Mudaharaaddo Rabshado Wata Oo Ka Dhashay Dil Loo Gaystay Dareewal Bajaaj oo Shalay Gilgilay Muqdisho

0
1

Bajaajlihii Saddexaad Oo Ay Ciidammadu Toogasho Ku Dileen

Muqdisho (Hubaal) – Mudaharaad ay ka qayb-galalayaan boqollaal Qof ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.  Mudaharaadkan ayaa bilaabmay shalay gelinkii hore, ka dib markii Ciidammada amnigu toogasho ku dileen Nin watay gaadiidka loo yaqaano Bajaajta ee ka dhex shaqeeya Magaalada Muqdisho, kaasi oo noqonaya kii saddexaad ee muddo laba toddobaad ah ay Ciidammadu toogasho ku dileen.

Bajaajleyaasha Muqdisho oo gacan ka helaya Dadweyne kale oo tiro badan ayaa iyagoo aad u cadhaysan waxay dhigayaan Mudaharaad rabshado wata, waxayna dalbanayaan inay xilka iska casilaan Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Sidani Amni maaha ee ha iscasilaan Raysal-wasaare khayre iyo Cabdiraxmaan Yariisoow..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Mudaharaadayaashu, waxaanu intaa ku daray “Maalin walba ayay Ciidammadu si macno-darro ah u tooganayaan Mootalayaal aan waxba galabsan.”

Dadka Mudaharaadaya ayaa Waddooyinka Muqdisho ku gubaya Taayiro, iyadoo Meelaha qaarkood ay Ciidammada Booliisku isku dayayaan inay xoog ku kala dareeriyaan, iyagoo marmar ku furaya Rasaas.

SHARE
Article horeMadaxweyne Donald Trump Oo Qorshaynaya In Muhaajiriinta Xidhan Lagu Fasaxo Magaalooyinka Dimuqraadigu Ku Badan Yahay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here