Muuse Biixi Oo Ka Jawaabay Eedihii Ay Mucaaridku Ku Lifaaqeen Go’aamadii Shirkooda

0
27

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa ka jawaabay Qoddobo ay dhawaan Asxaabta mucaaridka ahi kasoo saareen Shir maalmo kooban ku socday, kuwaas oo salka ku haya Muranka wali ka taaggan muddo-kordhinta Loo Sameeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.  Guddoomiyaha Kulmiye, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo jawaab ka bixinayey Baaqyada mucaaridka una warramayey Idaacadda BBC-da, ayaa markale ku celiyey inaanay xukuumadda iyo Xisbigeedu ka bixin Heshiiskii ay hore axsaabta mucaaridka ula gashay ee lagu soo gaabinayey muddo-kordhinta Xukuumadda loo sameeyey.   Muuse BiixiMuuse Biixi waxa uu sheegay inay wali ku Hawllan yihiin sidii Guurtida loogu qancin lahaa aqbalaadda Heshiiskaa,“Heshiiskii aanu axsaabta mucaaridka wada galnay kama aanu bixin, xukuumadduna kama ay bixin, dhawr cisho ka horna madaxweynahaa caddeeyey, annaguna xukuumad ahaan iyo xisbi ahaan sidii aanu usoo jeedinay oo ahayd in la qabto December 2016-ka ayey naga tahay, laakiin waxa ay ku xidhan tahay distooriyan Guurtidaa inay Guurtidu nala qaadato.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.  Muuse Biixi oo Hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay inay mucaaridku kaalintoodii ku aaddanayd inay qancinta guurtida kala hawlalaan ka gaabiyeen, balse dhinacooda ay dedaalkii wali wadaan, waxana uu yidhi,  “wada-hadal baa ka socda, wada-hadalkana waa la yaqaannaa inay wakhti qaataan, hawshiina waa wadnaa, caqliga saliimka ahina waa inay mucaaridku hawsha nala galaan oo nooga dheereeyaan Guurtida inay qanciyaan, laakiin waxa aad moodda inay meel fadhiisteen.”  Mar uu ka Hadlayey sababaha keenay dib-u-dhaca doorashooyinka ku yimi, ayaa eeddaas xukuumaddiisa ka difaacay, waxana uu sheegay in habsanku ka yimi dhinaca Guddoomiyaha Baarlamaanka.“doorashadu waxay u daahday shuruuc ku daahday Gacanta Guddoomiyaha Baarlamaanka, Eedda Mucaaridku na marmarinayaana ma qabno. Waxana aanu nahay Dawlad ay isku miisaaman yihiin Golayaasheeda Sharcigu, waxa noo dhexeeyaana waa wax sagaashan cisho ku siman, markaa hawshaasi waa naga daacad.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse. Jawaabta uu muuse Biixi ka Bixiyey Dhawaaqa mucaaridka, ayaan waxba kaga duwanayn hadalladdii toddobaad ka hor xubno xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye katirsani isla barbar socdeen ee nuxurkoodu ahaa inay dhiraan-dhirinta dhinaca Guurtida wali ku Hawllan yihiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here