Mudaneyaasha Guurtida Oo Warbixino Ka Dhegeystay Guddi Hoosaadyo Kulamo la Yeeshey Hay’adaha Amniga Qaranka

0
1
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Fadhigii Shalay Ee Aqalka Odayaasha Oo Lagu Soo Bandhigay Xog-warran Lala Yeeshay Laba Janan Ciidan iyo Laba Wasiir Oo xukuumadda Ka Tirsan

Hargeysa(Hubaal)-Mudanayaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warbixino ka degeystay guddi hoosaadayada Arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca iyo guddida dhaqaalaha. Masuuliyiinta ay guddiyadani la kulmeen ayaa kala ahaa wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Md, Ciise Yuusuf Axmed (Xawar), Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha ciidanka Booliska sareeye Gaas C/laahi Fadal Iimaan, taliyaha ciidanka Dab-damiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili). Fadhigan oo uu shirguddoominayey guddoomiye ku xigeenka kowaad ee aqalka odayaasha  Md. Siciid Jaamac Cali. Guddoomiyaha guddi hoosaadka  Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada iyo difaaca xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in guddidu la kulantay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda hay’adaha qaranka waxna ay ka  weydiiyeen masuuliyadha ay qaranka u hayaan sida ay dhigayaan qodobada 129,124 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeer hoosaadka golaha guurtida qodobkiisa seddexaad farqadiisa seddexaad. Wuxuuna xildhibaanku faahfaahin ka bixiyey masuuliyiintii ay la kulmeen, isagoo sheegay in ay guddidu xogwaraysi la yeelatay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye waxna ay ka weydiiyeen xaaladda guud ee nabadgalyo ee dalka, iyadoo wasiir ku xigeenku xusay in xaaladda nabadgalyo ee dalku ay aad u wanaagsan tahay marka laga reebo dhallinyarada bilaa camalka ah oo rabshado ka samaysa magaalooyinka. Geesta kale, xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali oo ah guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golahaas ayaa mudanayaasha u sharraxay waxyaabihii ay kala hadleen masuuliyiintii ay la kulmeen, isagoo xildhibaanku tilmaamay in ay xooga saareen sidii xoolaha kala duwan ee dalka looga samayn lahaa biyo-xidheeno, meelo lagu xanaaneeyo iyo daryeelayaal  caafimaad oo joogto ah lana socda xaalada xoolaha dalku halka ay marayso

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here