Natiijada Barnaamijkii Loogu Codaynayay Wasiirrada Xukuumadda Oo Lasoo Bandhigay & Wasiirro Ka Badheedhay & Kuwo Ka Baaqday Xafladda

0
1

 Is-weydiin Ka Dhalatay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Xayiraddii Wasiirka Warfaafintu Saaray Barjaamijkan & Wasiirrada Maalliyada, Shaqada & Jidadka Oo iyagu ka Baaqday Xafladda”

 

“Muwaadinku Xaq Ayuu U Leeyahay Inuu Fikirkiisa Cabiro  Sidaas Darteed Waxaan U Imid Inaan Raalli Gelin Ka Bixino   Qaabka Iyo Sida Barnaamijkani U Socdo, Marka Loo Eego Qodobo Badan Oo Kala Duwan”

 

Hargeysa(Hubaal):-qaban qaabiyeyaasha barnaamijkii Qarankaab ee xukuumaddu xayiraada saartay ayaa habeen hore magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay xaflad ay ugu talo  galeen natiijada  barnaamijkii ay wadeen iyo  wasiirradii ugu sareeyey codayntii ay sheegeen in dadweynuhu ku qiimeeyey wax qabadka wasiirada xukuumada Muuse Biixi. Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kamid ahaa kuwa natiijada barnaamijkan lagu shaaciyey inay kaalmaha hore kaga jiraan qiimeynta oo iyaga madasha lagu casuumay ayaa ka baaqday iyaga oo sida ay qabanqaabiyeyaasha barnaamijku sheegeen cudur-daarro kala duwan ka bixiyey. Wasiirada la sheegay inay ku guulaysteen shanta boos ee ugu horreeya ayaa kala ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Jidadka, Wasiirka Beeraha, wasiirka biyaha iyo wasiirka Shaqo-gelinta, waxaana soo xaadiray wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo mas’uul uu soo wakiishay wasiirka beeruhu, halka wasiirada maaliyada iyo jidadku ay ka baaqdeen, iyada oo wasiirka shaqaduna ay ku cudur daaratay inay hawlo shaqo ugu maqan tahay gobolada bariga. Wasiiirka biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay inay xukuumadu dib u qiimaynayso barnaamijkan lagu soo xulay waxaanu yidhi “Muwaadinku xaq ayuu u leeyahay inuu fikirkiisa cabiro, muwaadin kastaana xaq ayuu u leeyahay inuu fikirkiisa wax ka yidhaahdo qaabka lagu maamulayo dalkiisa iyo dadkiisa, sidaas darteed waxaan u imid inaan raali gelin ka bixino ilaa hada qaabka iyo sida barnaamijkani u socdo aanu dib uga wada hadli doono qaban qaabiyeyaasha anaga oo ah xukuumada marka loo eego qodobo badan oo kala duwan”

Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa intaas raaciyey “Anaga oo fulinayna dimuqraadiyada iyo wax wada lahaanshaha dalka, anaga oo fulinayna in qof kasta oo bani aadam ah la ixtiraamo fikirkiisa hadana kolay inaanu dib wax iskaga waydiino ayey u muuqata waanan is arkaynaa qoladaas hawsha wada, dadweynihii arintan xilka iska saaray ee codeeyey iyagana karaamo iyo sharaf ayaanu u haynaa.”

Ugu dambayn wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa soo bandhigay sababta ay ugu codeeyeen dadkii barnaamijkan ka qayb galay waxaanu yidhi “Anigu Saleebaan ahaan wax olole ah umaan galin barnaamijkan mana ogayn xogogaal badana umaan ahayn waanad garan kartaan in deegaankaygu aan u malaynayo inaanay codad badan ku lahayn dadka ii codeeyey, markaa dadka aniga ii codeeyey dad la dhaqdhaqaajiyey maahee waa kuwo somaliland-nimo iigu codeeyey, aad ayaanan ugu faraxsanahay in mudadii aan dalka u soo shaqeeyey ay dad igu maamuusaan.”

Dhinaca kale gudoomiyaha barnaamijka Qarankaab oo ka hadlay munaasibadan ay ku maamuuseen wasiirada ku soo baxay qiimayntii ay dadweynuhu u codeeyey ayaa iska indho tiray xayiraadii xukuumada, isaga oo haatan u muuqda mid u hanqal taagaya inuu xukuumada wada hadal kala galo barnaamijkan waxaanu yidhi ““kolay wasiiro badani cid u gudoonta ayey soo dirteen qaarna way naga habsaameen, hadana waxaynu sheegaynaa in dib loo soo qaabeeyo oo xuquuqda muwaadinka la sheegay, in dib layskaga arko barnaamijka, dadka codka dhiibtayna waa 300,000(sadex boqol oo kun) intii diwaan gelinta lagu sameeyey miyaanay la mid ahayn, taasna miyeynaan odhan Karin bulshada somaliland ayaa ku midaysan codbixinta noocan ah, marka laysku geeyo intii u codaysay xisbiyada Ucid Kulmiye Iyo Waddani waxay la mid tahay inta barnaamijkan ka codaysay”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here