HUBAALMEDIA.COM
Nolol la Xusuusto
October 19, 2016 - Written by admin

Siciid Maxamed Gees – Qeybtii 2aad

Bukaan-socod: “Xaaskayga naag ayaa gashay ee u sheeg Dhakhtarka”

Kalkaaliye: “Sir, this woman, another woman inside”

Dhakhtarkii Khawaajaha ahaa oo yaaban “How?” Bal adba is-afgaradsii!!

Berbera ayaa shaqada na laga qoray, hasa yeeshee Hargeysa oo caasimaddii laga raray Dagaalkii Labaadii ee Dunida (1939 – 1945) ayaa naloo diray si aan tababar ugu qaadanno. Xafiiska Waaxda Caafimaadku waxa uu ahaa teendho ama taambuug dhirta Hargeysa Club (Kilaab) ku hoos taalla aanu ugu tagnay nin Hindi ah oo la odhan jiray Simon (Sayman) oo shaqada ku soo gaadhay ilaa afgembigii 1969 ee askartu dalka ku qabsatay oo karaani ka ahaa iyo nin Badhiwale ahaa oo la odhan jiray Cabdi Suleymaan, kaas oo markii dambe aannu wada noqonay Shaqaale Caafimaad. Waxa naloo qoray mushaharro 21 Rubood ah iyo Raashin 6 Rubood ah oo markaa lagu sarifi jiray Rubadda = Shilling iyo Nus (1½). Rubaddu waxay ahayd lacagta Hindiya oo markaas laga isticmaali jiray Somaliland, balse markii dambe la beddelay.gees-aabihii

Waxa aannu ahayn kooxdii ugu horreysay ee tababar dheer oo caafimaad (6 bilood!) ah la siiyo. Afka Ingiriisku waa nagu adkaa, nin Soomaali ah oo la odhan jiray Maxamed Xasan oo Reer Saylac ah, ayaa Afsoomaali nagu sharrixi jiray. Gabdhaha cadcad ee kalkaaliyeyaasha (Nurses) ahaa ayaa iyana waxna bari jiray oo afkooda ku hadli jiray.

Waxa tababarkoodu u badnaa wax gacanta laga qabanayo oo waa fahmi jirnay. Qolooyinkii shaqada nooga horeeyey quraaradaha dawaddu ku kala jirto ayaa qoorta loogaga xidhi jiray dun kala midab ah, mid cas, mid madaw, mid cagaar ah. Midab kasta wax buu tilmaami jiray. Dunta madow waa dawaddii madaxa, ta casi waa tii caloosha, sidaas ayaa lagu bilaabay daawaynta ilayn dadku wax ma qori jirin, mana akhriyi jirin. Waxa aanu shaqo tababar ah ku qaadan jirnay cusbitaalka oo baraakooyin ahaa, kaas oo hadda ah cusbitaalka qaaxada ah. Waa iskala qabsanay tabababarkii oo imtixaankii ku guulaysanay.

Sheekada kor ku xusuni waxay ka tarjumaysaa dhibta ka haysatay shaqaalaha afka Ingiriiska lagu baran jiray shaqada dhexdeeda ee aan dugsiyo looga soo bixi jirin.Intii gudubtay imtixaankii waxa la weydiiyey meesha ay doonayaan in loo beddelo.

Markii magacayga la sheegay anniga oo gaadh ku maqan ayaa laba nin oo aan saaxiib ahayn oo reer Berbera isku ahayn, Xuseen Cumar- Kujoog iyo Cabdi Axmed Rooble ayaa igu qoray Berbera. Markii aan gaadhkii ka soo baxay ayaan la kulmay Aadan Ismaaciil (Aadan dhakhtar) oo ahaa (Chief Medical Assistant) Madaxa Shaqaalaha Soomaaliyeed. Isaga ayaa ii sheegay in Berbera la ii beddelay. Sidaas ayaan shaqadii uga bilaabay Berbera. Waxa la ii sii beddelay tuulada Mija-caseeye oo jeel weyn lahayd, kaas oo ay ku jiraan askar Soomaali ah oo amar-diido lagu soo xidhay. Mija-caseeye iyo Bixin-duulo oo maxaabiistu beeraha ka shaqayan jirtay, ayaan ku qornaa. Dhawr jeer ayaa Hargeysa iyo Berbera la ii kala beddelay. Markii la ii wareejiyey qaybta shaybaarnimada ee aan tababar ku qaatay.

Sannadkii 1955-kii ayaa laga furay Hargeysa cusbitaal cusub oo waqtigaas casri ahaa. Cusbitaalkii hore ee ahaa baraakooyin oo degdeg loo dhisay xilligii Dagaalkii Labaad ee Dunidu socday ayaa laga guuray oo laga dhigay Cusbitaal Cudurka Qaaxada (TB) u gaar ah. Cusbitaalka cusub waxa loo sameeyey qaybaha kala duwan ee cusbitaalada looga baahan yahay.

Akhristaw, Cusbitaalada lagu xannaaneeyo dadka buka waxa ugu horreeyey wadaaddo Masiixiyiin ah oo Masaari ah oo la odhan jiray (Monks) oo ahaa kuwa dunida ka saahiday oo cidla degan, halkaas ayey dadka buka keeni jireen oo ku hayn jireen. Sida hadda xarumaha cilaajka (daawaynta) la yidhaahdo ee wadaaddu hayaan.

Qayb kasta oo cusbitaalkan ka mid ahayd waxa loo keenay khabiir ku shuqul leh. Cusbitaalka muggiisu waxa uu ahaa 300 oo sariirood. Waqtigaas dadweynaha Hargeysa ku noolaa waxa lagu qiyaasi jiray 30-kun. (30,000).

Sidaas darteed, sariirtiiba waxa loogu talogalay inay ku soo hagaagtu boqol qof (100 per bed), waxanna la ii sheegay in dadweynaha Hargeysa ku nool waqtigan lagu qiyaaso ilaa 600 kun (600,000). Cusbitaalkii lama kordhin oo lama casriyayn, magaaladiina waa kortay, halkii sariir waxa hadda ku soo hagaagaya 2,000 oo qof (2,000 per bed).Cusbitaalkan cusub waxa lagu soo kordhiyey qaybta ilkaha iyo qayb indhaha ah oo shaqaale loo tababaray oo dhakaatiir loo keenay. Shaqaalihii qaybahaas lagu tababaray markii dambe meelo gaar ah oo ilkaha iyo indhaha waxa lagaga qabto ayey furteen. Sidoo kale qaybtii umulaha ayaa iyana la casriyeeyay.

Cusbitaalkan cusub waxaan ka shaqo galay qaybta shaybaadhka, qaybtaas oo la ii tababaray. Marar aan soo boqday cusbitaalka 2012 iyo 2014, waxan arkay daartii hore ee shaybaadhka oo duntay oo laga guuray iyo daar cusub oo laga ag dhisay oo dhallinyaro badan ka hawlgasho, markaan u sheegay inaan halkan ka shaqayn jiray lixdan sanno ka hor aad ayey ula yaabeen; waxan siiyey sawir la iga qaaday waagaas aniga oo (Microscope) ama weyneyso ku shaqaynaya.

Waagaas waxa noogu yimi Qaybta Shaybaadhka oo muddo nala joogay oo Hargeysa uu wiil ugu dhashay nin la odhan jiray Dr. Goldsmith oo cilmi-baadhis ku samaynayey noocyada dhiigga ee beelaha Somaliland deggan.

Cilmi-baadhistaasi waxay qayb ka ahayd cilmi-baadhis uu waday Barafasoor IM Lewis oo dhaqanka Soomaalida lagu baadhay. Buugaag iyo qoraalo badan ayuu IM Lewis ka qoray dhaqanka Soomaalida. Wiil ayaa ugu dhashay Dhakhtar Goldsmith Hargeysa, wiilkaas oo ahaa mid madaxweyn, markaas ayaan ku idhi; “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ilmaha madaxweyni qof dheer ayuu u koraa.”

Mar dembe oo uu waxbarasho u joogay London ayuu gurigiisa igu casuumay si uu ii tuso wiilkii oo ka dheeraaday aabbihii isaga oo weli nin yar ah, waxa uu yidhi; “Waxan kuugu casuumay guriga, hotel ayaan ku geyn lahaa, inaad aragtid sida uu warkaagii u dhab u ahaa oo wiilkaygii iiga dheeraaday.”

Dunidu waa kooban tahay sida loo sheegay, nin dhakhtar ah oo cusbitaalka Hargeysa nagala shaqayn jiray, qaybta qalliinka ayaa degdeg London loogu celiyey oo maxkamad lagu saaray, isaga oo lagu eedeeyey gef uu ka galay dadnimada.

Waxa uu ka soo jeeday dalka Poland ee bariga Yurub. Waxa lagu eedeeyey inuu dagaalkii labaad la shaqaynayey Jarmalkii Naasiga ahaa oo uu ka qaybgalay barnaamij tijaabooyin halis ah lagu samayn jiray dadka xeryaha (concentration camps) lagu soo ururiyey ee Yuhuudda ah ee lagu xasuuqi jiray. Markuu halkan nala joogay dhakhtar fiican ayuu ahaa annaga oo hawshiisa kale aan war ka hayn ayaanu warqad taageero ah u qornay garyaqaankiisii oo ku ammaanay dhakhtarka sidii naxariista ahayd ee uu cusbitaalka ugu shaqayn jiray ee uu dadka jiran amma buka wax ugu qaban jiray. Isma oga agoon iyo ninkii aabahood dilay eh.!! La soco…

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews