Muwaadin reer Jabbuuti Ah Oo Caddaalad-darro Ka Tirsaday Guryo  Ay Hargeyska Ku Leeyihiin Oo   Mulkiyad Been Abuur Ah Loo Samaystay+AKHRI Dhukumentiyada Saxda Ah Ee Ardiyadda  

0
261

Waxaa uu Naqdiyey Kaalin Uu Sheegay In Maayarka Caasimaddu Ku leeyahay Fududaynta Mulkiyaddan Been Abuurka Ah Oo Lagu Dhaxal WAreejinayo Hantidoodii Maguurtada Ahayd

Djibouti (Hubaal/Wajaalenews) –  Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur oo ah muwaadin reer Jabuuti ah sidoo kalana u dhashay  somaliland  ayaa cabasho xoogan ka muujiyay cadaalad darooyin faro badan oo lagula kacay,waxaanu dhibanahan oo warbaahinta u waramay sheegay in xoog lagaga haysto guryo ay kulahaayeen magaalada Hargaysa, isaga oo bedka soo dhigay arimo laf jab ku ah Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa, ka dib sida uu sheegay dhibanahani markii maayarka caasimada Hargaysa  mulkiyad been abuur ah uu u sameeyay dad kiro ahaan ugu jiray bakhaaro ay ku leeyihiin Badhtamaha caasimada Hargaysa.

Muwaadinkan reer jabuuti ayaa sidoo kale soo bandhigay kala duwanaanshaha waraaqahan been abuurka ah ee loo samaystay sedexda guri ee ay ku leeyihiin badhtamaha suuqa Hargaysa oo mudo dheer kiro loogu jray ayna u samaysteen kiraystayaashii ku jiray.

Sidoo kale Muwadin Naasir ayaa fashiliyay  in shaqsiyaadka degan guryahan kirada ugu jiraa ay ardiyadahan been abuurka ah ee ay sameysteen ay baananka kaga qaateen lacago  Faro badan

Mr. Naasir ayaa maayarka caasimada Hargaysa   ku eedeeyay in dhamaan lahaanshaha been abuurka ah ee  qaarka mida dadkii markii hore  kirada ugu jiray   xiligana samaystay ducomentiga been abuurka ah  iyagoo mid ka mid ahi uu ku doodayo in laga iibiyay  halka qoyska iska leh gurayahan ay ku eedeeyeen maayarka iyo xubno maxkamaduhu in ay ku gacansiinyeen samaysiga waraaqahan sharci darada ah..

Haddaba waxaanu halkan hoose idiinku soo lifaaqnay Dhukumentiyada Ardiyadda sharciga ah ee ay leeyihiin guryahan ay Muwaadinkan iyo qoyskoodu dhaxleen.

Source: Wajaalenews.net

??????????????

Guriga 1aad: waxaa ku jira Rashiid Ibraahim Ciise oo ku iibinaya ardiyad qaldan oo numberkeegu yahay j-al/b-47/593, halka guri numberka saxda ah ee Ardiyadu yahay j-al/b-47/598.

 

Guriga. 2aad: waxa hada ku jira Gurigan Naasir C/laahi Nuur, halka uu Ardiyad been abuur ah oo khaldan u samaystay iyo mulkiyad foojariya ninka lagu magacaabo Axmed Cali Xaaji Mohamed numberka j-al/b-47/597,
Guriga. 3 aad: Waxaa sifo qaldan ugu jira iyo sidoo kale iib been abuur ah Axmed Cali X. Mohamed oo isaguna u samaystay ardiyado been abuura numberkeeguna uu yahay j-al/b-47/591 oo ku bixiyay cashuuro isagoo lambarka asalkiisu ahaa j-al/b-47/596.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here