Ninka Ragi Intee Ayuu Sii Eegan Karaa Cadaalad Darro Amase Uu Ku Sii Jiri Karaa!!!???

0
40

Qofka bini-aadamka ahi intee ayuu xamilkeeda leeyahay inuu ku  sii jiro cadaalad darro.

 

“Sambabkii ku faaf baa la yidhi, sadhadi beelaaye

 

Salli qudha dadkii wada fadhiyay, saydhan baahida’e

 

Saantii aboor baa ku baxay, shacabku saaraaye”.

 

 

Waxaan soo qaadanayaa sheeko dhex martay laba nin oo walaalo ahaa, aabahood-na uga dhintay saddex shay Oo kala ah;

 

Sac

 

Buste &

 

Beer.

 

Ka dib-na midkood soo jeediyay inay xoolaha qaybsadaan. Iyadoo uu ahaa ninka talada qaybinta soo jeediyay nin ka fog cadaaladda & wanaagga. Halka ninka kale ahaa nin alle hibo u siiyay dul-qaad & daacadnimo. Habeenna kumuu seexan walaalkaa baad kala kulmi dulmi & cadaalad darro, balse lagu samee cadaalad darro tii u weynayd.

 

 

Hadaba ku soo dhawaw duluc-da & nuxurka ay xambaarsantahay sheekadani.

 

 

Laba nin baa walaalo ahaa-

Waxaana ka dhexeeyay

 

SAC,

 

BUSTE &

 

BEER.

 

 

Muddo ka dib; mid ka mida ayaa yidhi Waar xoolaha inoo qaybi ama aan qaybiyee ma ku qancaysaa qaybta. Isna wuxuu yidhi sidaad u qaybiso way igu godaaye wad. Wuxuu yidhi xoolihii qaybiyay;

  1. Bustaha- maalintii adigaa leh, habeenkiina anigaa leh.
  2. Saca- qaarka hore adigaa leh, qaarka denbena aniga leh.
  3. Beerta- Wixii laan ah anigaa leh, wixii jiridana adigaa leh.

 

Ninkii intuu la yaabay cadaalad darrada walaalkii ayuu hadana yidhi sax baad tahay ee haygu noqon laakin waa haday kuu dhadhanto!!!.

Wuxuu sidii ahaadaba Oo uu iskala butuluqsado cadaalad darradii uu walaaalkii ku sameeyay.

Ayaa muddo ka dib waxa soo marey nin socoto ah ninkii la raaciyay sac- maalintii qaybta loo siiyay ayaa yidhi waar horta  haygu fadhiisan ee sara jooga ku hadal.

 

Ninkii socotada ahaa- ayaa yaabay Oo yidhi Waar maxaa ku helay!!.

 

Wuxuu yidhi sacaa ma aragtaa Waan raacaa- qaarka denbese walaalkay baa Leh oo habeenkina maala, ka horena aniga leh oo maalintii daaq geeya.  Bustahan- i saaran- maalintii anigaa Leh oo xambaarsan, habeenkiina walaalkay leh oo dhaxanta ka huwada. Beertaasna wixii laan ah walaalkay baa leh oo midhaheeda gurta wixii jirid ahna anigaa leh oo waraabiya.

 

Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

 

Ninkii martida ahaa baa yidhi waar talaan ku siinayaa;

 

Bustaa- markuu gabalku dhaco barkad biyo ah gunta u dhig, marku ku yidhaah maxaad iga qoysay waxaad tidhaa anigu maalintii ayan leeyey oo hadaanan biyo ku shubin wuu i gubayaa.

 

Saca- marku koobka u soo qaato ee uu is yidhaah lis geesaha ka garaac ka daa marku ku yidhaa waa intaydii dheh.

 

Beerta marku waagu beryo waxaad leeday intaad gudinta soo qaadato geed walba waxaad goynaysaa halkay iska galaan jirida & laantu meel dagsiimo ku noqoto ku guro. Hadduu ku waydiiyo Oo uu ku yidhaahdo maxaad laamaha iiga goysay waxaad tidhaahdaa laamahaaga meel saaro jiridda anigaa iska lehe.

 

 

Natiijado.

 

Bustii waa laga qooyay Oo ma qalalo baa lagaa yidhi dhaxantiina loo sinnaa!.

 

Sacii markuu lis is yidhaa budh baa geesaha lagala dhacaa si aanu u godlan Oo halkaasna uu ku caano waayo gaajadiina loo sinnaa!.

 

Beer dhan Oo wax soo saar iyo anfac-ba ummad u lahayd baan qayb u qaatay.

 

Iyana waxay ku filnayd gudin lagaga jaro halkay laanta & jiriddu iska galaan. Oo halkaana uu wax beel ka yimaado.

 

 

Haka durkin ee ku soo dhawaw maqsuudka sheekada.

 

Maanta cadaalad darrada noocaas ah ee dhex martay labada nin ee walaalaha ah oo kale waxay ka jirta xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Markaad daristo qiimeysana xaaladda cadaaladeed ee waddanka waxa ku soo baxaysa inaanay muwaadiniintu u sineyn saami-qaybsiga xukuumiga ah waa beesha dhexe”e iyada waa deysaa beelaha darafyada. Tusaale ahaan looma sinna;

 

Mansabyada dawliga ah (power sharing).

 

Khayraadka waddanka (resource sharing).

 

Fursadaha shaqo (job apportunity).

 

Fursadaha waxbarasho

 

Darajada ciidanka kala duwan.

 

Ciqaabta & xadhigga muwaadiniinta.

 

 

Hadaba su”aashaydu waxay tahay intee ayay sii jiri kartaa dhaqanka cadaalad darro ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dalkana uu u sii ahaan karaa Madaxweyne?.

 

 

 

Waxaan ku soo afmeerayaa beydad ka mida maansadii sac-bul ee abwaan cali seenyo.

 

¤. Subagaan filaaya la yidhi, saacuf buu dhalaye

 

¤. Waa sulaaqan yahay baa la yidhi, sixinkii Caarow’e

 

¤. Sunbaa loogu daray baa la yidhi, sebiga caaniiye

 

¤. Silic bay ku nooshaa la yidhi, saaka maataduye

 

¤. Sambabkii ku faaf baa la yidhi, sadhadi beelaaye

 

¤. Salli qudha dadkii wada fadhiyay, saydhan baahida’e

 

¤. Saantii aboor baa ku baxay, shacabku saaraaye

 

 

Xageee loo Soconayaa!!??.

 

 

 

Qalinkii : Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here