Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Dastuurka Somaliland iyo Micheal Rubbin

0
1

Hargeysa-(Hubaal)- Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Adem Cilmi Ayaa Shalay Sharraxaad Dheer Oo Ku Saabsan Maraaxilkii Somaliland Soo Martey Iyo Xeerarka Dastuurka Somaliland Siiyey Misheal Rubbin Oo Ah Falanqeeye Siyaasadeed Oo Dhalasho Ahaan Kasoo Jeeda Waddanka Maraykanka. Kulanka Wasiirka Iyo Micheal Rubbin Oo Ka Dhacay Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Ayaa Waxa Wasiirka Kulankaasi Ku Wehelinayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Maxamed Xuseen Dhabeeye , La Taliyaha Madaxweynah Arimaha Dhaqaalaha , Masuliyiin Ka Tirsan Wasaarda Arimasha Dibeda Somaliland Iyo La Taliyayaasha Wasiirka. “Waxaan Aad Iyo Aa Ugu Farxsanahay Booqashada Uu Halka Noogu Yimi Mr Rubbin Oo Aan Ahayn Booqashadiisi Ugu Horeysey Ee Uu Ku Yimaado Wasaaradaha Qaranka  Isagoona Kulan Lasoo Qaatey Madaxweynaha Somalialnd Iyo Wasaarado Kale

Rubin Waa Prof Caan Ku Ah Taagerida Somaliland Iyo Muujinta Qadiyada Somaliland Qoraalo Badana Ka Sameeyay Somaliland Isla Markaana Aduunyada Usoo Bandhigey. Waxana Uu Hadda Halka U Yimi Inuu Wax Badan Ka Ogaado Somaliland Iyo Tariikhdeeda Taas Oo Aan Filayo Inuu Wax Badan Ka Korodhsaday . “Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Adem . Ugu Danbaytiina Micheal Rubbin Ayaa Ka Mahadnaqey Kulanka Dhex Maray Masuliyiinta Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Isagoona Mr Rubbin Hoosta Ka Xariiqey In Somaliland Ay Tahay Degaan Xasiloon Oo Dimuqraadiyad Shaqaynaysa Ka Jirto .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here