“Nin Aad Berri Cunaha Qabanaysaa Maanta Ku Yeelimaayo Oo Wuxuu Kaa Jecelyahay Beledweyne Iyo Muqdisho”

0
36

 “Nin Aad Berri Cunaha Qabanaysaa Maanta Ku Yeelimaayo Oo Wuxuu Kaa Jecelyahay Beledweyne Iyo Muqdisho”

Hargeysa (Hubaal) Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex Md. Mustafe Cabdi Shiine oo waraysi siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxa bannaan ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay isku hayaan istaraatijiyad  dhinaca marsooyinka labada dal ah. Mustafe Cabdi Shiine ayaa sidoo kale sheegay inuu ka yaaban yahay dadka yidhaahda Dalka Jabuuti walaalo ayeynu nahay waxaanu ku sababeeyey in Jabuuti tahay dalka Somaliland Cadawga koowaad ku ah, dhinaca kale waxa uu sheegay in Jabuuti u aragto haddii dekadda barberi shaqayso in aanay jirayn Dalkoodu, isla markaasna ay jabuuti ka jeceshahay Muqdisho iyo Baydhabo haddii ay idhaahdaan Dawlad baanu noqaynaa inay markaaba ictiraafi karaan, waxaaanu ku sababeeyey in aanay dakad ay ku tartamaan aanay jirin waxaanu yidhi: “Jabuuti waxaynu isku haysanaa waa Istaraatijiyad, Jabuuti haddii barberi wax noqoto ma jirayso, aad ban ula yaaba dadka yidhaahda saaxiibo ayaanu nahay iyo dawladdan leh Jabuuti wada hadalka hanaloogu soo badalo, Jabuuti haddii aynu quraan kasta akhrino inama rabto, waa run haddii barberi shaqayso waxay u arkaysa in cunaha la qabanayo, markaa nin aad cunaha qabanayso de ku yeeli mayo, markaa Jabuuti inaga inama rabtee waxay inaga jeceshay Baladweyne iyo Muqdisho, haddii la yidhaahdo Baydhabo ayaa Dawlad noqonaysa inay ictiraafto waxba kuma aha waayo dekad la tartamaysa maleh.”ayuu yidhi Badhasaabkii Hore ee Gogolka Maroodijeex.

 

Ugu dambeyn waxa sheegay inta jabuuti aanay Somaliland ogalayn in xidhiidhka lala sameynayo uu yahay xaaraan: “Jabuuti inta uu Madaxweynaheeda Kaligii Taliyaha ahi joogo ee Siyaasaddeedu noocaas tahay een ogalayn in aynu is noolayn karayno oo aanay qaadan siyaasaddaas ah haddii Barberi camirmato Jabuutina way camirmaysaa waxaan u arkaa xidhidhka lala sameynayaa inuu xaaran yahay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here