“Muuse Biixi Waanu u Ololaynay oo aanu U Ciyaarnay, Abaalkayagii Hadduu Maanta Ka Dhigay In La nagu Fuliyo Annaga Go’aan Sharci-Darro Ah, Wax Aanu Yeelayno Maaha”

0
1

Madax-Dhaqameed Si Adag Uga Hadlay Dhul Ay Sheegeen In Madaxtooyadu Awood Ciidan Kagala Wareegtay

“Annagu Markii Hore Waannu Doonaynay Inaan La Maqal Ceebteena Oo Aanu Isu Xan Qarsano, Laakiin Maanta Waxa Aanu Ummadda Somaliland U Cadaynaynaa…..”

Hargeysa (Hubaal):- Salaaddiinta Waxgaradka, Siyaasiyiinta Beesha Oday Maxamed xasan dalab oo ah mulkiilaha dhul la sheegay in laga dhisayo madaxtooyo cusub, muddana xoog ay ku dhisayeen ciidamada millatariga Somaliland ayaa si adag uga hadlay dhacdadan iyagoo fariin u diray madaxwayne Muuse Biixi oo ay sheegeen in uu isagu hawshan wado, 6 sifo sharciga baalmarsana uu doonayo in uu dhulkan ku qaato.

Madax-dhaqameedkan oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ugu horayn waxaa arinta beerta iyo marxaladihii ay soo martay ka hadlay oday Maxamed Xasan Dalab.

“Muddo labaatan sanadood ah baan ku jiray, iskana aamusnaa, sifo sharciyana maxkamadahaas aan u taagnaa sadex iyo toban xukun ayaan haystaa, reeraha dhexdoodana go’aankoodii waan haystaa, waxba waysocon waayeen, fulin uun baa dhici waydoo, oo maxay u dhici waydaa, rabshad baa ka dhacaysa uun baa la yidhaa. Soomaalidaan ka maqli jiray, ‘Rag kaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaan’ dee anigu kaligaybaan socdaa, laakiin dadka aanu ishaysanaa waa ummad farabadan oo isasoo kaashatay oo iskukaaya bedbedesha, markii hore waxay ahaayeen afar nin oo siddeetan ka wakiil ah, markii dambena kow iyo toban nin, markii dambena saddex iyo labaatan, waxaaga isuwada gayso way dhammaatay, sharciga maanta aynu ku taagan nahay ee aanu wax ku nahay oo dhan ayaan haystaa xukunkiisii iyo fulintiisii. Markay halkaa taagan tahay dhibaato kale ayaa iga hortimid, dhibaatadaasi waxay tahay, maalin maalmaha ka mid ah ayaa madaxweynaha maanta jiraa ii yeedhay, waan u imid oo anigu waxaaban moodayaa inuu malaha xil iyo wax saasee oo waan isweydiiyay, dee waligayba dawlad umaan shaqayn baan islahaa kaga jawaab haday timaad, maba ahee wuxu yidhi ‘dhulkii waanu kaa qaadnay’ joomitirna waanu galinay, maayarkana waanu u yeedhnay, dilaaliintiina suuqa ayaanu u diray, iibkiina intaas baa la yidhi, boqolkiiba soddon na waanu kaa jaraynaa, wixii kale ee kuu soo hadhana waanu ku siinaynaa. Waa sax, wuxuun buu alle iga keenay waad hagaagsan tahaye waxaad doonto ka dhigoo, laakiin horta dee xukunkii ha fula oo ka fuli kuwan meesha fadhiya dee ka kici, adiguna waadigii yidhi sharcigu ha sareeyo e’ hakuu dhabbawdo ana samirkaygii aan wax ku helo. Waayahay buu I yidhi oo jawaabtiisu noqotay, halkaa iyadoo waayahay taagan ayaa hadana waxa dhacday in la keeno cagafyo jeexjeexaya, waa la ii sheegay, waxaan isku dayay inaan ninkii isaga ahaa [madaxweynaha] aan arko, wayna ii suurtogali wayday, aakhirkii dambe ayaan helay oo uu ii yeedhay, wuxuuse iigu jawaabay maxaad iga doonaysay, markaasaan idhi inaadeer shaqona kaama doonayo shaxaadna kaama doonayo, wax kalena inama dhex ooline dee waxaynu sugaynay maad fulisid, hadal wuu badnaa oo imikadan baan ku idhi jooji waxaa oo ii yeedh dabadeedna aynu wadahadalno sidaad doonayso oo sax ah ayaan kuu siin, nina wixiisa laguma dul maamulo karo.” Ayuu yidhi oday Xasan Dalab

Sidoo kale, Waxaa iyagu si kulul Ucanbaareeyay talaabada Madaxwayne Muuse biixi Uu Ku haysto beerta Maxamed xasan dalab Ex Xidlhibaan Xasan Xaydh, Suldaan Siyaad, Cabdiqaadir Sheikh Yuusuf sh. Madar Iyo Caaqil Shaqale, kuwaasi oo dhamaantood wacad ku maray in aanay suurto gal ahayn in beerta Maxamed Xasan xoog lagu qaato sharciga uu ku leeyahayna uu yahay ka Madaxwaynaha ka  dhigay Muuse.

“Muuse Biixi waanu ololaynay, waanu u ciyaarnay, abaalkayagii hadduu maanta ka dhigay in lanagu fuliyo annaga go’aan sharci-darro ah, wax aanu yeelayno maaha. Waxa weeyaan inaanu u tunnay oonu u ciyaarnay, inuu abaalkayaga ka dhigo in layna gumaysto oo uu cagta hoosteeda na galiyo oo sharci-darro uu naggu xukumo ayuu Muuse Biixi doonayaa, anigu waxaan leeyahay belaayo madax la qabtay leedahay ee mijo la qabto ma leh, sidaa uu sheegay, arrintan Ismaaciil Jibriil baa galay oo Nuux Ismaaciil baa galay, Sacad Muusaa Galay oo Subeer Awal baa galay, waa laga wada xukumay, dhulkaa, beelahaasi mid aanaan iibsan oo lacagtii la caysn galin ma leh, afarta baloogba waanu iibsan, saddexda la xukumay ee la noo xukumay ee la leeyahay ka guura, waa saddex aanu lacagtayada siisanay oo Xasan lacagtiisa siistay, waxa weeye, waar aan guurnee maxaanu ku guurnaa, intii hore annagu inaan la maqal ceebteena oo aanu hoos wax u dhamaysano oo isu xan qarsano, waanu doonaynay, maanta waxa aanu cadaynaynaa in annaguna aanan ka guurayn meeshayadii annagoo arkaynaa, waxaan ummadda Somaliland ee Guurtidu kamid tahay ee madax-dhaqameedku ka mid tahay in arrintayadaa la soo farogaliyo oo wax laynala arko.” Ayuu yidhi Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-xaydh)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here