Ninka Dhulkii Uu Ku Dul Soconayey Wax Ka Qaban Kari la’, Hawada Sare Maamulkeedana Haba Sheegin !!

0
186

Ala Maxay Xamar Beenta Xaraasta oo Waliba Aaney Xishoodka Aqoonin.

W/Q: Abokor Mohamud

Hadii ay run tahay  sida ay sheegayaan kuwa isku magaacab inay yihiin Madaxda Soomaliya inay la soo Waregeen maamulka Hawadooda ee sare waa mudan yihiin  in loogu Hanbalyeeya laguna ixtrimaa si ilaa Heersare ah.

 

Hadii balse wax ka soo noqdaan inaan waxay sheegteen inaan waxba  run ka aheyn  waa waxii ay ku caan ahaan jireen ee 27sandood ay la wareega lan jiriin oo wax  la yaab ah noqon mayso ee waxaanu u sheegayna inta  beenta walwasha  ee aa naan aqoon fiican u lahayn waxay dhaqan iyo ficil soo jireen ah u leeyihiin waa wanaagsan tahay inaad mar uun beentiina iyo  aragti yaradiina la kulantaan bal maxaad ka odhaneysaan  tan maantan waa doqonimadiin aad ku caan ahaydeen maanta halkan kugu  bahdishay,e .Kolna  ma qaadanayaan guuldaradood aqoonsin hadalkiisa daaye waxood uun bay hadan sii wadi ileen kama daalan  been iyo dariiqyadeed farah badan maalinba mid ku soo saarta hadii aad ka mid tahay kuwa ay hogaanka u hayso ee ay hagto .

 

Waxaa jirta maah maah tidhaada “Islaan fadhida legdin la  fududa” kuwa la dhacsan waxa la xidhiidha  arinat Hawada iyo la wareegideed  mid Madax ah iyo mid Ummada ka mid ahiba waa islaanta fadhida ee sida yare e fudud ay la tahay Dad legdamaya.

 

Mar labaad  dabcan waxa la ogsoon yahay Somaaliya magac ahaan waa loo yidhaada laakiin ma jirto wax dawlad ah oo dhulka ay bedkiisa sheegato iyo Ummadiiba  leedahay ka masuul ahi  marka  ninka aan dhulkiisi iyo Ummadiisaba gacanta aanu ugu jirin side ayeey ku suurtoobaysa inuu Hawada sare ka hadlo oo dhamaan Mandaqadu kula Wadaagto?  ,, Ma laa waxaba ka wanaagsan lahayd iyagoo yidhaad Budhcad badeed ayaa Hawadsare lagu Wareejinayaa? Ma ku doodaysa.

 

 

————————————————————————-

 

Daah furka ay isugu yimaadeen ee ay ku sheegen inay si toos ah laga bilaabo maant in Somaaliy Maamuli doonto Hawadeed ka qabsoomay Garoonka diyaradah eee xamar ma jirin wax saraakiil ah oo ka socday Haya,dii gacanta ku haysay howada soomaaliya ee fadhigeedu ahaa Kenya  ee gacant ku haysay  mudadii aheyd 27sandood Soomaaliya dhiiga iska jaqaysay ee loagu magaacabo (ICAO ).

 

1)   Hadii ay wax uun ka jiri la haayeen Ha,yada ICAO goob –joog ayeey ka noqon lahayd sababto ah waxay wareejinaysa  masuuliyad aad u muhiim tahay Mandaqada Geeska Afrika oo dhan iyo Aduunka intiisa kale  diayaradahoodu isaga goosahan geeska afrika iyo inta kale ku xidhiidsan sida  africa da kale iyo Bariga dhex ba .

 

2)   Intii halka soo qayb gashay sida ay sheegeen lab hadal oo aan isku mid ahyeyn ayaa lag yidhi goobtii daah furku ka dahacay ee garoonk diyaaradha ee xamar,oo ah in mar ay yidhaadeen maanta laga bilaabo waxii somaliya ah diyaradaheed halkan ayaa lag maamulaya  mar kale hadan waxay ku xejiyeen in bil iyo ayaamo ka dib Ha,yadah ICAO si toos ah ugu wareejin doonto.  Halkaan ay dood ka imaneyso oo dhaneysa hadiiba aan wali lagu wareejin somaaliya hawadeed balse ay u diyaar garoobayso in lagu wareejiyo maxay tahay  daah furida maanta la daah-furaayo in somaaliya  hawdeed la soo wareegtaya ?  Waxa la odhan karaa  waa sidii ninkii tuuga ah ee ka soo xaday  Reer joog  hilbo iyo subag isku jira lagu kaydiyey ee  isagaan hubin isla soo taagay  Magaaxi,il yartu is qabatay ee  yidhi Maanta waxaan wada subag sixin ah oo jilaal cadaday jooga ee  suuq ma loo hayaa  ..ee la yidhi ahaa waa loo haya dabdeed  nin kii magaaxi haysay yidhi si aan subag u miisno waa in la dhaaliya ee ninkii markuu dabka saaray  Hilbihi kaga soo boodeen Ninkii oo Magaaxidii dhex  fadhiya oo sheeko goos goos ah wada Ninkii Magaaxido oo cadhaysan yidhi waa ninkaga sheeko beenaali  hurgufaya Adiga iyo jooga aad wada horta war ma isu heysaan  halkaan Ninkii lagu qabtay markii su,aalo kale la sii wadiyeey inuu soo xadey  micnihi waxay meesha laga sheegayo iyo hab-dhaqanka ay ku daadihinayaan waa laba  arimood oo wax la wadaga sheekad kor ku xusan waa la wareegnay iyo waa inala ku wareegin doona bilo ayaamo  kadib adiguba Caqlaad leedahaye ma kula tahay wax lagugu sheego karo inay wax ka jiraan waxaan kaga gud bayaa   warkii jira cakaar ayuu iman baerto Ayaan wax kale la maqlin.

 

 

 

Gunaanad

 

===========

 

 

 

Sheekada ay soomaliya kuwa loogu magaacbo madaxdeed la soo gole fadhiisteen waxay ka fog tahay runta iyo xaqiiqda ka jirta Somaliay iyo waxii ku xidiidhsan ,Soomaliya hawo hadalkeed daaye dhulkeed Ayaan lagu haleyn kari la yahay  walin ma muuqato wax xal ah oo ka soo naasa cadi  .Tusaale yar  aan u soo qaadano waxay ka hadlayaan hawadsare ayaan la soo wareegnay  waa ta koobaade Garoonkooda ciidamo ay leedahay somaliya oo  ilaaliya ma jiran waxa gacanta ku haya Ciidamo Marakanku leeyahay oo ka howl galyey ilaa 12 sandood ee ugu danbeeyay walin ku haya xaga Maamulkan waxa la wareegay Shirkado Turkigu leeyihiin oo adeegyad iyo kal deberka Mush tamac wada un adeega sida maalin ah  .2) soomaliya oo dhan iska daayo halka Nimanka madaxda loogu magaacbo joogan waxaa ku gadaam oo amaankeed gacanta ku haya Nimanka la yidhaado Amisom oo maalin walba waa la ogsoon yahay waxnyaalah ka dhac garoonka iyo  xerada ay Amisom leedahay Nimanka iyaga ahi ku xareesan yihiin.  Marka waxa is weydiin mudan Hawadsare meesha lagu maamulaya waa in amaankeedi yahay mid sugan oo aan shaki iyo xagal daac la soo gudboonaan karin  waana in Xukumada Dalka Hogaanka u haysa so buuxda  masuuliyadeed u qaadi karta  intaana Soomaliya Adigaaba ahadlay,e hadalkeeda na da,aa .

 

Waxaan ku tilmaami  karaa laba mid kood  marka hore horta Aduunyada maanta dhibaatadu meesha ay ka jirto uun ayaa wax la la qabtaaye wax  haya,yadah aduunak soo go,ay gaar ahaan Qaramada midoobay iyo inta la howl gasha  u jeedka laga leeyahay na waa mid laga sii baaran degay nooc kast uu ha noqde .

 

)2 waxaa igu muuqata waa in si buuxda la yidhaado soomaliay hawadad  adiga ka masuul ah maanta waxi ka danbeeya ayado sidan ah waa ruux asago aan seexan riyoonaya sababto ah  dhibi kuma jirto in soomaliya hawdeed maamusho balse waxa dhibi ka jirta  dhibaatad kale eek a soo gaadahaysa Aduunka kale  soomaliya awilb dabka ayeey isa saaratay 27 sandood waa olaalesay walin waa huraya  ta an marnab la rabin waxa weeye ka  aan isagu is olaalin ee iska ilaaliyeey  in waxi kale dhib u keenaya laga ilaaliyo  marka Xamar iyo waxii ku abtirsada ee dawaldodu halka tahy waxaan odhan laha  marka hore seexda dabdeedna riyad waa suurto gal o ha  marka hore nadaam dawladeed iyo amnigiisis mid Ummadeed iyo Dhul iyo bad ba ka adkaad keenana una hogaamsama ka dib hawadasare ka hadla markaas ayaa hadlkeed iyo u  hawl galkeedu idila gudboon yahay .

 

Abokor Mohamud

 

abokorm@hotmail.co.uk

 

Bolton Uk

 

Waa Bilaahi Towfiiq.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here