Nuxurka Kulan Hargeysa Ku Dhex-maray Labada Xisbi Mucaarid Oo Dhinac Ah Iyo Xukuumadda & Xisbigeeda Oo Dhinac Ah

0
1

Dhinaca Xukuumadda iyo Xisbigeeda Waxaa Kulanka Uga Qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Qoddobo La Weriyey In Saddexda Xisbi Is afgarad ka gaadheen+Tibaaxo Hordhac ah oo laga soo xigtay ka qaybgalayaasha kulanka oo Farta Ku Fiiqay Kulan Axad Loo Ballamay

Hargeysa(Hubaal):-Xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland, xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa shalay iskugu  yimid kulan kale oo ay kaga wada hadlayeen sidii loo qaban lahaa doorashooyinka goleyaasha deegaanada dalka iyo golaha wakiilada.

Kulankan oo ka qabsoomay Hargeysa ayaa waxa dhinaca xisbiga kulmiye iyo xukuumada hogaaminayey madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici, halka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu hogaaminayey xoghayaha guud ee xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi halka Ucidna uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi Cabdinaasir Buuni.

Masuuliyiinta wadda hadalkan uga qayb galay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridka ah ayaa ka gaabsaday inay warbaahinta faah faahin ka siiyaan kulamada ay yeesheen

iyo natiijada ka soo baxday, balse warar laga helay ayaa sheegaya in la gaadhay is afgarad lagu sii anba qaadi karo wada hadalka.

Wararka ayaa xaqiijiyey in labada dhinac ay isku afgarteen qodobo fudaydinaya in wada hadalku socdo, iyada oo ay isla gaadheen qodobo ay ka mid yihiin in kulanka kan xiga layskugu yimaado maalinta Axada ah, in gudoomiyeyaasha sadexda xisbi ay ka soo qayb galaan kulanka dambe iyo in bisha January 20-keeda sanadka 2019 la soo afjaro wada hadalka labada dhinac.

SHARE
Article horeMeeqaamka Soomaalidii Hore-W/Q: Khaalid Abdi Muhumed
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here