Mudaneyaasha Aqalka Baarlamaanka Oo Diiday Ansixinta Xaaladda Degdega Ah Ee Gobolka Sanaag Qayb Ka Mida Lagu Soo Rogay

0
1

Maxaa ka Dhacay Baarlamaanka Somaliland Maanta

Hargeysa (Hubaal) – Fadhi aan Caadi ahayn oo ay Maanta yeesheen labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa xidhmay iyadoon lagu ansixin Xeer Madaxweynaha u ogolaanaya inuu Xaalad deg-deg ah ku soo rogo Degmooyin ka mid ah Gobolka Sanaag oo amni-darro la soo gudboonaatay.

Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada) ayaa la isugu yeedhay Khamiista, waxaana Guddoomiyaha Wakiillada oo Shir-guddoominayey ka codsaday inay ansixiyaan Xeerka Madaxweynuhu u soo gudbiyey ee dhigaya in Xaalad deg-deg lagu soo rogo.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ayaa markaa ka dib Mudaneyaasha ka codsaday inay waajibkooda ka gutaan, xaqna u leeyihiin HAA iyo MAYA, oo macnaheedu yahay inay diidi karaan ama ogolaan karaan soo jeedinta Madaxweynaha ee Xaaladda Deg-degga ah.

Markaasi ka dib, waxa HAA Gacanta u taagay Afartameeyo Xildhibaan oo ogolaaday Xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Gobolka Sanaag, kuwaasi oo ka mid ah 107 Xildhibaan oo Fadhigan aan Caadiga ahayn ka soo xaadiray. Hase-yeeshee Guddoomiye Baashe oo ka qiyaas qaatay Tirada Xildhibaannada ogolaaday oo aad uga yaraa kuwa aan weli Gacanta taagin, ayaa ku dhawaaqay in fadhigu xidhan yahay, waxaanu yidhi “Fadhigu wuu inoo xidhan yahay, waa inoo Sabtida..”

Guddoomiyuhu wuxuu Fadhiga xidhay isagoon odhanin “Inta Diiddan Xaaladda deg-degga ahi Gacanta taaga..”, arrintaasi oo keentay in Xildhibaannadii arrintan ka soo horjeeday ay buuq ka sameeyaan.

SHARE
Article horeDegmooyin Ka Mid Ah Gobolka Sanaag Oo Xaalad Deg-deg Ah La Geliyey
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here