Nuxurka Kulan Dhex Maray Wasiirrada Arrimaha Dibada Ee Djabouti Iyo Somaliland

0
1

Jabuuti (Hubaal) – Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliand Dr. Sacad Cali Shire ayaa gaadhay Magaaladda Djabouti. Waftigan ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Djabouti, waxaana qoraal ah oo ku saabsan kulankaasi bogga uu ku leeyahay Facebookga soo dhigay Cadbiwaaxid Cabdiraxmaan oo ah la taliyaha Arrimaha Bulshadda ee Madaxweynaha somaliland, waxaana uu ku yidhi qoraalkaasi “Waxaanu maanta Xafiiskiisa kulan kula yeelanay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf, wefti uu hoggaaminaayo Wasiir Sacad Cali Shire.  Xoojinta cilaaqaadka Labada Dawladood, iskaashiga dhaqaale,ganacsi iyo amni, isbedelada Gobolka, dhammaystirka heshiisyo hore loo gaadhey, ayaana Udub dhexaad u ahaa wada hadalkayaga.  “Waxaana kulanka ka qaybgay galay, Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Dibada, Abdinasir A. Hersi, Danjire Abdifatah, iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Jamhuuuriyadda Somaliland Mudane Xuseen Kawaaliye.

SHARE
Article hore“Waxa Xaqiiq Ah In Hiilka Keliya Ee Shaqaallaha Dawladdu U Baahanaa Ay Ka Mid Ahayd Helitaanka…..”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here