HUBAALMEDIA.COM
Muwaadiniin Ka Jawaabtay Eedo Uu Guddoomiyaha Mashruuca Wadada Cadi U Soo Jeediyey Qoysaska Degen Dhulka Masallaha
August 25, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

 

Hargeysa (Hubaal)- Qaar kamid ah qoysaska degen xaafadda Masallaha ee koonfurta magaallada Hargeysa ayaa Guddoomiyaha Mashruuca Wadada Cad ee Isku Xidha Hargeysa Illaa Sallaxley  Md. Cali Ibraahin Sanyare ku eedeeyey in uu  sifo sharciga ka baxsan ku damaaciyey dhul ay leeyihiin oo ku yaalla Xayndaabka madaarka caasimadda gaar ahaanna ag agaarka GAS M-ta, kaasi oo ay sheegeen in ay sharciyada lahaanshihiisa u haystaan isla makraana uu madaxweyne Siilaanyo digreeto ku soo saaray mulkiyadda dhulkaasi.

 Masuul u hadlay qoyska reer Calawaash oo dhawaan uu guddoomiye Cali Sanyare ku eedeeyey ina y ku mameen dhul dan guud ah oo wadada cad loo qorsheeyey ayaa sheegay in hore qoyskooda  looga qaaday qaybo kamid ah  dhulkaasi oo la raaciyey dhulkii loo xidhay madaarka ee siligu maray, dhulkaas oo ay haystaan dhammaan waraaqihii mulkiyadooda.

dalcada xaafada masalaha ee HargeysaAxmed yaasiin Calawaash oo ku hadlayay magaca qoyska dhulka leh ayaa   soo bandhigay   in uu Cali Sanyare hore u ogaa in ay iyagu dhulkan leeyihiin taas oo uu gurigiisa isugu yeedhay waqtigii uu ahaa wasiirka qorsheynta qaranka dowladii Daahir Rayaale Jiciirna uu ahaa maayarka caasimada si looga saxeexo dhulkii danta guud ee ka go’ayay marka la qorsheeyo dhulka ay lahaayeen Ilma Calawaash si garoomo ay dhalinyaradu ku ciyaarto looga dhiso. Axmed yaasiin Calawaash ayaa sheegay in waqtigaas uu bixiyay ogolaadayna in laga jaro dantii guud oo ay maanta ka dhisan yihiin garoomada kubadaha kala duwan

Axmed yaasiin Calawaash ayaa intaa ku daray in waqtigaas uu Cali ka odayeeyay arrintaas uu marqaati ka ahaa in dhulkan ay milkiyadiisa aanu anagu leenahay waxaana nasiib darro ah in maanta si indho la’aan ah u damaaciyo dhulka intii noo hadhay oo sharciyadihii u dhan yihiin cid walibana ogtahay isagoo intaasi ku daray in warqada uu Cali Sanyare la ordayaa ee uu madaxweynuhu mudane Axmed Maxamed Siilaanyo soo qoray aanay qeexin dhulka labada baloog laga siinayaa ka uu yahay balse lagu sheegay in dhulka danta guud laga siiyo laba baloodh.

Axmed Yaasiin Calawaash ayaa hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in ay joogaan gudigii guriga Cali Sanyare ku saxeexay in dantii guud garoomo lanooga qaado dhulka inta noosoo hadhana aan sidaa ku haysano waxa aan hadaba u sheegayaa cid kasta oo ay khuseyso in uu Cali Sanyare gardaro iyo badheedh ku doonayo inuu ku qaato hantidooda taasina aanay u suurto galaynin dhulkayagana wax ka xanibani ma jiraan  sida aanu doonana aanu ugu tagri fali karno haddii uu sharciga soo dhaafana ay umadda iyo dowladuba sidaa u ogaadaan

Waxa sidoo kale isaguna halkaa ka hadlay gudoomiyaha bulshada xaafada Masalaha oo halkaa ka caddeeyay in gardaro iyo badheedh  lagu damaaciyay dhul aan madmadow ku jirin oo uu ninka ku doodayaa maanta isaguba ogyahay inuu yahay dhulkii Ilma Calawaash anagana ka guddi ahaan waxa aanu marag ka ahayn shirkii gurigiisa ka dhacay ee lagaga jaray dantii guud.

kkkkkkk

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews