Mustafe Cagjar Oo Loo Doortay Madaxweynaha DDSI

0
1

Addis ababa (HUbaal) Wararka ka imanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) loo doortay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

 

Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.

 

Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.

Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI.

SHARE
Article horeCiidammada Mareykanka Oo Sheegay Inay Duqayn Ka Gaysteen Soomaaliya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here