Nin Lagu Tiriyay Dhimasho oo Soo Kacay Isagoo Aaskiisa Lagu Guda Jiro

0
1

Dadkii Ayaa Naxdin Kala Firxaday, Kadib Markii Ninkan Meyd Ahaanta Loo Siday Uu Gudaha Kasoo Garaacay Naxashkii Lagu Geynayay Qabriga, Isagoo Ku Dhawaaqaya Kelmad “Yaa Jooga Meeshan?”.

Hargeysa (Hubaal/BBC) Dadka ku nool xaafad ku taalla dalka Itoobiya ayaa u dabaal dagaya wax u eg “qof dib u soo noolaaday” ka dib markii nin lagu tiriyay dhimasho uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro. Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday maalintii Salaasada ahayd, abaare 10:30 barqanimo ee xilliga dalkaas. Sida uu qabo xeerka dhaqan ee maxalliga ah, oo looga dhaqmo xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taasoo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan.

Saacad gudaheed, Etana Kena’a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Mr Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaas. Hase ahaatee, intii ay socotay munaasabadda aaska, saacaddu markii ay ahayd abaare 15:30 galabnimo, ee wakhtiga maxalliga ah, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka. “Dadka aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya”, ayuu yidhi Mr Etana, isagoo sharraxayay sida uu Mr Hirpha caawinaadda ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka. Ninka u muuqday inuu “dib u soo noolaaday” qudhiisa ayaa BBC-da la hadlay oo u sheegay waxa uu kula kulmay naxashka dhexdiisa: “Waxaan maqlay qof oynaya. Neefta ayaa igu xidhmeysay waxaanan isku dayayay inaan karfanta kala jeexo. Wax tabar ah ma aanan lahayn, mana awoodi karin inaan hadlo”. Ayuu yidhi.

Ka dib wuxuu sheegay iney u suurta gashay inuu caawinaad dalbado. “Yaa jooga meeshan?”

Argagixii hore ka dib, tacsidii ayaa isu badashay dabaal dag. Ninka qabriyada ka shaqeeya, oo ah Mr Hirpha abtigiis ayaa yidhi: “Waxaan hore usoo aasay meydadka 50 ama 60 ruux. Waligey ma arkin dhacdo tan la mid ah. Wuxuu u muuqday inuu geeriyooday”. Dr Birra Leggese ayaa BBC-da u sheegay in Mr Hirpha uu dabcan ku jiray “koomo aad u xeel dheer”. Dhowr bilood ka hor, isla deegaan ka tirsan gobolka Oromia ayuu nin si iskiis ah u sheegtay nabinimo soo jiitay indhaha warbaahinta, ka dib markii uu isku dayay inuu dib u soo nooleeyo qof dhintay, isla markaana uu ku hungoobay.

SHARE
Article horeSidee Loo Amaanaa Gabadh Wax aad Qurux U Taqaanno Foolxumo U Taqaan, Wax aad Foolxumo U Taqaanana Qurux U Taqaanna?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here