HUBAALMEDIA.COM
“Musharraxnimadaydii Madaxweynuhu Runtii Wey Murkacatay, Laakiin Waxa La Yidhi Geel Jire Ka Tegey Geel Oo Geel Kale Tegey ‘Hashaas Magaceed’ Buu Siyaadsaday”
July 24, 2016 - Written by Mustafe Faro

Xildhibaan A. A. Kijaandhe Oo Ku dhawaaqay In Uu Ka Baxay Garabkii Isbahaysiga KULMIYE+ Ballanna Ku Qaaday In Uu Taageerayo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Cuddudiisana Dhisayo

 

“Anigu Waxaan Sheegayaa Inaan Dhisayo Musharraxnimada Muuse Oo Waa Musharraxayga Maanta, Sababo Badan Oo Uu U Istaahillona   Wey Jirtaa, Oo  Arragtidii Uu Isagoo Gadh Madoobe Ah  Jabhadda U Galay Inaanay Weli Ka Lumin Ayaan U Malaynayaa”Axmed Cabdi Nuur kijaandhe

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo katirsan gollaha wakiillada Somaliland isla makraana kamid ahaa siyaasiyiin qaadacay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee lagu doortay musharraxiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee xisbigaas bishii November ee kal hore  ayaa shaaca ka qaaday in uu ka baxay siyaasiyiintaas oo la baxay garabka Isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIIYE, isla maakaan uu hadda wixii ka dembeeya taageersan yahay Musharraxiintii lagu doortay shirkaas. Xildhibaan Kijaandhe oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaallada Hargeysa waxaa uu sheegay in uu musharraxa KULMIYE ee madaxweynuhu yahay Muj. Muuse Biixi Cabdi Isla markaana uu  u qalmo mansabkaas, isaguna Kijaandhe ahaan uu dhisayo cududiisa. Ugu horreyna isaga oo ka hadlaya Xildhibaanku isbedelka mawqifkiisa ku dhacay waxaa uu yidhi  “Anigu Isbahaysiga kama tirsani waanan ka baxay, muddo yar oo gaabanna markay wixii iska laabmeen [siyaasaddii garabkooda],  runtii aniga waxay ila noqotay inaanan xisbigii intaas [khilaafka] kaga tegin”. Sidaas ayuu yidhi xil. Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), waxaanu intaa ku daray “Noloshu maallina way wanaagsan tahay maallina way kuu xun tahay, markaa maalintay xumaanta kaa gasho waa inaad dulqaadasho samaysaa. Horta arrintii musharraxnimadaydii Madaxweynuhu runtii wey murkacatay, markaas intaas [murkacashadaas] kaga tegi maayo xisbigii ee waan dulqaadanayaa oo  waan ku noqonayaa”.  Mar weriyeyaashu ay xildhibaanka wax ka weydiiyeeen sida uu u arko wada hadallada u socda garabkii uu ka tirsanaan jiray  ee isbahaysigu ay kula jiraan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxaa uu yidhi “Runtii way ku hagaagsan yihiin [wadahadallada u socda WADDANI], xorna way u yihiin  laakiin Waxaa la yidhi nin geel jire ah oo geel  ka tegey oo geel kale tegey hashaas magaceed buu siyaadsaday, markaa  anigu waxaan ka doorbiday in halkii aan xisbi cusub u tegi lahaa aan Xisbigaygii ku soo noqdo, waayo KULMIYE waxaan kamid ahaa Aasaaseyaashiisii, waa la iga soo doortay oo Baarlamaan baan ku noqday , markaa  meel kaleba inaan garanayn baa la moodaa waayo anigoo intan ka yar baan [KULMIYE] lasoo hanaqaaday  maalintii lagu dhawaaqayay illaa maantana waan taagnaa oo intaas kaga tegimaayo”. Sidaas ayuu yidhi. Sidoo kale Xil. Axmed Cabdi Nuur Waxaa uu dhayda ka caddeeyey inuu musharraxnimada guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ee madaxweynenimada KULMIYE uu dhisayo isla markaana garabkiisa taagnaanayo “Runtii anigu waxaan sheegayaa inaan dhisayo oo aan garab taagnaanayo musharraxnimada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Madaxweynenimada, waanan daba socdaa oo waa musharraxayga maanta, sababo badan oo Muuse Biixi uu u istaahillo Musharraxnimadana wey jirtaa runtii, waxanan u malaynayaa arragtidii uu isagoo gadh madoobe ah  jabhadda u galay inaanay weli ka lumin, maxaayeellay aragtidaasi waxa ay ahayd in uu Somaliland wax hagaagsan oo muntafic ah dadkiisa uu ugu hiilliyo”. Ayuu yidhi. Waxaa kale oo ay weriyeyaashu wax ka weydiiyeen isbedelka ku dhacay mawqifkiisii hore ee uu ku qaadacay musharaxnimada Muuse Biixi, kaasoo uu sheegay in qaadacaadaasi ay kamid tahay waxyaabaha uu xisbiga Ugu soo noqday si uu uga ilaaliyo inaanay mar kale tan oo kale dhicin “waxyaabaha aan u soo noqday bay ka mid tahay arrintaasi inaanay dib u dhicin inkastoo aanan raalli ku ahayn sida ay wax u dhaceen”.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews