HUBAALMEDIA.COM
“Nin Wax Doonayaa Gar Ma Qaadi Karo Oo Hebelloow Waad Gar Daran Tahay Ma Odhan Karo, Markaa Waxaanu Nidhi….”
August 3, 2016 - Written by admin

Guddoomiyaha Ahna Musharraxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi

“Kursigan Uu Madaxweynuhu Yidhi Hawlgab Baan Ka Galayaa Ayaa Saddexda Guddoomiyeba Murrashaxiin U Yihiin Oo Uu  Mid Kastaa Is Leeyahay Yaan Adiga Lagaaga Dhawaan….. Saami-Qeybsigu Waxay Nagaga Beegantay Waqti Aanay Cidna Hadli Karayn Oo Ay Xisbiyadu Doorasho Doonayaan”Muuses

Hargeysa( Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas, ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI yihiin Musharrixiin u taagan jagada Madaxweyne-nimada Somaliland, sidaas awgeedna ay ka baqeeen inay go’aan ka gaadhaan arrinta saami-qaybsiga Kuraasta Xildhibaannada Golaha Wakiillada inta gobol kasta laga soo dooran karo, maaddaama oo ay Musharrixiin yihiin. Muuse Biixi waxa uu sidaa ku sheegay mar ay Saxaafadda kula hadleen Madaxtooyad, ka dib markii ay  shalay ka soo baxeen hoggaamiyeyaasha saddexda Xisbi, Masuuliyiin ka socday Akaademiga nabadda iyo Dalladda Ururrada aan dowliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF ay la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo saxeexa kalsoonida go’aan ka gaadhista saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo aan weli laga heshiin oo ay dib ugu celiyeen Xisbiyadu in Madaxweynuhu go’aan ka gaadho.  “ Arrintaa saami qaybsiga goleyaasha runtii qaran ahaan  oo dhan baynu  eed ku leennahay innaga oo aan faro isku fiiqfiiqin waayo hore umaynaan gudo gelin, laakiin markii waqtigii soo dhammaaday  ee doorashadiiba lagu sii socdo ayaa la yidhi xalkeedii hala gaadho”. Sidaasi ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweynahaa loo gudbiyey arrintaas oo isna waxaa uu yidhi doorashada yaa qaabilsan?. [waxa la yidhi] xisbiyada ayay khusaysaa, markaa dee xisbiyadu iyagaa doorasho doonaya’e idinku keena xal, kadibna saddexdayadii baa naloo yeedhay, arrintaasi waxay nagaga beegantay waqti aanaan cidna la hadli karayn waayo xisbiyadu doorashay doonayaan, guddoomiyeyaashuna kursigan madaxweynuhu yidhi anigu hawl gab [retire] baan ka galayaa ayaa saddexdan guddoomiyeba Murashaxiin u yihiin oo uu  mid kastaa is leeyahay yaan adiga lagaaga dhawaan, nin wax doonayaana gar ma qaadi karo oo ma odhan karo hebelloow waad gar daran tahay ee sidaas baa wax loo qaybiyey oo sidaas baa dan ah ee joog lama odhan karo. Arrintaas [xalka saami qaybsiga] markii naloo dhiibay waanu ka baqnay nin waliba waxaa uu is yidhi ma hebel baad ka cadhaysiin iyo ma hebel oo ku soo eegaya ayaad maanta odhan doontaa waad gar daran tahay, markaa waanu taaban kari waynay. Waxaynu nidhi haddaba maxaynu yeelnaa ileyn waynu is garanaynaa oo rag ku dhacaya ma nihinne….waxaynu yeellaynaa odaygu [madaxweynuhu] isagaa odaygii qaranka ah ee kalsooni baynu siinaynaaa qoraalna waynu u saxeexaynaa oo wuxuu soo saaro ayaynu ku raacaynaa ileyn innagii waynagan xishoonaynee”. Sidaas ayuu yidhi Musue Biixi cabdi.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews