Muxuu Ahaa Nuxurka Kulan Khaas Ah Oo Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Siyaasi ISmaaciil Buubaa?

0
1

Madaxtooyada Oo Si Kooban Uga hadashay Kulanka Madaxweynaha iyo Siyaasi Buubaa , kaasi oo ay sheegtay in Is Afgarad uu Ku Dhammaaday

 

 

 

 

Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay  qaabilay siyaasiga  Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Qoraal kooban oo wata sawirrada madaxweynaha iyo Siyaasi Buubaa oo lagu baahiyey barta xidhiidhka bulshada [Facebook] ee madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey kulanka labada masuul,  kaasi oo aan si faahfaahsan aysan madaxtooyadu u sheegin nuxurka uu daarnaa , balse qaabilaada madaxweynaha ee siyaasi Buubaa ayaa lagu macnayn karaa in isu soo dhawaanshe dhinaca siyaasadda ahi uu ka dhex dhashay labada dhinac, maadaama oo Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre uu kamid ahaa xubnihii dhinaca siyaasadda u qaabilsanaa shirkii dhawaan beellaha Garxajis ugu soo xidhmay buurta Gacan Libaax ee Gobolka Saaxil.  Waxaaana kulankaas lagu sheegay in uu is afgarad ku soo dhammaaday. Qoraalka lagu baahiyey facebook-ga madaxtooyada oo koobnaa waxaa uu u dhignaa sida tan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta [shalay] oo salaasa ahayd    kulan gaar ah la qaatay siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, xubinna ka ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. kulankaasi ayaa kusoo dhammaaday is afgarad, waxaana ay madaxweynaha iyo siyaasigu isla qaateen inay si joogto ah uga wadashaqeeyaan danta guud iyo horumarka qaranka.

SHARE
Article horeHoggaamiyeyaasha Eritrea Iyo Itoobiya Oo Soo Afjaray Colaaddii Xadka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here