadka u shaqayso, laakiin iska joojiya waxa oo mano sheegayo ah ileen haddii kale waxa idinka lumaysa waajibaadkiinii iyo amaanadii la idiin dhiibtee, dawladana NGO ha ka dhiginaya, waayo gaalada ayaa ku faanta, waxan ayaan qabtay, wixii aad qabatana Ilaahay ayaa kuu og ee aadame waxba hakaga doonin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here