Mulkiilaha  Asli Maydhi Oo Ka Hadlay Shir Ay Ku Kala Kaceen Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada

0
1

Mulkiilaha  Asli Maydhi Oo Ka Hadlay Shir Ay Ku Kala Kaceen Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada, Baaqna U Diray Madaxwayaha Somaliland  

Maamulaha shirkadda Asli Maydhi Barkhad Jibriil Xasan, ayaa eedaymo u jeediyey Wasiiro Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo uu sheegay inay hatigaad iyo wanjalaad kula kaceen kuna jaambadeeyeen arin aanu shaqo ku lahayn, waxaanu fariin cabasho ah u diray madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi in uu arintaasi wax ka qabto.

Mulkiilaha Shirkada Asli Maydhi Barkhad Jibriil Xasan oo shalay qaar kamid ah warbaahinta la hadlaayay ayaa waxa uu ka hadlay kulan ay maamulka sare ee shirkadu ay laqaateen wasiiro ka tirsan xukuumada waxaana uu sheegay in shirkaasi ay ku soo kala kaceen isla markaana uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan waxaana uu intaasi raaciyay mulkiilaha shirkada asli maydhi in wasiiradii shirkaasi ka soo qayb galay ay ku tilmaameen hogaamiye kooxeed isla markaana aanay arintaasi ka qaban wasiirada.

 “Waxaa la iigu yeedhay shir albaabadu ay u xidhan yihiin oo kadhacay wasaaradda arimaha gudaha ka dhacay waxaana shirkaasi ka qayb galay wasiirada arimaha gudaha , gaashaandhiga, ciyaaraha, xanaanada xoolaha, ganacsiga iyo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha shirkaasi waxa uu ku saab sanaa maal mahan waxaad maqlayseen hadal badan oo ka soo baxay ganacsiga layidhaa xabkaha iyo faleemka waxaana la iway diiyay waxaa qaylada iyo dadkan isku keenay ana aan uga warbixiyay sababta keentay waxaanan u sheegay in shirkaduna ay hada xisaab xidh ku jirto oo la xisaab tamayso dadka xabkaha iyo faleemka ka shaqeeya oo ay iskugu yeedhay xafiis keeda guud ee hargaysa ku yaala” ayuu yidhi barkhad

Mulkiilaha Shirkada Asli Maydhi Mulkiilaha Shirkada Asli Maydhi oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi, “isaga oo shirku sidaasi u soconaayo ayaa waxaa iiga soo baxday in aniga eedaymo la iguwado oo la igu eedaynayo in aan kacdoon wado oo aan dad badan ka keenay sanaag iyo saaxil bari, dadka igu sheegaya hogaamiye kooxeed magaranaayo waxaan ku tilmaamo , waxaan halkan ka caday nayaa in shirkadu ay ku jirto xisaab xidh oo ay dadka ay lagashay heshiis yada sharciga ah ee nootayada leh in ay la xisaab tanto xisaabtuna ceeb maaha waa la isku yeesha”

Maamulaha Shirkada Asli Maydhi Barkhad Jibriil Xasan ugu danbayn waxa uu baaq u diray madaxwaynaha somaliland isaga oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi, “anagu hada waxaanu go’aan gaadhnay qofkasta oo nagu eedeeya in aanu rabshad dalka ka wadno in aanu talaabo sharciya ka qaadayno waayo ganacsigu waxa uu ku nool yahay sumcad ganacsataduna waa raga ugu jecel nabad galyada, anagu waxaanu madaxwaynaha ka cod sanayna in xukuumadiisu ay shirkada nabad galiso dad kana ay dhagaysato oo la is arko la is horfadhiisto” ayuu yidhi mulkiilaha shirkada asli maydhi barkhad jibriil xasan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here