Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxakamadda Sare Kuna Baaqay Midho-dhalka Qoddobada Laysku Raacay

0
21

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Ayaa ka hadlay Aragtida uu ka qabo Go’aanka Maxkamadda Sare SL.

Muuse Biixi Oo War Qoraal Ah  oo uu  Xalay Cawayskii  soo saaray nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Wargeyska HUBAAL ayaa muujiyey mowqifka ay xisbi ahaan ka qabaan. War saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.Muuse Biixi

Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.

Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here