“Nin Maayir Baloodh U Diiday oo leh Hala Soo Yareeyo Tirada Lagu Eryo Xeerka Looma Sameeyo ee…”

0
1

Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Ka Warbixiyey Kulan uu ku hortegay Guddida Arrimaha Guddaha & Difaaca Ee Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan ay yeesheen guddida arrimaha guddaha iyo difaaca ee golaha wakiillada Somaliland, waxaannu sheegay inay si guud uga wadahadleen, intii kulankaasi socday xeerar ay kamid yihiin xeerka booliska xeer No: 63 iyo xeer No: 23 oo ah xeerka ismaamulka degmooyinka gobollada dalka. “Kulankan waxaannu kaga wadahadalnay laba xeer oo midi wasaaradda arrimaha guddaha khuseeya iyo xeerka booliska xeer No: 63 oo dhawaan ay guddogalayaan, kuwo hore u jiray oo qaarkoodna kaabis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyay, intaba waannu isla garanay, si fiican baanan isaga afgaranay, kulamo dambena waanu uga mahadsannahay.” Ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin

Geesta kale, Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Kulankaasi markii uu dhammaaday warbaaintu weydiisay su’aal ahayd; saamaynta dhinaca amniga ay ku yeelanayo maayir la sheegay inay doorteen qaar kamid ah degmooyinka Hargeysa, waxaanu wasiirku yidhi; “Waxaynu nahay Qaran leh hal dastoor, dastuurkaasina waxa uu tilmaamayaa shuruuc iyo qawaaniin dastuurka qaran, mucaaridkuna xeerka iyo dastuurka Somaliland buu ku jiraa. In la buunbuuniyona maaha Arrinkaasi arrin weyn maaha, laakiin waa cid baalmartay cid kastaaba haku adeegsatee xeerkii qaranka, ciidamada booliska iyo nabadgalyada dalkuna tallaabooyinkooda way ka qaataan oo ka gutaan.” Ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin, waxaanu intaasi ku daray

“xeer looma sameeyo qof cabanaaya, xeerna looma sameeyo qof xilka laga qaadayo, xeerka waxa loo sameeyaa qaranka guud ahaan, xeerkanina waa xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka dalka. Saddex iyo labaatanka degmo ee goleyaasha deegaanka laga doorto, nin maayir baloodh u diiday, oo yidhaa hala soo yareeyo tirada lagu eryo xeer looma sameeyo. Markaa xeerarkani waa xeerar ku salaysan hab-maamulka iyo hab-dhaqanka goleyaasha deegaanka iyo gobolladooda.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka warbixiyey kulan uu isaga iyo taliyaha ciidanka booliska Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan shalay la qaateen guddida arrimaha guddaha iyo difaaca ee golaha wakiillada Somaliland

SHARE
Article horeXubno Iskugu Jira Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Iyo Booliska Somaliland Oo Tababar looga Furay Hargeysa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here