“Ninkii ciidamada sidiisa iskaga necebi ee amnigu inuu fido necebi isagaa u dhimanaya. Kuwii Galbeedna waa joogaan, qaar markii dambe tegayna waa jiraan, ciidankuna dhuumasho kuma…..”

0
12

Hargeysa (Hubaal)-Xukumadda somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Tallaabada uu suldaanka kasoo jeeda Gobolka Awdal uu ugu dhawaaqay Isku dayada ka dhanka ah Qaranimada somaliland eek u galay Buuraha Galbeedka Dalka.

cadamiWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta la Hadlay warbaahinta Dalka, ayaa sheegay la wado waan waan la doonayo in xaaladda lagu dejiyo oo lagu keeno jawi isku soo dhawaansho ah oo labada dhinaca ku wada Hadlayaan.

CadamiWasiir Cadami kamid ahaa Waftidigii dhawaan loo igmaday inay Arrintaas dhameeyaan ayaa sheegay inay shacabka Galbeedka somaliland kala kulmeen Soo dhaweyn iyo wanaag badan, isla-markaana arrinta haatan taagani aanay ahayn sida loo buun buuninayo,

“Annagu horto shaqadii maanu soo dhamaysan oo waa gebogebo, si fiican baana Gobolka nalooga soo dhaweeyey dadka masuuliyiinta ah iyo madax dhaqameedkuba cudurka la weynaynayaana mid dalka caam yeelay ma aha oo waa wax ashkhaas iyo afraad ku kooban, waxana fiican in dhibaato walba intii la naaxin lahaa in seeska ay leedahay loo daayo.” Ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Wasiirku waxa uu ka Hadlay Dhaqdhaqaaqyada ay Deegaanada Galbeedka dalka ka wadaan Ciidamada qaranka Somaliland oo shacabka Reer Borama ka cawdeen, waxana uu ku adkaystay inay Ciidanku tegayaan Goob kasta oo nabadgelyo darro laga dareemo, waxana uu meesha ka saaray inay ciidanku wadaan wax dhibaato ah oo cid liddi ku ah, waxana uu yidhi,

“Ciidamada qaranku waa Judulaahigaa meel allah meeshii ay hawli ka gashana wey tagayaan, meelaha ay tageenna meel allah meel laga soo cawday ma jirto, baal dahab ah bayna taariikhda somaliland kaga qoran yihiin, meel allah meeshii qaranku uga baahdana waa tegayaan, beryaha hore baa la odhan jirey ciidan beeleed baa tegay, laakiiin ciidamo isku dhex jira baa bariga fog iyo galbedka fogba jooga, waana tallaabo dhinaca wacan loo qaaday, Ninkiise ciidamada sidiisa iskaga necebi ee amnigu inuu fido necebi isagaa u dhimanaya. Kuwii Galbeedna waa joogaan, qaar markii dambe tegayna waa jiraan, ciidankuna dhuumasho kuma tago wax dhibaato geystana kuma tagee meeshii amniga looga baahan yahay ayaa madaxda Ciidanku u dirtaa.”

Xiisadda ka dhalatay Suldaan wabar oo kasoo jeeda Gobolka Awdal oo dhawaan Ciidan beeleed la galay Buuralayda Gobolkaas ayaa saamayn ku yeelatay Gobolkaas, waxana Wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda oo Halkaas loo diray aanay ilaa haatan keenin wax natiijo ah oo arrintaas lagaga talo qaadan karo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here