Musharaxa Xisbiga WADDANI Oo Baaq Nabadeed U Diray Laba Beelood Oo Ku Diriyay Deegaanka Buuhoodle

0
118

Hargeysa, August 19, 2017 (Hubaal) – Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa baaq nabadeed u diray laba beelood oo dagaal ku dhexmaray deegaanka Buhoodle.

 

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hub wixii ay heli karayeen labada beelood ayaa waxa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay lix qof halka ay dhaawacyo ka soo gaadheen tiro intaa ka badan.

 

Musharaxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro waxa uu ugu baaqay labada beelood ee dagaalku ku dhex maray deegaanka Buuhoodle inay xabada iyo dagaalka joojiyaan oo ay soo celiyaan caqliga iyo nabadgalyada, dagaalkana dad ku dhinta mooyaane aanu dheef lahayn.

 

Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo dagaalkaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa shacbiga walaalaha ah ee degan deegaankaasi in nabadgalyada laga wada-shaqeeyo, walaalnimada la soo celiyo, colaada la joojiyo, dagaalka la joojiyo, dagaal wax inagaga dhinta mooyaane wax inagu soo kordhin maayo.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here