Nuxurka Kulan Dhex Maray Wasaaradda Waxbarashada Iyo Maayarka Hargeysa

0
1

Hargeysa(Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Cismaan Jaamac Aadan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa shalay kulan la yeeshay Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Dawladda hoose ee Hargeysa.

Kulankan oo ku qabsoomay xafiiska Wasiirka WW&S ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii anbaqaadi lahaa hawlaha mashruuca maamul-daadejinta ee JPLG, kaas oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo qaar ka mid ah Dawladaha hoose ee dalku ka wada shaqeeyaan.

Kulankan ayaa waxa lagu lafaguray sidii Dawladda hoose ugala shaqayn lahayd Wasaaradda Waxbarashada bannaynta goobaha Waxbarashada ee ay dhex deggan yihiin qoysasku iyo dhismayaasha ganacsi ee ku wareegsan dugsiyada waxbarashada qaarkood.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawlanayd kor-uqaadista tayada iyo bilicda goobaha waxbarashada dugsiyada dalka, iyaga oo arrintaas kala shaqaynaya dawladaha hoose ee dalka.

SHARE
Article horeBaarlamaanka Ingiriiska Oo Amaanay Kartida & Dedaallada Gabadh Reer Somaliland ah
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here