HUBAALMEDIA.COM
Muwaadin U Is-Taag Oo Difaac Dastuurkaaga Ku Siiyay Awooda Iyo Karaamada Qaranimo Adiga/Shacabka
February 14, 2017 - Written by Mustafe Faro

Somaliland waxa lagu wada joogo ee isku hayaa waa 130ka qodob ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas darteet shalay waxa ka dhacay Golaha Wakiiladu ma wafaqsana sharciga iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, wax kasta oo baal marsan dastuurka ummadani u codaysayna waa sharci daro iyo afganbi! waayo hadaan qoladan dawlada jin si qaldan ugu fasirin qodobka 53aad faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu awooda iyo masuuliyada ansixinta heshiisyada siinaya Golaha Wakiilada oo kali ah.

Qodobka 53aad-faqraddiisa 3aad waxa uu dhigan yahay sidan: golaha wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

Sida ku cad qodobkan ma aragno meel Golaha Guurtida loogu baneeyay in ay la yeshaan masuuliyad iyo wajibaadka ansixineed Golaha wakiilada, arintani waa sharcigii ummadan oo lagu tumanaayo ummadana ma’aha in la gumeeyo ee waa in sharciga loo soo noqdaa odaygan Salebaanna dalka qabyaaladda iyo jujuubka haka daayo.

Qodobka 49aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu dhawrsanaan iyo xasaanad siinayaa xubnaha golaha wakiilada lakiin wixii shalay ka dhacayay golaha wakiilada waxaan arkaynay xubno wakiilada ka mid ah oo si ka baxsan sharciga loola dhaqmay.

Hadii aan la ilaalin Dastuurka ummadani dhigatay oo maalinba qodob la jabiyo oo shacabkuna ka amuso waxa xigi doonta in maalinta danbana la jabiyo qodobka 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada oo ka hadlaaya madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland awooda iyo karaamada qaranimadana siinaya shacabka. Maanta waxaad haysataa fursad aad ugu hiiliso dastuurka lakiin hadii aad ka amusto maanta qodobada dastuurka ee la jabiyay iyo kuwii hore loo jabiyayba waxaynu sugnaa waa qodobka 1aad ee dastuurka oo laga noqdo’uun

Waxaan tusaale u soo qadanayaa wadanka Erteria oo ahaa dawlad madaxbanaan lakiin nidaam fedraali ah kula jiray Ethiopia ayaa 1962kii barlamaanka wadankaasi u codeyeen in lala midoobo wadanka Ethopia iyada oo aanu shacabku raali ka ahayn waxaanay ku qaadatey 28 sano in ay soo ceshadaan madaxbaaninoodi ka luntay!! Sidaas darteet waa in aan u hiilinaa dastuurkeena oo ka dhignaa mid aan dhayaldhayal ama si fudud qodobadiisa loo bddali karin.Hadaynu maanta ogolaano in maalinba qodob dastuurka ka mid lagu tunto waxaa suuro gal ah in sida maalinba qodob dastuur loo jabinaayo si shacbiga dareenkiisa loo tijaabiyo in maalinta danbana lagu dhiirado in meesha laga saaro qodobka 1aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

“Shacabku ha tooso weyaan waayo awooda iyo karaamada qaranimo shacabkaa iska leh”

Qalinkii: Cabdikariim Axmed Mooge

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews