HUBAALMEDIA.COM
Muraabaxaddu Ma Xallaalbaa? Mise Waa Xaaraan?
March 15, 2017 - Written by Mustafe Faro

Qormadeenan waxaynu kaga jawaabi doonaa su’aalahan hoos ku xussan:

  1. Waa Maxay Muraabaxadu?
  2. Qaybaha Muraabaxada
  3. Muraabaxadu Ma Xallaalbaa Mise Waa Xaaraan?

Mustafe (1)

  1. Waa Maxay Muraabaxadu?

Muraabaxada waxaynu u kala qaaadi doonaa laba qaybood ama laba waaxood oo kale ah:

  1. Muraabaxadii hore ( waa wakhtigii Asaxaabadda)
  2. Muraabaxada casrigga ah ee ay Bananka Islaamku Isticmaalaan wakhtigan.

Haddaba inta aynan ku horayn kala soorka ama kala ablaynta muraabaxada, aynu ka jawaabno suaasha ah; waa maxay Muraabaxo?

Qeexidda Muraabaxada waxaynu iyana u kala qaadaynaa:

  • Aff ahaan (Luuqad ahan)
  • Eray-bixin ahaan. ( Isdilaax ama Terminology)

Aff ahaan Muraabaxadu waxay ka timid kalmad Carabi ah ربح oo ah siyaado, dheeraad ama koboc (Halabsi).

Eray-bixinta Muraabaxada afarta Madahabood siday u qeexeen?

  1. Shaaficiya Sheekh Ma’wardi wuxuu ku qeexay “inuu yidhaahdo iibiyuhu, waxaan kaaga iibiyay Marraddan Muraabaxo. Waxaan kaa siiyay 100 dirham, 10 dirham kastna 1 dirham oo faa’iido ah baan ka rabaa”[1]
  2. Xanafiya Imam Al-Mirqiinaani wuxuu ku qeexay “Qofka oo wareejiya hantidiisa kuna wareejiya heshiis iyo lacag iyadoo faa’iido u saran tahay”[2]
  • Maalikiya Ibu Rushdi wuxuu ku qeexay “waa inuu iibiyuhu u cadeeyo iibsadaha qiimaha uu Badeecada ka siinayo, isagoo ku shardiyaya in faa’iido la saarayo”[3]
  1. Xanaabillah Sheekh Ibnu Qudaamah wuxuu ku qeexay “waa iib maal aad ku iibiso, iyadoo faa’idadana la isla ogyahay ama cadahay”[4]

  1. Qaybaha muraabaxada

Intaa haddaynu kusoo dhaafno qeexidii Muraabaxada, aynu usoo noqono qaybaha Muraabaxada culimaddu u qaybiyso:

  1. Muraabaxadii Hore ( waa wakhtigii Asaxaabadda)
    1. Muraabaxada hore waxay ka kooban tahay laba dhinac.
    2. Faa’iidada iibiyuhu dadaal iyo hawl bay ku soo baxaysaa
    3. Lacagtga cadaan (cash) baa lagu kala qaadanayaa

Muraabaxada hore waxay shabahdaa uun iibkeenan caadiga ah, ee hadda la isticmaalo. Ganacsaduhu Alaab keenayo, ka dib caadi looga iibsanayo. Isla markaan uu faa’iido saaranayo.

  1. Muraabaxada Casriga ah.

Waa Muraabaxada aynu usocono, inaynu faaqidno, ama faalayno. Hase-ahaatee, waxay u dhacdaa siddan:

  1. Waa in Macmiilku dalabkiisa Bangiga u gudbistaa, Alaab sifo la isla gartay leh.
  2. Inuu Bangigu aqbalo dalabkaa.
  3. Inuu Macmiilku balanqaado inuu alaabta iibsanayo, ka dib marka Bangigu hantiyo Alaabtaa.
  4. Bangiguna waa inuu balan qaadaa, inuu Alaabtaa uu Macmiilku doortay uu usoo iibinayo.
  5. Bangigu waa inuu Alaabtaa cadaan (cash) kusoo iibsadaa.
  6. Bangigu waa inuu Macmiilka kaga iibiyaa Alaabta dayn, iyadoo faa’iido la isla ogyahay ku jirto.

FG: faa’iidada Bangiga ayaa Alaabta saarnaya, ee Lacagta ma saaranayo.

Shuruudaha Muraabaxada looga baahan yahay.

  1. Waa in Bangigu ogaadaa xaddiga lacageed ee Alaabtu ku kacayso.
  2. Faa’iidada uu Bangigu (iibiya labaad) uu Alaabta saaranayo waa in la ila meel dhigaa.
  • Waa in Lacagta heshiiska lagu galayo, aanay sifo Ribo ah lagu doonayn. (Ribo ahayn).
  1. In heshiiku ugu horaynba uu sax noqdo. Wuu daboolo hanankii Muraabaxada casrigga ah.

  1. Muraabaxadu ma Xalaal baa? Mise waa Xaaraan?

Muraabaxada xalaaltinimadeeda iyo xaaraantimadeeda Culimaddu laba ayay u kala jabeen, sidda raajixa ahna gadaal baynu ka sheegi doona,

Culimadda Xallaalaysay:

Waxaan jeclaan lahaa, in aynu ku horayno Culimadda xalaalaysay iyo Buuggaagtooda (Kurubtooda) ay ku sheegeen:

  1. Saami Xamuudah oo ahaa Maamulihii Maddasha Cilmi Baadhista iyo Tallo-bixinta Maaliyada (مركز البركة للبحوث والاستشارات المالية) kuna sheegay Buugiisa (تطوير الأعمال المصرفية بما يتفق والشريعة الإسلامية).
  2. Sheekh Yusuf Al-Qardaawi Buugiisa (بيع المرابحة للأمر بالشراء كما تجريه المصارف الإسلامية).
  3. Cali Axmed Saloos Buugiisa (بعنوان المرابحة للآمر بالشراء نظرات في التطبيق العملي)
  4. Sadiiq Maxamed Amiin Dariir Buugiisa (المرابحة للآمر بالشراء)
  5. Ibraahim Faadil Daboo (المرابحة للآمر بالشراء دراسة مقارنة)
  6. Sheikh Maxamed Cali Tasriikhi (نظرة إلى عقد المرابحة للآمر بالشراء)

Haddaba Culimaddani maxay daliilo haysteen, ama ay ku tiirsan yihin?

Daliiladu waa siddan:

  1. Qaaciddada Fiqiga ah الأصل في المعاملات الإباحة  : oo ah “dhamaan waa xalaal macaamilka oo dhami, marka laga reebo wixii la xaaraatimeeyay”.

Haddii aynu is waydiino, halkuu ku xalaalaynayaa daliilkani Muraabaxadii? Jawaabtu waxay tahay, xasuusnaw wixii la xaaratimeeyay waa in loo helaa Nas cad, Qur’an, Xadiis ama Ijmaac cullimo. Inagoo soo xiganayna Ibnu Taymiyaha haddalkisii ahaa (أنهم ما كانوا يطلقون الحرام إلا على ما علم تحريمه جزماً) “Xaaraan laguma tilmaami karo, ilaa shayagaa la ogaado xaaraanimadiisa”[5]

Intaaa waxay kusii xoojiyeen Aayad Quraan ah ee suuratul Maa’iddah:

أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَسْأَلُواْ عَنْ أَشْيَاء إِن تُبْدَ لَكُمْ تَسُؤْكُمْ وَإِن تَسْأَلُواْ عَنْهَا حِينَ يُنَزَّلُ الْقُرْآنُ تُبْدَ لَكُمْ عَفَا اللّهُ عَنْهَا وَاللّهُ غَفُورٌ حَلِيمٌ { سورة  المائدة آية 101.

“Dadka Ilaahay rumeeyaw, ha waydiinina (Rasuulkiina SWC) waxyaabo haddi la muujiyo idinka, idin murugo galin. Haddad su’aali lahaydeen waxyaalahaa Rasuulka markii Quraan lasoo dajinayay, waa la idiin cadayn lahaa, Ilahay baa idinka dhaafay Ashyaadaa, Ilaahay waa Ilaaha dulqaadka leh ee Xikmadda badan”

Dr. Yusuf Qardaawi wuxuu soo qaatay Aayadda odhanaysa (وأحل الله البيع), isagoo tilmaamaya inuu iibkastaa xalal yahay, ilaa wixii nas ama daliil cad ku yimid mooyee.

Ibnu Xassam (Maxali) masalda 1501لأبن حزم في (المحلي)) wuxu ku sheegay in ay dhamaan iibka ama macaamilooyinku xalal yihin, wixii daliil cad lagu reebay mooyee isoo soo daliishanaya Aayada:

}وَقَدْ فَصَّلَ لَكُم مَّا حَرَّمَ عَلَيْكُمْ{ [الأنعام: 119]

“….Alleh waa idiin cadeeyay wixii uu idinka xarimay…”

Immamyadda Madaahidbtu maxay ka yidhaadeen Muraabaxada?

Dhamaan afarta Madhabood waxay isku waafaqeen inay iibka oo dhan uu xalal yahay, wixii laga reebay ama la xaaraantimeeyay mooyee. Laakin xasuusnaw Iibka ay ka hadlayaan Immamyadu waxaa ku jira Muraabaxadii hore; laakin, tan casriga ah mahaa. Waayo, Muraabaxada casriga ahi way ka dambaysa, Immaayadda Madaahibta.

Soo qaaado Immam Shaafici siduu uga hadlay:

Imaam Shaafici (وأحل الله البيع) mar uu Aayadan kaga hadlayay Iibka (Biyuucda) Kitaabkiisa Umm (“الأم”)wuxuu yidhi:

)فأصل البيوع كلها مباح إذا كانت برضا المتبايعين الجائز الأمر (أي التصرف) فيما تبايعا إلا ما نهى عنه رسول الله صلى الله عليه وسلم منها.(

“Waxa la cadeeyay inay Iibka oo dhami uu xalal yahay, laga reebo wixii Rasuulkeena SCW uu ina ga reebay”

Waxaa kale oo ay daraasadani ina xasuusinaysaa in diinta Islaamku ay u timid in dhibka ay dadka ka qaado, wax walbana fududayso. Tusaale Aayadahan hoos ku xusan u fiirso:

}يُرِيدُ اللّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ{ سورة البقرة آية 185.،

وقوله تعالى:} يُرِيدُ اللّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ {سورة النساء آية 28.

 وقوله تعالى:}وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ{ سورة الحج آية 78.

Culimadda Xaaraantimaysay Muraabaxada:

Aynu milicsano, ama aynu tilmamno, Culimadda dhinaca Xaaraanta ka eegtay Muraabaxada, inagoo soo qaadanayna Buggaagtooda ama Kutubtooda ay kaga hadleen.

  1. Maxamed Sulayman Ashqar Buugiisa (بيع المرابحة كما تجريه المصارف الإسلامية)
  2. Bakar binu Cabdallah abu Sayid Cilmi Baadhistiisa la yidha (المرابحة للآمر بالشراء بيع المواعدة)
  3. Rafiiq Al-Masri Cilmi Baadhistiisii ahayd (بيع المرابحة للآمر بالشراء في المصارف الإسلامية)

Maxay ku Xaaraantimeeyeen?

  1. Bangigu, Macmiilka wuxuu ka Iibinayaa wax aanu hayn (aanu mulkiyin):

Daliil maxay cuskadeen Cullimadani?

Ugu horayn ba, Dr. Maxamed Ashqar waxa uu ku dhaliilay ama uu ku dhaleeceeyay oo uu isla markaana xaaraan kaga dhigay Muraabaxadan dambe ee hadda Bangiyada Islaamku isticmaalaan, “in Bangigu uu macmiilkiisa ka iibinayo walax ama shay aanu hayn, Rasuulkeenuna SCW uu taa inoga digay sida ku cad xadiiskan:[6]

 “وقد نهى النبي صلى الله عليه وسلم عن بيع ما لم يقبض”

Waa sida uu Dr. Maxamed Ashqar hadalka u dhigee. Isaga oo kusii adkaysanaya Dr. Ashqar wuxuu sii tilmaamay in xaaraantimaynta Iibka laga Iibinayo macmiilka waxaan la hayn, ay afarta madhaboodba ku caddahay.

  1. Immaa Shaafici uu ku sheegay kitaabkiisa Umm.
  2. Ibnu Cabdul Bir oo Maaliki ah
  3. Muqniga oo Xanbali ah

Xasuusnaw dhamaan waxay Cullimadaasi ay ka hadlayaan in ay xaaraan tahay Iibka la Iibinayo waxaanad hayn (“وقد نهى النبي صلى الله عليه وسلم عن بيع ما لم يقبض”)

  1. Muraabaxadu inay tahay Iib cid kale ku xidhan (البيع المعلق ):

Tusaale: Bangigii baa odhanaya haddii alaabtaa la iga Iibiyo ayuun baan ka Iibin!.

Imam Shaafici na Iibkaa aan la hayn uu baadil ka dhigay, halka Ibnu Rushdi oo Maaliki ahina uu

yidhi:

 )لأنه كان على مواطأة بيعها قبل وجوبها للمأمور(

(“Waxay isku waafaqeen iibka wax aanu lahaanshihiisu weli u waajibin- u sugnaanin- iibiyaha – Alma’muur” taasoo xadiiskii ku salaysan ” ha iibin wax aanad haysan”).[7]

 

  • Muraabaxada casriga ahi inay tahay qaab khiyaamayn ah oo Ribo lagu qaadanayo: Dr. Maxamed Ashqar oo hadalkiisa sii xoojinayaa; ayaa wuxuu soo xiganayaa odhaahda sheekha Ibnu Cabdul Bir kitaabkiisa Kaafi la yidhaa, isagoo leh sidda:

ابن عبد البر في الكافي: ) معناه أنه تحيل في بيع دراهم بدراهم أكثر منها إلى أجل بينهما سلعة محللة مثال ذلك: أن يطلب رجل من آخر سلعة يبيعها منه بنسيئة وهو يعلم انها ليست عنده ويقول له: أشترها من مالكها بعشرة وهي علي باثني عشر إلى أجل كذا. فهذا لا يجوز لما ذكرنا… وأصل تعليل الفساد بهذا منقول عن ابن عباس رضي الله عنهما كما رواه البخاري: “أنه يكون قد باع دراهم بدراهم والطعام مرجأ [8] (

(….Haddii aad qof ka dalbato allaab si dayn ah, isagoo inaanu hayn allaabtaa aad ogtahay, ood ku tidhaa 10 Dhm ka soo siiso, ana 12 Dhm ayaan kasiisan, taasi ma banana sidaa waxa laga soo xiggtay xadiiskii Ibnu Cabaas)

  1. Iibkan Muraabaxadu waxay noqonaysaa Baycul Ciinah. Waa maxay Baycul Ciinah? Waa adoo ujeedadaadu tahay si aad Lacag u heshid laakin aanay ahayn inaa Allab hesho.

Tusaale: Saaxiibkaa ayaad Gaadhi ka iibsatay. Iib dayn ah; intii aanad daynta bixin (Lacagtii Gaadhiga), ayaad dib uga iibisay Saaxiibkaa isla Gaadhigii, waliba qiima ha hooseeya kii hore.

Ibkaana Nabigeenaa SCW inoo diiday. Waa aragtidda Immu Shaafici.

)إذا تبايعتم بالعينة وأخذتم أذناب البقر ورضيتم بالزرع وتركتم الجهاد سلط الله عليكم ذلاً لا ينزعه حتى ترجعوا إلى دينكم([9]

  1. Inay Muraabaxadu tahay Dayn Dayn lagu qaadanyo (بيع الكالئ بالكالئ أي الدين بالدين), taana sidoo kale la inoo diiday.

)عن ابن عمر “أن النبي صلى الله عليه وسلم نهى عن بيع الكالئ بالكالئ(

Dr. Rafiiq Al-Masri wuxu yidhi “ Bangigu isla wakhtigaa iibku dhacayo kuma wareejin karo macmiilka Alaabta, macmiilkuna lacag ma siin karo Bangiga” sidaa daraadeed waa Iib dayn, dayn lagu kala qaatay.

Muraabaxadu ma Xalaal baa? Mise waa Xaaraan?

 

            Hore, waxaynu soo xusnay, in Culimaddu laba qaybood u kala jabeeb. Qayb Xalal ka dhigtay Muraabaxadda, iyo qayb Xaaraan ka dhigtay Muraabaxdda. Si kastaba ha ahaatee, halkan waxaynu ku soo bandhigi doonaa, Muraabaxaddu sharci ahaan waxay tahay.

Inta aynaan ku is-dul taagin Xalaasha iyo Xaraanimadda Muraabaxada, aynu eegno jawabta ay ka bixiyeen Culimadda Xalaalaysay, qodobaddii Culimadda Xaraatimaysay Muraabaxda, oo aah siddan:

  1. Bangigu, Macmiilka wuxuu kaa Iibinayaa waxaanu hayn (aanu mulkiyin):

Jawaab: Culimaddu si fudud bay uga jawaabeen. Waxay yidhaahdeen, Bangigu marka horeba dadka kama iibiyo waxaanu hayn, laakin balan qaad ayuu macmiilka u sameeyaaa. Balan-qaadkaa marka la isla garto; ayaa Bangigu soo iibsadaa alaabtii, ka dibna uu macmiilkii ka iibiyaa. Iyadoo Bangigu raacayo shuruudaha sharciga ah ee Muraabaxada.

  1. Muraabaxadu inay tahay Iib cid kale ku xidhan (البيع المعلق ):

Jawaab: In  Bangigu ku xidho; haddii la iga iibiyo ayunban ka iibin, taasi maba aha mabaadi’da uu raaco Bangiga Islaamiga ahi. Kumana jirto heshiisyada Muraabaxada.

  • Muraabaxada casriga ahi inay tahay qaab khiyaamayn ah oo Ribo lagu qaadanayo:

Jawaab: Marka horeba, ujeedada Bangigu waa inuu Alaab iibiyo; maaha inuu lacag daymiyo macmiilka. Dhanka kale; ujeedada macmiilku waa inuu Alaab helo; ee maha inuu Lacag (Cash) helo, waa marka Muraabaxo laga hadlayo. Inagoo ka duulayna إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى

  1. Iibkan Muraabaxadu wuxuu noqonayaa Baycul Ciinah.

Jawaab: Muraabaxadu hal dhinac ayay ka dhex dhacdaa, Macmiila iyo Bangiga waana hal Iib, ee maha iib isku soo noqonaya sidda Baycul Ciinaha.

  1. Inay Muraabaxadu tahay Dayn Dayn lagu qaadanyo (بيع الكالئ بالكالئ أي الدين بالدين):

Jawaab: Laba aynu u kala qaadno heshiiska Muraabaxadda. Marka koowaad, Bangigu, Macmiilka wuxuu la galaayaa heshiis balan ku salaysan (الوعد). Marka labadna, heshiis Iib ah ayuu ku dhamaynayaa arinka Bangigu. Waa marka uu Bangigu gacanta ku dhigo Alaabta (uu milkiyo). Sidaa daraadeed meelna kasoo gali mayso Iib dayn-dayn lagu kala Iibsanyo.

Isku soo Xoori

                        Kadib markii aynu si mugg leh u falaqaynay, labada dhinac ee Muraabaxdda iskaga soo hor jeeday. Qolo ay lahayd waa Xalaal, qolona ay lahayd waa Xaaraan. Waxaa inoo caddatay; in ay Muraabaxaddu tahay Xalal. Oo aan la odhan karin waa Xaaraan. Go’aan kaa Xalaaltimeeyayna waxaa si cad ugu dhawaaqay kana Fityooday Ururadan:

  1. Kulanka Fiqigga Islaamigga kulankiisi 5aad ee Kuwayd 1409 H.
  2. Sheikh Ibnu Baas, mar su’aal laga waydiiyay Muraabaxadda 10 Apr. 1982.
  3. Sheikh Bader Mutawal Cabdulbaasid Fataawe ayu ku sheegay. Waa la taliyaha sharcigga Baytul Maalka Kuwayd.
  4. Bagiga Islaamigga Dubay, kulankiisii u horeeyay, ayuu Fataawe banaynaya Muraabaxada kasoo saaray 1399 HH
  5. Bangiga Islaamigga ah ee Kuwayd, kulankiisii labaad ayuu Fataawe xalaalaynaya Muraabaxada kasoo saaray 1403 H.

Illaahay ha ka yeelo Bangiyadeena, qaar ku dhaqma shuruucda Islaamiga ah. Xalaashana ku dadaala Allaah ha ka yeelo. Amin. Dhanka kalena Bulshadeenaa sidoo kale Allah ha ka yeelo.

Amin ya Rab.

Qalinkii iyo Qormayntii: Mustafe Abib Maxamed.Obsiye

Email: mustafeabib@hotmail.com

+252-63-4426103

+252-65-9088808

[1] الحاوي الكبير 5/279.

[2] الهداية 6/122.

[3] بداية المجتهد 2/178

[4] المغني 4/136.

[5] بيع المرابحة د. القرضاوي ص 13.

[6] بيع المرابحة د. محمد الأشقر ص 8.

[7] Tafsiirki Dr. Sheekh Cabdiqani Xuseen Maxamed

[8] بيع المرابحة د. محمد الأشقر ص 8

[9] رواه أبو داود والبيهقي انظر عون المعبود 9/240 سنن البيهقي 5/316، 44 وقال الحافظ ابن حجر: صححه ابن القطان بعد أن أخرجه من الزهد التلخيص الحبير 3/19 وقال الشيخ الألباني: (وهو حديث صحيح لمجموع طرقه..) السلسلة الصحيحة 1/15.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews