“Ogobeey; Dubaalladii Xukuumadda Xisbiga KULMIYE Waa Naaqus, Iftiinkeeda Laga Fiican Yahay”

0
5
Photo File: Cabdifataax Ismaaciil Cabdillaahi, USA

Qalinkii: Daa’uud Ismaaciil Yoonis USA

 

Faynuuska oo ahaa aalad qarnigii 20aad ooli jirtay 90% aqalada oo ahayd mida siisa guriga iftiinka ayaa waxay ku shaqayn jirtay dun la yidhaa dubaalad iyo kerosene gaas la yidhaa duntaasi marka la shito mudo badan hadii aan la badalin way naaqustaa kadibna way dhacdaa gurigaasi mugdi buu noqdaa inta la soo iibinayo dubaalad cusub.

Waxaan uga gol leeyey siyaasada soomaliland ee la curiyay  91kii ayaa waxaa ay soo martay marxlado kala duduwan mar la ilaalinayay sida qarshada faynuuska oo kale oo ay curasho ahayd iyo mar ay iftiintay oo loo wada riyaaqay iftiinka iyo quruxda ay lahayd marxalada imika ay marayso oo ah markii ay sii naaqusaysay oo dubaaladii iftiimaysay ay kadhamaatay loona baahanyahay in dubaalad cusub lagu badalo.

Ma rabo inaan dib ugu noqdo marxaladaha aan soo tusaaleeyey qofkasta oo reer soomaaliland ahi wuu sawiran karaa tusaalahayga ama dalkii ha joogo ama qurbaha ha joogo, balse marxalda imika lagu jiro ayaan rabaa inan farta ku godo anoon ku sii dheeraanayn. Tan iyo markii uu talada la wareegay xisibiga KULMIYE 9aal sano ku dhawaad mandaqada soomaliland waxa ku yimi hoos u dhac siyaasadii dibada iyo gudahaba, waxan qodobeenayaa marka hore siyaasadii arimaha gudaha:

  1. Kulmiye wuxuu qabtay laba doorasho oo mid ahayd tii golaha deegaanka iyo doorashadii madaxtooyada ee imika muda yari kasoo wareeegtay labada doorashaba waxay taariikhda ku galeen inay ahaayeen kuwii ugu boobka badnaa dhiiga iyo khasaaraha hantiduba ay ku qubatay, taasi waxay sababtay in shacbigii u hanka waynaa soomaaliland ay ka niyad jabaan nidaamkii dawladnimo, waxana kuu cadaynaya taas, shacabkii oo diiday inay qaataan kaadhka codbixinta sida Hargaysa oo 1.2million qof daganyihiin aanay xitaa 25% is diiwaan galin.
  2. Gole baarlamaan oo fadhiya aqalka mudo 14sanadood oo intaa shuruuc iyo xerar dhigayay balse hadana wali khilaafaadka lagu xaliyo habkii beeleedkii umada u aha dhaqanka soo jireenka, taa waxaan eeda dusha ka saarayaa dawladda kulmiye oo ah fulinta xeerarka dalka u yaala kana gaabisay dhaqan galintooda.
  3. Kulmiye saami qaybsigii dawladda oo ah isha kaliya ee dalku leeyahay ayuu ku talax tagay oo haday tahay shaqaalaha hoose iyo haday tahay projects horumarinaha si qaraaba kiil ah isugu dhiiba midba midka uu reer ahaan u xigo taasina waxay ku abuurtay shacabkii walbahaar farabadan oo markii dambe isgu biya shubatay waar hab beeleedkii inagu celiya oo kow aan kasoo bilawno waadiga arkaya in laga bilaabo bari guntii iyo duudka sare ee u galbeeedeeya beelaha degan ay ku baaqayaan shir beeleedyo.

Bal hadaba aan ku soo dego mid ama laba qodob siyaadii arimaha dibada oo ka hoos baxday dawladda kulmiye:

  1. Shirarkii dhexmaray soomaliland iyo soomaaliya ayaa dawladda kulmiye waxay ka been sheegtay qodobadii ay ka wada hadleen, iyadoo soomaliland ay lasoo saxeexatay heshiisyo hoose sida hawada iyo dekadaha oo loo meel mariyo hirgalintooda balse shacabku aanay war ka hayn ilaa ay haayada ekao ku wareejisay maamulkii hawada somaliya, heshiiskii dekedadana ay soo ifbaxday inay federalka somaliya faraha kula jirtay, fadeexadaasi waxay ku keentay shacbigii soomaaliland inay ka aamin baxaan dawladii oo intaa been ku sabaysay iyo balamo aan sal iyo raad toona lahayn
  2. Budgetkii ama miisaaniyadii lo qorsheeyey ka shaqayntii raadinta aqoonsiga soomaaliland ayaa dhinac u dhaafi wayday wasaarada arimaha dibada dhaamaan gudiyadii joogay dibabaha iyo gudaha ee aqoonsiga ka shaqeenayay waxay iska wareejiyeen shaqadii ay u hayeen markay xafiisyadii kirada iska bixin kari waayeen, aqoonsigina maanta cid hadal haysa ma maqalno.
  3. Gabi ahaan xidhiidhkii wadamada africaanka ah ee uu dhisay madaxwaynihii hore Daahir Rayaale iyo wasiirkisiii wakhtigaa arimaha dibada marwo Adna Aadan ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay maanta waddan kaliya oo africada ah aynu ku xidhanhay ma jirto, Raysal wasaraha Ethiopia inoogu xigtaa wuu kari waayay inuu hargaysa cagaha soo dhigo wuxuu ka doortay xamar oo bandoo la dhigay wadda kasta inuu ku xurmeeyo adigama aanu xageema soo eegin taasina waa halkuu kulmiye dhigay dalka.

Gebagabadii qormadan waxaa soo jeedinayaa talo bixin aniga siday iila muuqato in soomaaliland ay u baahantahay badbaado dibada iyo gudahaba, gudaha in dawladda kulmiye balaadhiso dawladnimada iyo saami qaybsiga sidaa si lamid ahna shuruucda iyo xeerarka loo dhigay dalka ay u fuliso si siman, oo ay meesha ka baxdo muwaadinkaasi wuxuu u xidhanyahay wasiir hebel balse aan la odhanayn xeerkasu jebiyay oo lagu qaadayaa, Arimaha dibdeda waa in la furfuraa siyaasadda oo aan go’doon la noqon, soomaaliya waa in la hor fadhiistaa wax cad oo umaddu wada ogtahay oo an qarsoonayn lala qaataa hadii kale go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayuu dalkani ku socdaa mana qurux badna sawirka aan wada arkayno halka ay ku dambayn doonto qoobadani.

Qalinkii: Cabdifataax Ismaaciil Cabdillaahi, USA

File: Cabdifataax Ismaaciil Cabdillaahi, USA

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here