Mujaahid Xasan Ciise Oo Wasiir Maxamed Ku Amaanay Qaabka Uu Usoo Af-jaray Dirirtii Ceel-Afweyn

0
24

“Waxaan Hambalyo U Dirayaa Wassirka Arrimaha Iyo Weftigii Nabadeynta Golaha Guurtida Oo Shaqaaqadii Labada Beellood Si Xilkasnimo Leh Usoo Afjaray, kuwaas oo in dhiiggoodu daato aan ahayn iyadoo lagu jiro qarnigii labaatannaad”

 

Madaxweyne-ku-xigeenkii u horreeyay ee Somaliland waxa uu bulshada deegaankaas ugu baaqay inay illaaliyaan xasiloonida

 

 

Hargeisa (Hubaal):-Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, isla markaanna ahaa Guddoomiyihii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR, ayaa soo dhaweeyay Qoddobadii lagu soo af-jaray Dirirtii u dhaxaysay labadda beelood ee deegaanka Ceel-afwayn, kuwaasoo uu sheegay inay labadda dhinac ilaaliyaan oo aannay ka bixin si loo hello Nabad iyo Xasiloonni waarta. “Arrinta Shaqaaqadda labadda beelood ee Walaalaha ah oo aannay marnaba ahayn in Dhiiggooddu uu daato, iyaddoo lagu jiro qarnigii 20aad, waxaanan qabaa in heshiisiinta labaddaas beelood ay arrin wanaagsan tahay, waanan u Ducaynaynaa heshiiskaas Nabaddaynta labadda beelood.” ayuu yidhi Mujaahidku

Waxaannu Hambalyo u diray Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Weftigii uu hoggaaminnaayay ee sida Xilkasnimadda leh u soo af-jaray Shaqaaqaddii deegaanka Ceel af-weyn. Runtii hawl wanaagsan oo qaranku u baahnaa ayay Nabaddayn rasmiya ku soo dhammeeyeen.” Ayuu yidhi Md. Xasan Ciise Jaamac oo u waramay Hadhwanaagnews

Mudane, Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku Ammaanay Waftigii uu hoggaaminnaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha gobolka Sannaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), Salaaddiinta gobolka Sanaag ka soo jeedda, Waftigii nabaddaynta ee golaha Guurtida Somaliland, sida wanaagsan ee ay u so oaf-jarreen Dirirtii u dhaxaysay labadda beellood ee Walaalaha ah ee deegaanka Ceel af-wayn, waxaannu Heshiisiinta iyo Nabaddaynta dadka walaalaha ah ku tilmaamay darajadda u sarraysa ee  waajibaadka Islaamnimadda.  “Waxaan Hambalyo u dirayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), Waftigii Nabaddaynta ee golaha Guurtida iyo Salaaddiintii gobolka Sanaag oo arrintii Shaqaaqadda labadda beelood si Xilkasnimo oo Masuuliyad leh u soo dhammeeyay, unna soo af-jaray. Waanna darajadda u sarraysa ee Islaamnimo in dadka dhexdiisa la isku soo dhaweeyo oo la heshiisiiyo.” Ayuu yidhi Md. Xasan Ciise Jaamac

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here