“Muwaadin kasta oo ku qanca mabda’ani, magaciisa & Saxeexiisa Ha U Diro Madaxweynaha”

0
263

Nuxurka Qormo Hal-ku-dhegeedu Yahay [Hiil Qaran] Oo Ay Qoreen H. Boodhle & Ahmed Mohamed Adan…….

 

Sida aynu ka warqabno, dhawaan Xukuumaddii hore ee Siilaanyo waxay heshiis la gashay Dawladda Imaaraadka Carabka. Heshiiskaas oo darranaa wareejinta Madaarka Berbera oo ay dawladda Imaaraadku rabto inay ka dhigto saldhig milatari oo ay ka hawlgalaan ciidammada badda iyo kuwa cirku.

Heshiiskan oo ahaa mid is-af-garad(MoU) ah waxa si wada jir ah u saxeexay labada aqal ee Soomaalilaan bishii Sebtember, 2017-kii.

Madmadowga badan ee ku jira heshiiskan ayaa dadweynaha Soomaalilaan geliyay werwer iyo shaki badan kaas oo buuq iyo sawaxan badan dhaliyay. Heshiiskan ayaa ahaa mid aan u bislayn codayn iyo in baarlamaan la horgeeyo.

Haddaba maqaalkaygan waxa aan u dirayaa dawladda cusub ee la doortay ee Somaliland isla markaan auu gadh-wadeenka ka yahay Md. Muuse Biixi Cabdi. Mudane Madaxweyne waa in aad maanka ku haysaa qodobbadan soo socda:

DANI WAA SEETO

Iyadoo aan maanka ku hayno muhiimadda ay magaalada Berberi u leedahay Dalka Soomaalilaan iyo guud ahaanba mandiqadda, waa in aan is weyddiinnaa muhiimadda ama danaha innoogu jira in aan galno heshiis madmadow badan ku geedaaman yahay kaas oo aan waxba laga weyddiin dadkii aqoonta u lahaa; haseyeeshee ay duuduub u qaateen dad dano gaar lahaa. Gabayaagii weynaa ee Cali Jaamac Haabiil ayaa laga hayay waqtigii gumaystaha Ingiriiska “Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn.”

TAXADDIR BADAN OO AQOON IYO WAAYO-ARAGNIMO HOGGAAMINAYSO

Mudane Madaxweyne, waxa muhiim ah in aan eegno ugu horreyn istaraatiijiyadda iyo bugcadda deegaan ee ay ku taallo Magaalada Berbera taas oo maanta tartan xooggan loogu jiro. Su’aasha ugu mugga weyn ee ay waajib tahay in aan is weyddiinno ayaa ah: Heshiiskani ma u adeegayaa danaha bulshada Somaliland? Ma yahay mid qaranka faa’ido ugu jirto? Tognaantiisa iyo tabnaantiisa kee weyn?
GEESTA AMMAANKA

Soomaalilaan waa dal madax-bannaan. Xorriyadda iyo nabadda maanta dalkani ku naaloonayo waxa loo soo galay halgan dheer kaas oo ka bilaabma halkii Daraawiishta ee Ingiriiska. Waxa xigay dagaalkii lala galay rijiimkii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre. Iyadoo aan ka duulaynno arrimahaas, Imaaraadka waxa uu ka mid yahay xulafada uu hoggaaminayo Sucuudigu kuwaas oo dagaal adag kula jira Xuutiyiinta Yemen oo taageero milatari iyo mid dhaqaale ba ka hela Iiraan. Jabhaddan mitidka ah waxay haystaan hub khatar ku ah deggenaanshaha Somaliland. Waxa aan ka warqabnaa in ay marar badan gantaallo ku rideen Sucuudiga oo aan ognahay fogaanta iyo masaafada uu u jiro, halka magaalada Berberi uga dhawdahay. Waxaan ognahay in ay Somaliland ugu soo hanjabeen inay weerar ka fulin doonaan haddii aan la hakin heshiiskaas Imaaraadka.

MAXAAN KU BEDDELENNAA?

Haddiiba ay maslaxadda Somaliland gasho in aan saldhiggaas siinno Imaaraadka weyddiinta xigtaa waa waxa ugu mudan ee aan ku beddelanaynno. Inta aynnaan ka warcelin weyddiintaas waxa muhiim ah in aan maanka ku haynno in Imaaraadku yihiin kuwa baahan maanta. Baahi weyn ayay u qabaan in Berbera noqoto saldhigga labaad ee ay ku leeyihiin Afrika. Taas beddelkeeda waxay goor iyo ayaan ba diyaar la yihiin inay huraan wax kasta oo u suurogalinaya helitaanka bugcaddan istaraatiijiyadeed.

Innagoo taas maskaxda ku haynna, Somaliland waxay maanta baahi weyn u qabtaa helitaanka aqoonsi caalami ah si ay uga mid noqoto bulshada caalamka. Mar haddii aan bixinaynno bugcaddii ugu muhiimsanayd dalkeenna, waa in shayga keliya ee Imaaraadka aan ka dalbanaynnaa uu ahaado aqoonsi caalami ah. Dhabbadani waa halka ugu fudud ee aan maanta ka abbaari karno aqoonsi weliba innoogu yimi dalkeenni – aqoonsi wuxuu ku yimaaddaa dano iyo maslaxado lagaa yeesho ama laga yeesho dalkaaga sida aynnu uga barannay siyaasadda caalamka.

Helitaanka aqoonsigu waa sida keliya ee muwaadinka dalkan u dhashay ugu qanci karo saldhiggaas.

Ugu danbeyn, waxa muhiim ah in arrintan sida ugu dhakhsaha badan loo waajaho inta aanay xeedho iyo fandhaal kala dhicin. Haddii uu Imaaraadku bilaabo dhismaha isla markaana ciidammadiisu ka soo degaan Berbera ma jiri doono wada xaajood danbe iyo xitaa ka hadal danbe. Caano daatay waa la dabo qabtaa.

Dardaarankeennu waa u hiili dalkaaga!

Muwaadin kasta oo ku qanacsan mabda’an, fadlan magacaaga oo saddexan iyo saxeexaaga u dir madaxweynaha.

Alla Mahad Leh

Waxa Wadajir U Qoray:  Cabdi H. Boodhle & Ahmed Mohamed Adan…….

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here