Ninku Maanu Ninkii Ahayn.!?

0
1

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

1835 tirsiga miilaadiga, waxa dhulka Afrika socdaal kamida kuwii ugu dheera taariikhda ku maray, dhul baaxad baalaadhan, oo bari ilaa galbeeda ah, dhulmareen reer Ingiriisa, socdaalkaa wax ka soo baxay, bayaan kamida aragtiyihii salka u ahaa gumaysigii qaaradan Afrika, uguna cuslaa saamayn ahaan.

Dhigaaladiisa waxa uu ku dhiteeyay, una gudbiyay aqalka odayaasha Ingiriis, ee (Lords) loo yaqaan, in uu soo arkay dhul qaniya, oo aanu joogin qof dawarsanaaya, mid waalan, iyo bukaano, iyo amaan baahsan.

Hadalkaasi oo marka daawaha la saaro, ay soo baxayso, waa meel aanay gaajo jirin, faqiirnimo ka dheertahay, dhul caafimaad qaba, oo cuduradu ku yaryihiin, iyo warwarka nafsiga, waana dad leh, hab dhaqan oo is daawayn. iyo nidaam gun dheer oo wadda noolaansho amniya ah.

Intaasi markuu gudbiyay, oo ku ladhay taladiisii gunaanadka ahayd. qaabka kaliyee inoo banaan, in aynu halkaa qabsanaa, waa dhawrkan arrimood ee soo socda:

Waa in aynu ka burburinaa, dhamaan waxaa ay haystaan, una horeeyo,  dhaqankooda, dhaqankeenana ay hiigsadaan, iyo maskax badal.

Waa in baahi lagu abuuraa, si ay inoogu baahdaan.

Waa in kalsoonida dhexdooda meesha laga saaraa, dhibaatooyina lagu lgu abuuraa

Waa in qaababka ay wax u daweeyaan, loo bahalo galiyaa, teenana u keenaa, qoraalkaasi oo afka ingiriisi ahi waxa uu kujiraa internertka.

Hadalkaa markii aan akhriyay, waxaan xasuustay, Oday aanu jaarnahay oo hadal cajiiba maalin igu yidhi, adeero (TB da) waxa inoogu horaysay, barigii Ingiriisku, Disdida inoo keenay, hadalkaasi oo igu soo maaxda markaan qadiyado, la jaada arko.

Qadiyadaa, tu u dhaw oo caana, dalka Hindiyana ka dhacday, in shaqaale Hindiya,  una shaqaynayay, sarkaal sare oo Ingiriisa, way is af dhaafeen, ka dib sarkaalkiibaa dhirbaaxay Hindigii shaqaalaha ahaa. isna dhirbaaxo ka culus iyo dagaal buu ugu jawaabay sarkaalkii. ilaaladiisii soo yaacday, daaya buu yidh sarkaakii waanu is ka tagay.

Maalmo ka dib buu gurigii Hindiga soo booqday, isagoo kiish lacaga sida, waanu raali galiyay, lacagtan ku ganacso ayuu ku yidhi, waa raali galine, Hindigii baahnaa wuu iska qaatay.

Mudo ka dib, Hindigii wuxuu noqday baayacmushtar balaadhan, oo shaqaale badan leh, Sarkaalkii Ingiriis, oo ilaaladiisii la socdaan, baa booqday meheradii Hindiga. Sarkalkii kamabuu hadashiine, Hidigii dhirbaaxo culus, buu wajiga u galiyay, mise Hindigii qosolbuu kaga jawaabay dirbaaxadii, iyadoo shaqaalihiisii garbihiisa buuxaan.

Markii sarkaalkii iska tagay, ilaaladii baa waydiisay? ninku maanu ninkii ahayn?

Haa waa isagii, balse maalintii hore waxa kaliya ee uu haystay, oo uu difaacanaayay, una dhimanaayay, sharaftiisay ahayd, tiina waynagii ka iibsanay, maanta waxa uu difaacayaa calooshiisa oo cabsi badan baan ku abuurnay iyo baahiyo kale. Barnamijka fowqa suldah ee Jaziira.

Qaab kale, oo in la soosaaro dad, muwaadiniina oo sida aragtida gumaysiga, adeeg ka gun dheerna u qabanaya, iyagoon is ogayn. moodana hadda in ay ka hana qaaday dalal badan, mashruucaa maskax badalku. Ayaa jira.

Waxa taariikhdu aanay cafin waligeed, sune Rabbaaniyana (SWT) ah, in Baadilku si kastuu u adkaado, burburkiisa  uun baa sii fool xumaada. midna gunto baadilku waligii cimri waara maleh, waxaynu u soo taagnayn iyadoo baalal taarikhda dunida rogmayaan, oo cuslaa sifiicana u daawanay.

Dunida waxa soo maray kaligii taliyayaal halaag badan gaystay, balse nooca ugu xun waa kaligii taliye la leeyahay, oo go’aamada loo yeedhiyo, marka kaa la arko, waxa xaaji noqda kaligii taliya hore ee isagu go’aanada kaligii lahaa. balse noocani, waa noocii qorshaha loo yaqaan. New Middle East, ee ay ku dhawaaqday Condeliza rice, 2006 kii.  Waxaan sal u ahaa in saaxada laga saaro, dadka qoomiyiinta ah, ee mabaadi’da qaar ku adkaa, haba ahaadeen kaligood taliyayaale, waanay dhacday. Waxaana lagu af furay, Carafaad.

Dhacdada dhimashada madaxwaynihii, hore dalka Masar, ee shacabku, cod xora, xalaala ku soo dortaan abid, Maxamed Mursi waa dhacdo dhacdooyinkaa ka mida, waxay kaga duwan tahay waa fahamka sare bulshadu  hadda yeelatay.(Xor baanu nahay, noolanmayno agoo xor ah mooyee) Cabasal Madani

Wuxuu yidhi haddaad u dhiman waydo, sidii (Saddaam, waxaad u dhiman sidii Qadaafi.) Xaqu ma dhinto ee wuu bukoodaa, baadilkuna ma waaro. Waxaan la dareen nahay qoyskii reer Maxamed Mursi iyo umadoo dhan.

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

SHARE
Article horeMadaxweyne Immika Ayey Soo Noqotay Haybaddii Qaranku!
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here