Mucaaridka Oo shalay Laga Hor-joogsaday Madal Ay Shir Ku Lahaayeen Iyo Mulkiilayaasha Hoteellada Oo Dhaqan-geliyey Amarkii Xukuumadda

0
13

Hargeysa:(Hubaal)-Waxa markii ugu horraysay fulay amarkii xukuumadda ee ahaa inaan mucaaridka laga kiraynin meheradaha Ganacsiga, waxana Isbaysiga Mucaaridka oo isku duuban maalintii shalay loo diiday inay shir ku yeeshaan Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, iyagoo saxaafadda kula Hadlay Barxadda Hore ee Hutelkaas. isbahaysiga mucaaridkaKulka ay Mucaaridku doonayeen inay Halkaas ku yeeshaan, ayaa waxa goob joog ka ahaa Inta Badan Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka iyo waliba Madasha Wada-tashiga iyo toosinta qaranka, waxana sida Mucaaeidku ay Warbaahinta u sheegeen maamulka Hutelku u diiday inay Goobaha hore u banneeyaan si ay arrimahooda ugaga hadlaan. Ugu horeyn  waxaa  Saxaafadda La Hadlay  musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md cabdirashiid xassan mataan waxaana  uu sharraxay dhibaatada Haysata, “ waad aragtaan  waxaanu taaganahay barxadii hotel maansoor maanta(shalay) waxaa aanu laheyn kulan iska caadi ah halkanina waa meel ganacsi u furan waa meel aanu caadi ugu kulmi jirnay waxaa ay fuliyeen amarkii shalay(dorraad) ka soo baxay xukuumada ee ahaa in aanay mucaaridku galin huteelada oo aanay fadhiisan karin kuna kulmi Karin. Xafiis baanu leenahay kuwaas baanu tageynaa oo  waanu ka tageynaa waxaana aanu shacbiga u sheegaynaa dumuqraadiyadii u lahaa madaxweyne siilanyo maalintii uu mucaaridka ahaa gabalkii baa u dumay maanta waa  xabaal ayey ku dhacdey“Ayuu Yidhi Cabdirashiid Xassan Mataan . Sidoo kale waa isna halkaasi ka hadlay xoghayha guud ee xisbiga mucaaridka ah Ee Wadani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Waxaana isaguna caddeeyey in loo diiday inay Gudaha u galaan Huteelka,

“waxaa aanu taaganahay barxada huteel  maansoor wanaad aragtaan ucid  , wadani iyo madasha wadatashigu wey joogan goobta waxaa amar lagu siiyey in xisbiyada mucaaridku iyo ururkaas mujaahidinta ah ee xaqa ku leh dalku in aanay meelna ku shirin meelna aanay imanin waxaanu u heysaana oo aanu xisbi u nahay in aanu shiri  qaban karno oo aan dadka wax u sheegi karno cid aanu ka aqbaleyno dunida oo dhan anaga oo xisbiya ha shirna ka yeeli mayno “ Ayuu Yidhi Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uurcade. Xildhibaan Ibraahim Axmed Rayte oo kamid ah Xildhibaanada Xisbiga Waddani, ayaa isaguna  sheegay inuu dhaqankaasi yahay mid la mid ah kii kaligii taliye Siyaad Barre, waxana uu yidhi,“Xisbiyada qaranku waa xisbiyadaa qaranka waana qaar distoori ah waa xisbiyada doorashadii dalka diyaar u ahaa ee rabay in xukunka dalka ay la wareegaan waad arkeysaan oo inamadii huteelku waxaa ay yidhaadeen xukuumada ayaa tidhi waxba laguma qaban karo  huteelada magaalada oo dhana amaarkaas ayaa la siiyey waxaana ay arinatni ina xasuusineysaa wakhtii afweyne waxaana aanu leenahay cida waxaas sameynaysaa waa cid sharcigii dalka ku tumatay”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here