Nuxurka Heshiis Ay Xukuumaddu La Saxeexatay Maamulka Jaamacadda Hargeysa

0
1

Hargeysa(Hubaal):-Wasaarada isgaadhsiinta iyo Technology-yada somaliland ayaa shalay heshiis la gashay jaamacada magaalada Hargeysa. Heshiiskan oo ka dhacay xarunta wasaarada isgaadhsiinta somaliland ayaa ku saabsanaa cilmi baadhis lagu samaynayo kaydinta xogta dawlada iyo sidii loo heli lahaa Technologyad hagta hawlaha qaranka. Agaasimaha guud ee wasaarada isgaadhsiinta iyo Technologyada somaliland  Eng Cali Cabdilaahi Daahir ayaa ka war bixiyey heshiiskan ay la gaadheen jaamacada Hargeysa waxaanu yidhi “Waxaanu imika bilaabaynay mashruucii aanu hore u sheegnay ee ahaa xog raadinta iyo kaabaashayaa E-Government, isla markaana ay Technologyadu u noqon lahayd mid  xukunta adeegyada ay xukuumadu u qabanayso muwaadiniinta reer somaliland, si aynu geedigaas dheer u guurno waxa muhiim noqotay inaanu xog ka helno heerka Technology-yada isticmaalkeeda ka joogaan hay’addaha dawlada iyo caqabadaha jira si loo helo xalka, wasaarad ahaana waxaanu garanay in jaamacada Hargeysa oo ah jaamacadii qaranka inay tahay mida ka soo bixi karto hawshaas.”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahiyey ujeedada laga leeyahay heshiiskan waxaanu yidhi “Sidii aynu u ogaan lahayn maxaynu maanta haynaa si aynu u helno daloolada jira iyo caqabadaha jira una heli lahayn xalkoodii, taas oo muhiimada laga leeyahay tahay si aynu helno dal ay hogaamiso Technology-gu oo ka faa,iidaysta,  wasaaraduna baryahan waxay waday hawlahaas.”

Hormoodka kuliyada ICT-ga ee jaamacada Hargeysa  Mustafe Ismaaciil Ceelaabe oo dhankiisa ka hadlay heshiiskan ayaa cadeeyey inay jaamacada Hargeysa awood u leedahay fulinta heshiiskan waxaanu yidhi “Marka hore waxaan bogaadinayaa xidhiidhka bilawga ah iyo wada shaqayntaas dhex maraysa jaamacada Hargeysa oo ah hay’addii ugu waynayd waxbarashada dalka iyo wasaarada isgaadhsiinta, xidhiidhkaasina waa mid muhiim ah iyada oo jaamacaduhu ay door ku leeyihiin wadanka, mana aha oo kaliya inay ardayda wax baraan balse waxay leeyihiin inay wax ku soo kordhiyaan cilmi baadhisna ka sameeyaan mushkiladaha jira sida dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasada midkay doontaba ha noqotee, aniga oo ku hadlaya Afka kuliyada ICT-ga ee jaamacada Hargeysa awood ayaanu u leenahay inaanu fulino mashruucan.”

Madaxa xidhiidhka Jaamacada Hargeysa Maxamed Sulub oo isaguna ka hadlay heshiiskan ay la gaadheen wasaarada isgaadhsiinta somaliland ayaa xusay inay wada shaqayn fiicani ka dhaxayso xukuumada somaliland waxaanu yidhi “Jaamacada Hargeysa awood buuxda ayey u leedahay inay tababar samayso wixii loo baahdo ee dhinaca dawlada ah sida tan hada la samaynayo ee kuliyada ICT-ga iyo wasaarada isgaadhsiintu ay samaynayaan iyo waxyaabihii kale ee loo baahdo ee cilmi baadhis ah, wasaarado badana waxaanu la leenahay wada shaqayn, hawlo badan oo qaranku leeyahay ayey jaamacadu haysaa oo ay ka mid yihiin PFM wasaarada maaliyada iyo cilmi baadhis loo samaynayo baanka dhexe iyo wasaarada maaliyada.”

SHARE
Article horeWaa Maxay Sababta Xildhibaannada Golahiisa Loogu Dari Waayay Ergada Nabadeed Ee Ceel Af-weyn?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here