HUBAALMEDIA.COM
Oog: Dablay Hubaysan Oo Jidgooyo Ku Dishay Nin Darawal Ahaa Iyo Halis Ammaan Oo Waddadaas Kasoo Cusboonaatay
April 26, 2017 - Written by Mustafe Faro

Gudaha Ka Akhri Deegaanka Marxuumka Dhintay Kasoo Jeeday, Shirkadda Baabuurka lahayd Iyo Sidii Wax u Dhaceen

 wado isku xidhaysa oog

Oog:(Hubaal)-Wararka ka imanaya degmada Oog ee gobolka Saraar, ayaa waxay sheegayaan in dabley hubaysan ay habeen hore deegaankaas ku dileen marxuum wade ka ahaa mid kamid ah gaadiidka rakaabka ee isaga gudba maamulka Puntland iyo Somaliland.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in dablaydaas hubaysan oo aan weli la aqoonsani ay rasaas oodda kaga qaadeen gaadhi nooca bas caasiga loo yaqaanno oo dad rakaab ah sitay, isla markaana uu halkaas ku qudh baxay wadihii gaadhigaas oo ay rasaastu madaxa ka haleeshay, waxana ay intaas kadib dablaydii baadheen dadkii rakaabka ahaa, ka hor intii aanay halkaas ka baxsanin.

Gaadhiga la weeraray ee widihiisii la dilay, ayaa waxa lahayd shirkadda Yaasmiin ee Hargeysa, Garowe ilaa Boosaaso gaadiidkeedu ukala baxaan, waxana uu markii la weeraray ka yimi dhinaca magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.

Ninka darawalka ah ee ay dableyda hubaysani jidgooyada u galeen ee ay dileen ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda sida naloo sheegay deegaanka Badhan ee gobolka Sanaag,waxaana maydka marxuunkani  la keenay cusbitaalka magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Ciidamada Booliska Saraar oo kaashanaya kuwa Laascaanood ayaa waxay baadhitaano iyo dabagal ku hayaan dableydii dilka gaysatay habeen hore, balse lama sheegin wax raad ah oo ay heleen iyo cid ay falkaas u soo xidheen midna.

Dablayda hubasan, ayaa dhawaanahan weeraro qarsoodi ah ku haysay gaadiidka jidkaas dheer mara, waxana ay hore sidan oo kale dhaawacyo ugu geysteen dad rakaab ahaa, balse waa markii ugu horraysay ee dil u geystaan wadayaasha gaadiidka jidkaas isticmaala.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews