Murashaxa Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed loogu Sameeyey Deegaanka Caanka Ah Ee DAYAXA Oo Sanaag Ka Tirsan

0
160

Garyaqaan Reyte: Xildhibaan Miisaan Iyo Maamuus Ku Leh Deegaanka Laga Soo Doortay Ee DAYAXA Oo Shaaciyey Inuu La Midoobay Xisbiga KULMIYE

 

Dayaxa (Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey deegaanka Dayaxa oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka kooban saraakiil xisbiga katirsan, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, cuqaal, haween iyo xubno kamid ah garabka dhallinyarada xisbiga oo hawlo shaqo oo la xidhiidha qaadashada kaadhka diiwaangelinta ku maraya gobolka Sanaag, ayaa waxa goob ka baxsan magaalada kaga horyimi boqolaal kamid ah shacabka degmada Dayaxa, kuwaas oo muujiyey taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiisa. Haldoorka, waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka deegaanka Dayaxa, ayaa Geed hadhac ah oo loo asteeyey in dadka lagala hadlo ka jeediyey hadallo ay ku shaaciyeen in dhammaanba shacabka reer Dayaxa si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba. Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo kamid ah golaha wakiillada Somaliland, isla markaana laga soo doortay deegaanka Dayaxa, ayaa isaguna sheegay inay dadweynaha deegaanka Dayaxa si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana ay xukuumaddu waxqabad la taaban karo ka fulisay deegaanka.  Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo  hore uga tirsanaan jiray xisbiga  WADDANI balse kadib markii saluugay hanaankiisa siyaasaddeed dhawaan ku dhawaaqay in uu ka baxay xisbigaasi islamarkaana ay isha siyaasaddu dhaqdhaqaaqiisa iyo halka uu  u diga rogan doono la socotay ayaa khudbad uu shalay ka jeediyey deegaankaasi Dayaxa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey in uu la midoobayo   xisbul-xaakimka KULMIYE. Wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyada, Qorshaynta qaranka, Warfaafinta iyo siyaasiyiin madasha ka hadlay, ayaa iyaguna shacabka reer Dayaxa uga mahadnaqay soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, waxana xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE uga mahadnaqeen waxqabadka ay halkaas ka hirgelisay ee hormoodka u tahay dib udhiska lagu wado dugsigii caanka ahaa ee Dayaxa oo haatan la dhisayo. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga oo la hadlay shacanka deegaanka Dayaxa, ayaa ku dheeraaday taariikhda deegaanka Dayaxa iyo sida ay u tahay goob ay kasoo aflaxeen boqolaal haldoor oo bulshada reer Somaliland magac iyo maamuus ku leh, waxana uu shacabka ku dhiirrigeliyey inay si habsami leh u qaataan kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo halkaas ka socota.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here