Guriga Blog Page 1566

Dawladda Sweden Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaantay Dagaalka Ay Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada Iyo Xarumaha Warbaahinta

0

Hargeysa(Hubaal) -Saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda Sweden ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ay xukuumadda Somaliland ku qaaday saaafadda madaxabanaan, iyagoo sheegay in ku tumashada xuquuqda aadamuhu ay saamayn ku  yeelanayso sawirkii wanaagsanaa ee Somaliland lagu bartay 20-kii sannadood ee u dambeeyay.

 

dawlada sweden

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda cadaaladda Norway, waxa ay hadalkan ka sheegeen kulan ay magaalada Stockholm kula yeesheen xoghayaha maaliyadda xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga.  Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kulankaas oo uu xisbiga UCID soo saaray Marwo Faadumo Siciid  iyo saraakiishan  ayaa  “ka wada hadlay arimo badan, waxaana ugu muhiimsanaa in dawlada Sweden iyo Somaliland laga dhex abuuro iskaashi dhaw oo adag, Sweden-na ay ka qayb qaadato horumarka ka socda Somaliland Geedi socodkka dimuqraadiyada iyo tayeynta iyo kor u qaadida garsoorka iyo caddaalada , iyadoo kor u qaadida iyo dhisida garsoor adag oo tayo iyo  aqoonba leh ay Somaliland maanta u baahantahay, sidoo kalena ay muhiim tahay in dalka Sweden gacan ka siiyo.”

 

Sida warku sheegay saraakiisha ka tirsan dawladda Sweden oo kala ahaa Elesebeth Dode,  Linus Gustafsson, iyo Dorren William, waxa ay kulankaas ku soo dhaweeyeen wada halada ay la yeesheen faadumo Siciid, waxaanay tilmaameen inay Sweden diyaar u tahay inay Somaliland caawiso. Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen sida uu warku sheegay, sida ay xukuumadda talada haysaa u dhaawacayso dimuqraadiyadda curdinka ah ee Somaliland, “Waxaanay ka digeen ku tumashada xaquuqda aasaasiga ah ee muwaadaniinta iyo tacadiyada lagu hayo saxaafada iyaga oo aad ugu dheeraaday madaxbanaanida saxaafada iyo in qofku ra’yigiisa u madax banaanaadaa in ay tahay aasaaska dimuqraadiyada. Qofku waa uu qaldami karaa  talaabo sharciga waafaqsana in laga qaadaa way  dhacdaa, laakiin maanaan fahmin in xarumo war baahineed albaabada loo laabo oo weliba awood ciidan loo adeegsado.” Sidaas ayay yidhaahdeen masuliyiinta ka tirsan dawladda Sweden. Ka sakow, Faadumo Siciid, waxa kale oo shirka ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID oo kala ah Xoghayaha Sweden Faysal Cadami iyo Guddmiyaha Stockholm Sitiin Muumin Rooble. Waxaanay ku kulmeen xarunta wasaaradda cadaaladda ee wadanka Sweden. Dawladda Somaliland ayaa u muuqata inay cadaadis kala kulmayso xarumaha warbaahineed ee ay albaabada u laabtay iyo weliba saxafiyiinta xabsiyada ku jira, waana markii u horaysay taariikhda Somaliland ee ay sidan oo kale dhacdo.

Xukuumadda Siilaanyo Oo Cashuurtii Ay Ka Ururisay Danyarta Ku Tamashlaynaysa.

0

London(Hubaal) Xukumada Siilaanyo oo 18 MAY Sanadkan Qaranka Galisay Khasaare Lacageed Xili Ay Wadada Ceerigaabo u Raadinayso Lacag Ay Muwaadiniinta Weydiinayso Isku eeg qaabkii sanadkii 2011-kii 18 May ay u xustay xukumada Siilaayo, sidoo kalena isku eeg qaabka ay u xusi jireaan xukumadihii ka horeeyey tan Siilaanyo ee xusbiga Kulmiye.

 

Waxa kuu soo baxaysa xisaab badan oo qarankan laga luminayo, isla markaana aan loo aabo yeelayn.

 

Tusaale ahaan haddii aynu eegno lacagta ay xukumada Siilaanyo ku bixinayso shaqsiyaadka ay dibada u soo dirtay ee ay ku sheegayso in ay jaaliyadaha kala qaybgalayaan xafladaha kala duwan ee 18 May ee wadamada Qurbaha, sida ta London, Washington DC, Frankfurt iyo meelo kale, waxa aad la yaabaysaa sida ay isku qabanayso kharashka lagu bixinayo socdaalka dadkan tirada badan iyo raadinta lacag laga helo xafladaha 18 May ee ay xubno xukumadu soo dirtay ay tagaan Aynu eegno wasiirada xukumada ee dalka dibada uga soo dhoofay.

 

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa isaga iyo xubno uu wato oo ay kujiro nin weriye ahaan loo kaxeeyay oo ay  isku  beelyihiin  iyo xubno kale oo ku weheliya socdaalkooda   la qiyaasayaa in ay ku baxayso ugu yaraan lacag dhan  $20,000 (labaatan kun) iyagoo magaalada Washington DC jooga, sida weriyayaasha lasocdaa

sheegeen  waxa uu waftigan dhanka  kararan tagi doonaa  ilaa 4 magaalo oo kale oo Maraykan ah iyo dalka Canada.

Socdaalka Xirsi ma aha mid muhiim ah, waase tamashlaynta cusub ee xukumada Siilaanyo soo kordhisay. Sida ilo ku dhadhow wasiirka Arimaha dibada oo isaguna jooga UK ay sheegayaan Maxamed Biixi Yoonis ma ah wax wasiir ahaan lagala tashaday, markii uu soo jeediyeyna in aan sidaa dibada loogu wada bixina looma joojin.

Waxa aynu qiyaas ahaan haynaa $20, 000 Xirsi iyo wiilka u wariyaha ah la socda ku baxaysa.

Dalka UK waxa yimid wafti ka badan 6 qof ilaa hadda oo ay ku jiraan wasiirka wasaarada warfaafinta C/laahi Cukuse, Duqa magaalada Ceerigaabo, xildhibaan dhawaan taageeray Siilaanyo oo UDUB ka soo baxay iyo xoghayn ka mid ah kuwa madaxtooyada ka hawlgal iyo wasiirka arimaha dibada, marka la isku daro waxa la qiyaasayaa in ay ku baxayso lacag ka badan ugu yaraan $30,000 (Sodon Kun oo Dollar) waayo waxa ay dagayaan huteelo iyo casuumadao ay iyagu isku qabaan.

Dalka UK waxa Qaranka kaga baxaysa $30,000. Sidoo kale xukumad Siilaanyo waxa ay dibada u soo dirtay wafti yimid dalka Germany, siiba magaalada Franfurt. Waxa halkaa yimid wasiirka beeraha, Mr. Geedoole, waxaana ku wehliya laba xidhibaan oo xukumada Siilaanyo xalaal iyo xaaraan, xaqdaro iyo si kastaba ku taageera oo aad looga jecel yahay madaxtooyada, waana xildhibaan Cali Mareexaan iyo Xildhibaan Waabeeye iyo xubno kale.

Iyagana waxa la qiyaasay in ay ku baxayso ugu yaranaan ilaa $35,000 (Shan iyo sodan Kun oo Dollar) Haddaa waa marka halka ugu hoosaysa laga soo qabto. Waayo Frankfurt oo kaliya kuma eekaanayaan 18 May kadib, waxa ay  dagayaan Huteelo  magaalooyinka ka baxasan oo ay socdaal dalxiis iyo magaca ku bararaarujin wadada Ceerigaabo oo bulshadu isku si u wada arag ay ku soo maraan.

 

Germany waxa lagu baabiinayaa $30, 000. Intan kuma eeka xisaabtu waase qiyaas aynu si guud mar ah u soo qaadanay, hase ahaatee waxa iyana ku jirin kharashka fanaaniinta UK iyo meelo kale laga kaxeeyey ee loogu talo galay in ay habeenkaas 18 May madaxtooyada ka heesaan

Isku geyn waxa la qiyaasayaa in ay qasnada Qaranka uu ka fasaxo wasiirka Maaliyada ee inoo sheega in uu hadntida qaranka inoo dhowro lacag lagu qiyaasay in kabadan $400,000 – afar boqol oo kun oo lagu sadqeyo magaca 18 May, iyadoo dhanka kale caruurta dugsiyada Somaliland, siiba kuwa gobolada galbeed badi laga guro lacagta yar ee nusasaacahooda.

 

Su’aashu waxa ay tahay lacagta ay xukumada Siilaanyo doonayso in ay xafladaha 18 May ee London iyo magaalooyinka  kale ee la sheegay in wixii lacag ka soo baxda lagu caawin doono wadada Ceerigaabo ma ka soo bixi kartaa lacag ka badan tan ay kharashgaraynayso? Su’aasha jawaabteedu wey muuqataa, sidoo kalena gudida xaflada ugu weyn ee London waxay qiyaaseen in ayna lacag sidaa u badani ka soo baxayn, ee ay abaal ku qabaan haddii ay is bixiso! Haddaba sidee ayey isku qabanaysaa in bulshada lagu dawikhiyo in la yidhaa umada lacagteeda ayaa loo madhxinayaa, haddana xukumada Siilaanyo ay daadaadiso, iyadoo socdaalo aan muhiim ahayn u diraysa shaqsiyaad si gaar ah ula haya xukumada? Waxa wax lala yaabo ah sida aanay xukumada Siilaanyo u qiimayn hanaanka ay ku xusto 18 May ilaa sanadkii hore oo ay bilowday nidaamkan khariban ee xoolihii umada lagu tamashlaynayo.

Gabagabdii haddii xukumada Siilaanyo hayso war ka duwan kan ha inoo sheegto kharashka ku baxay socdaalada shaqsiyaadka aan ognahay ee tirade beelay ee dibada u soo baxay iyo inta lacag laga helo axafladaha kooban ee Cerigaabo lacagta loogu gurayo.

“Waxa Maanta God Madow 18-Ka May Ku Xusaya Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe, Oo U Xidhan Wiilka Yar Ee La Yidhaa Baashe Cawil” Cali Guray

0

Hargeysa(Hubaal) -Mujaahid Cali Guray ayaa ka dareen Celiyay yaabna ka muujiyay qiiro bilaashta Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka muujisay dayacaya iyo duugsiga xuquuqda mujaahidiintii SNM ee  taariikhda ku lahaa dalka.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay Boggiisa Facebook,waxaanu yidhi “Waxan la yaabay hadalada kuligood ba aan odhan karo waxay ahaayeen qiiro bilaash ah iyo is yeel yeel aan aniga xagayga wax micno ah ii yeelan karin ee madaxda ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Silanyo ay ka jeediyeen madal la yidhi waxa qaraamaad loogu ururinayay mujaahidiinta tawsta iyo tabaalaha la hoganaya gidaarada, gaar ahaan, kuwii ay dhaawacyada culculusi ka soo gaadheen dagaalkii hubaysnaa ey la galeen cidamadii Taliskii Siyaad Barre. Kharashka safarada madaxda iyo ka qosliyayaasha madxda ku baxa ee loogu kala diro daafaha dunida si ay uga qayb galaan xuska 18 May ayaa mudnaan lahaa in daryeel loogu sameeyo mujaahidiinta ay madaxdu ka hadleen.
Ujeedada safarka mdaxda ee xiligan ayaa la og yahay inay ka tahay dalxiis, temeshle iyo tumasho keliya oo ay lacag badan oo ka mid ah cashuurta masaakiinta dan yarta ah laga qaadaa ay ku baxdo. Waxa ka daran inta noo heesa kharash lagu bixinayo.

Xukuumadda Siilanyo intii ay jirtay laba mujaahid oo keliya oo labadu ba ay ka mid ahaayeen ragii ugu horeeyay ee SNM ka mid noqda ayaa xukuumadda Silanyo fooda mar geliyay wixii ku dhacay na isaga sheekayn mayno.Waa Maxamed Xaashi Cilmi iyo Boobe Yussuf Ducaalle.

God madow na waxa maanta ku xusaya 18 May Muj. Yussuf Cabdi Gaboobe oo u xidhan wiilka yar ee la yidhaa Baashe Cawil oo ka tirsan qoyska madaxwayne Silanyo iyo Wasiirka Macdanta oo adeer uu u yahay. Xukuumadda Mujaahidka ee mujaahid-diidka ah waa looga dhaartay mujaahidiintii SNM iyagu na dan iyo muraad kama laha.

Sidaa daraadeed aniga oo mujaahidiinta ila aragtida ah afkooda ku hadlaya fariinta xuska 18 May aan halkan Madaxwayne Silaanyo uga dirayaa waxay tahay;

BOGAYGA WARAN BAAD BADHEEDH KU JARTEE
BAGAAD II DISHOONAD II BIXIN.

Xukuumada Oo Munaasibada 18-ka May Awgeed Wadamada Debada U Dirtay Waftiyo Dhaqaale Culusi Ku Baxeen Safaradooda + Halka Ay Maalintan Oo Kale Mudnayn In La Maamuuso Mujaahidiintii Dhimirkooda Ama Laxaadkooda Ku Waayey Halgankii Iyo Dadka Jilicdasan

0

Hargeysa(Hubaal):-masuuliyiinta xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa heelan culus ugu jira sidii ay shacabka ku dhaqan wadanka gudihiisa iyo debadiisaba ku dhaqan ugala qayb gali lahaayeen munaasibadaha 18-ka May.

00088

Xukuumada ayaa wafti kala duwan ugu kala baxday wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka  taas oo ujeedada ugu wayni tahay sidii ay jaaliyadaha ugala qayb gali lahaayeen munaasibadaha 18-ka May, waxaana waftiyadaas ku sugan wadamad qurbaha hogaamiya xubno wasiiro ah kuwaas qaarkood iskaga daba tagay wadamadaasi.

Wasiirada xukuumada iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada kana soo jeeda xisbiga Kulmiye ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku qul qulayey wadamada Yurub gaar ahaana wadanka Ingiriisk, halka ay kuwo kalana ka dageen wadanka Maraykanka.

Safarada ay wasiiradu ku tageen wadamadaasi ayaa waxa  ku baxaya lacag aad u badan taas oo kafayn lahayd meelo kale oo munaasib ku ah sida gar gaar loogu fidiyo dadka jilicdasan ee ku sugan wadanka gudihiisa kuwaas oo la baaxaa dagaya duruufaha adage e nolosha, isla markaana wasiiradu gudaha wadanka kula wadaagaan xuska 18-ka May.

Wasiiradan iyo xildhibaanada ka tirsan xukuumada ayey waajib ku ahayd in shacabka gudaha ay kala qayb galaan munaasibadan isla markaana dhaqaalaha ku baxaya safaradooda ay meelo ku haboon galiyaan.

Dhawaan wadanka Ingiriiska waxa gaadhay wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyada oo ay halkaasi hore ugu sii sugnaayeen xubno ka mid ah masuuliyiinta loo magacaabay dhismaha wadada Ceerigaabo kuwaas oo iskugu jira xildhibaano iyo wasiiro isla markaana munaasibadaha 18-ka May uga faa,iidaysanaya dhaqaale loo helo wadada Ceerigaabo.

Sidoo kale waxa wadanka Ingiriiska u baxay wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse kaas  oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan aqalka wakiilada Somaliland, waxaanu wasiirku mar uu la hadlayey warfidiyeenada sheegay inuu wadankaas u tagayo ka qayb galka munaasibadaha 18-ka May.

Sidoo kale wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan  oo ay weheliyaan gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada iyo xildhibaano ka tirsan aqalkaas ayaa gaadhay wadanka Maraykanka, kuwaas oo jaaliyadaha kala qayb gali doona munaasibadaha xuska 18-ka May, kaas oo qayb ka ah waftiyada xukuumada ee safarada ku tagay wadamada debada.

Sida aynu wada ognahay Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 18/05/1991-kii, waxaana haboon in shacabka ku dhaqan gudaha wadanka si weyn loogala qayb galo munaasibadaha isla markaana dhaqaalaha faraha badan ee ku baxaya wasiirada ka tirsan xukuumada ee u muuqda kuwo u dalxiis tagaya wadamada qurbaha in lagu caawiyo dadka jilicdasan ee  ay ugu horeyeen mujaahidiintii dhimirkooda ama laxaadkooda ku waayey xorayntii dalka, kuwas oo mudan in maalmaha noocan oo kale ah la maamuuso isla markaana looga mahadnaqo dedaalka ay u galeen xoriyada wadanka.

Shacabka Somaliland ee ku dhaqan wadanka gudihiisa iyo qaar ka mid ah mujaahidintii laxaad belay xoriyada wadanka iyo agoontii ay ka tageen mujaahidintii ku naf waayey dagaaladii lagu xoreeyey wadanka   ayaa la baaxaa dagaya duruufaha nolosha ee ku gadaaman iyaga oo si weyn ugu baahan cid kasta oo wax taraysa, waxaana la tilmaamaa in shacabka Somaliland gaar ahaana dabaqada hoose ay hoos mareen waxa loo yaqaano(Poverty Line) kaas oo lagu cabiro heerka dhaqaalaha qoys kasta soo gala maalintii, waxaanay shacabkani gacan ka sugayaan xukuumadooda iyo cid kasta oo wax taraysa, halka wasiirada xilka u hayeyna ay safaro dhaqaale badani ku baxaya ku tagayaan waddamada qurbaha, safaradaas oo aanay waxba uga soo kordhayn dadkan jilicdasan ee u baahan in wax la taro.

Marka la isku soo wada duubo masuuliyiinta ka tirsan xukuumada ee sii qul qulaya wadamada debada ayey uga wanaagsanayd inay dhaqaalaha laxaadka leh ee ku baxaya ay ku caawiyaan dadkooda jilicdasan eek u sugan wadanka gudihiisa isla markaana dareensiiyaan in laga war hayo, iyada oo si gaara diirada loo saarayo mujaahidintii xiskooda ama laxaadkooda u waayey xoriyada maanta ay ku debaal dagayaan guud ahaanba shacabka Somaliland.

Cabdirisaaq Good Nuur

Markale Iyo Falaqaynta 26-ka Wasiir Ee Xukuumadda Siilaanyo + Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare + Qormada 11-aad

0

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 11aad

Wasiir-Samsam-150x150

Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Waxa ay ka mid tahay haweenka aqoonyahanka ah ee reer Somaliland. Ka hor intii aan xilka wasiirnimo loo magacaabin 28 July 2010 waxay tan iyo sannadkii 1991-kii ka shaqaynaysay hay’adaha samafalka iyo kuwa xuquuqal-insaanka, waxaanay markii dalka lagu soo laabtay waddanka keentay hay’ad la odhan jiray SOMRA oo mid ka mid ahayd hay’adihii ugu horreeyey ee ka hawlgalay Somaliland, taas oo caawin jirtay adeegyada caafimaadka iyo dhakhaatiirta. Haseyeeshee, nasiib-darro hay’addaasi muddo dheer ma sii shaqayn, kadib markii kooxihii malleeshiyooyinka ee loo yaqaanay Daydaygu ka dhaceen baabuur cusub oo hay’addu lahayd.

 

Wasiir Samsam

Xilligaas kadib waxay aasaastay hay’ad samafal waddani ah ilaa hadda ka shaqaysa dalka. Sidoo kale, waxay madax ka noqotay dalladdii ay ku bahoobeen ururrada xuquuqal-insaanka Somaliland ee SHURO, taas oo xukuumaddii Madaxweyne Rayaale albaabada u xidhay kadib markii ay u aragtay inay tahay mid adeegta mucaaradkii ka soo horjeeday, gaar ahaan xisbiga KULMIYE oo waqtigaas ku hayey culays siyaasadeed xooggan oo sabab u noqday inuu xukunka kagala wareego UDUB.

Waa hawlkar iyo talo-qabeen ka dhex muuqata masraxa siyaasadda Somaliland. Waxa ay saaxiibtinimo qoto-dheer oo adag la wadaagtaa marwada 1aad ee Madaxweynaha, sidaa darteedna waxa loo aaneeyaa inay saamayn weyn ku leedahay dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ee ka socda gudaha Madaxtooyada Somaliland iyo guud ahaanba dalka, waxana lagu tilmaamaa haweenayda keliya ee si fiican ula qabsatay wareejinta giraanta siyaasadaha dalka gudihiisa ka socda, waxaanay ka mid tahay dhowrka wasiir ee ka hadhay golaha xukuumadda ugu horreysay ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhisay markii uu talada la wareegay afar sannadood ka hor.

Waxa kaloo lagu tiriyaa gadh-wadeenka olole haweenka saaxiibka la ah marwada 1aad dabada ka riixayaan oo culays badan ku saaraya Madaxweynaha meel-marinta mashruuc-sharci dhawr jeer dhicisoobay oo madaxtooyadu ku doonayso inay Golaha Wakiillada ku dirqido ansixinta xeer u oggolaanaya haweenka iyo dadka lagaga tirada badan in kuraas kooto ah laga siiyo doorashooyinka, kaas oo hore goluhu ansixintiisa u diiday, iyagoo xildhibaannadu ku dooday inuu ka horimanayo distoorka qaranka. Hase ahaatee, Madaxweyne Siilaanyo ayaa markale dib u soo cusboonaysiiyey socodsiinta xeerkaas, kadib markii sida la sheegay dumarku culays xooggan arrintaas saareen.

Marka la eego dhinaca waxqabadka waxa loo wada qirsan yahay rikoodhka xasuusta u galay inay noqoto wasiirkii horreeyey ee ku guulaysta in bilaash laga dhigo waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe ee dawladda oo ay wax ka bartaan ardayda ugu tiro badan guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabadaas oo lagu sifeeyey libin iyo guul aan cid kale la wadaagin oo Wasiir Samsam ku fulisay mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee xukuumadda KULMIYE ku gashay ololihii doorashada madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010, taas oo ay mutaysatay ammaan iyo bogaadin aan loo kala hadhin, iyadoo sidoo kale ku guulaysatay in adeegyada waxbarashada dawladdu gaadhaan guud ahaanba degaannada Somaliland, waxayna noqotay masuulka qudha amaan kala kulmay degaanno safar dheer madaxweyne Siilaanyo ku maray.

 

Muddadii Wasiir Samsam haysay xilka Wasaaradda Waxbarashadda, waxa la kordhiyey mushaharooyinka macallimiinta, waxaanna la shaqaalaysiiyey barre-yaal badan oo aan hore ugu jirin miisaaniyadda dawladda, taasoo ka qaybqaadatay nidaamka shaqaalaysiinta dalka ka socda.

 

Dadka dhalliila Wasiir Samsam Cabdi Aadan, ayaa aaminsan in waxbarashada dugsiyada dawliga ahi aad hoos ugu dhacday muddadii ay xilka haysay, halka tacliinta dugsiyada gaarka loo leeyahay aad uga sarayso ta dawliga ah, iyadoo arrimahaasna loo aaneeyo waxbarashada dawladdu bilaashka ka dhigtay, taasoo meesha ka saartay dhaqaalaha macallimiintu heli jireen, maadaama mushaharka ay dawladda ka qaataan ku filayn nolol-maal-meedkooda, taasoo keentay in macallimiinta tayada lahaa u digo-rogtaan dhinaca dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay dhaqaale fiican ka helaan.

Waxa lagu xantaa qabiiliyad kala-xigtaysata bulshada reer Somaliland ee ay madaxda u tahay, awoodo badanna ka haysata qasriga madaxtooyada, taasina u suurtogalisay inay faraha la gasho hawlo ka baxsan xilka iyo masuuliyadaha wasaaraddeedu u xilsaaran tahay, iyadoo lagu tilmaamo inay xubin firfircoon ka tahay guurtida aan shaarubaha lahayn saamaynta togan ku leh talada dalka Somaliland. La soco wasiirka xiga…..

Jamhuuriya media

“IIGA DAA DIGASHADU BAROORDIIQ IIMA NOQOTO EH” Muj. Cali Guray Oo Midh Ka Yidhi Tamashleynta Xukuumadda Iyo Mujaahidiinta Tawsta Iyo Tabaalaha La Hoganaya Gidaarada

0

Hargeysa (Hubaal) – Mujaahid Cali Guray oo fajac iyo yaab ka muujiyay faanka iyo qiiro bilaashta xukuumaddan siilaanyo ee qaacu ka baxayo ayaa waxa uu barta facebook-ga uu ku leeyahay mujaahidku u soo dhigay qoraal yar. Waxa aanu u dhignaa sidan:

caliguray vs silanyo

Waxan la yaabay hadalada kuligood ba aan odhan karo waxay ahaayeen qiiro bilaash ah iyo is yeel yeel aan aniga xagayga wax micno ah ii yeelan karin ee madaxda ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Silanyo ay ka jeediyeen madal la yidhi waxa qaraamaad loogu ururinayay mujaahidiinta tawsta iyo tabaalaha la hoganaya gidaarada, gaar ahaan, kuwii ay dhaawacyada culculusi ka soo gaadheen dagaalkii hubaysnaa ey la galeen cidamadii Taliskii Siyaad Barre. Kharashka safarada madaxda iyo ka qosliyayaasha madxda ku baxa ee loogu kala diro daafaha dunida si ay uga qayb galaan xuska 18 May ayaa mudnaan lahaa in daryeel loogu sameeyo mujaahidiinta ay madaxdu ka hadleen . Ujeedada safarka mdaxda ee xiligan ayaa la og yahay inay ka tahay dalxiis, temeshle iyo tumasho keliya oo ay lacag badan oo ka mid ah cashuurta masaakiinta dan yarta ah laga qaadaa ay ku baxdo. Waxa ka daran inta noo heesa kharash lagu bixinayo.

Xukuumadda Silanyo intii ay jirtay laba mujaahid oo keliya oo labadu ba ay ka mid ahaayeen ragii ugu horeeyay ee SNM ka mid noqda ayaa xukuumadda Silanyo fooda mar geliyay wixii ku dhacay na isaga sheekayn mayno. Waa Maxamed Xaashi Cilmi iyo Boobe Yussuf Ducaalle. God madow na waxa maanta ku xusaya 18 May Muj. Yussuf Cabdi Gaboobe oo u xidhan wiilka yar ee la yidhaa Baashe Cawil oo ka tirsan qoyska madaxwayne Silanyo iyo Wasiirka Macdanta oo adeer uu u yahay. Xukuumadda Mujaahidka ee mujaahid-diidka ah waa looga dhaartay mujaahidiintii SNM iyagu na dan iyo muraad kama laha.

Sidaa daraadeed aniga oo mujaahidiinta ila aragtida ah afkooda ku hadlaya fariinta xuska 18 May aan halkan Madaxwayne Silaanyo uga dirayaa waxay tahay;

BOGAYGA WARAN BAAD BADHEEDH KU JARTEE

BAGAAD II DISHOONAD II BIXIN.

Maareeyihii Haamaha Shidaalka Berbera Oo Xilkii Laga Qaaday + Isu Duwihii Diinta & Awqaafta G/Saaxil Oo Xilkaas Loo Magacaabay

0

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa digreeto Wasiir oo uu maanta soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera  Maxamuud Gahayr Ismaaciil. Waxaanu magacaabay maareeye cusub.

wasiirka ganacsiga

Sidaasna waxa uu Wasiirku ku bayaamiyay digreeto uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxaanu  Mudane Saleebaan Siciid Cali u magacaabay inuu noqdo Maareeyaha cusubHaamaha Shidaalka Berbera.

Digreetadda Wasiirka Ganacsigu soo saaray oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:-

“Aniga oo kaaga mahadnaqaya Mudadii aad xilka haysay, laga bilaabo maanta 00 ay taarikhdu tahay 15/05/2014 waxaan kaa qaaday xilkiii aad haysay ee Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera.

Sidaa daradeed, Waxaan ku farayaa inaad sida uu yahay nidaamka dawligu aad xiI wareejin buuxda u samayso, Maareeyaha Cusub ee aan xilkan u soo igmaday Mudane Saleebaan Siciid Cali.”

Akhriso Bayaan: Siyaasiyiin, Cuqaal iyo Wax-garadka Beesha Axmed Sheekh Isaxaaq (Tol-jecle) Oo Cambaareeyay Xadhiga Masuuliyiinta Haatuf

0

“Xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali  waxaanu u aragnaa xukun la gaadhay, iyadoo aan laga garsoorin Dacwada loo haysto”.

 

“Madaxweyne ma Ashkhaas Qoyskaaga ka tirsan iyo Wasiirro isku halayn kaa qaba ayaad sharciga Waddanka ka dooratay?” Beyaan Beesha Tol-jecle

Hargeysa(Hubaal)-Xubno ka mid ah Cuqaasha, waxgaradka , aqoonyahanka, Salaadiinta iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Beesha Axmed Sheikh Isaxaaq (Tol-jecle), waxay maalmihii ugu dambeeyay kulamo iyo shirar gooni-gooni ah ku  yeesheen Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Shirarkaasi waxay beeshu kaga arinsatay  Xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay, siiba xadhiga iyo ku xad-gudubka Suxufiyiinta  ku xidhan Xabsiga Gabiley ee Wargeyska Haatuf iyo Somaliland Times iyo Xayiraada Wargeyskaas la saaray, iyadoo uu  hore u xayiranyahay Wargeyska  kale ee Hubaal,kaasoo aanay ilaa hada dawladdu caddeynin Dambiga loo haysto ee uu u xayiranyahay.

Aqoonyahanka iyo Waxgaradka waxay hoos ugu daadegeen,una daraaseeyeen , sababta kaliftay, ka dambeysa ama looga danleeyahay xad-gudubyada noocan ah ee lagu hayo Saxaafadda, waxaanay dhego nugul iyo indho fiiqan ku eegeen dhaliilaha sharci ee ka muuqda habka loo maray Dacwada Wargeyska Haatuf iyo xadhiga masuuliyiintiisa.

 

Dood iyo falan qayn dheer ka dib, waxay dhinacyada kulamadaasi ka qayb-galay soo saareen Bayaan ka kooban toban qodob, kaasoo u dhignaa sidan:

 

1.       Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta beeshu waxay si kulul u cambaareynayaan Xadhiga Masuuliyiinta wargeyska Haatuf, oo kala ah Guddoomiyaha Wargeyskaas Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafaftiraha   Axmed Cali Cigge.

 

2.       Waxaanu si cad u dhaliilaynaa nidaamka loo maray Dacwada Wariyeyaashan oo ah mid meel ka dhac ku ah Shuruucda iyo nidaamka innoo degsen ee dawladnimaddeenu ku dhisantahay,meeshana ka saaraysa jiritaanka xoriyadda Mawaadiniinta iyo xuquuqda hadalka (Xorital Qawlka) ( Freedom of Expression ).

 

3.       Waxaanu u aragnaa in go’aanka xadhiga Wariyeyaasha la gaadhay “xukunka ka hor dhegeysiga Dacwada loo haysto, taasoo caddeynaysa cadaalad daro iyo sharci ku tumasho halkii ugu saraysay, wax loola hadhayna aanay jirin qawaaniintii dalka, mar hadii qof Eeddeysane ah la xukumayo iyadoo aan laga Garsoorin dambiga lagu soo oogay.

 

4.       Waxaanu dawladda u sheegaynaa inaan loo sii dulqaadan Karin hab-dhaqanka noocan ee lagula dagaalamayo indhaha iyo dhegaha Bulshada iyo shuruucda.

 

5.       Waxaanu dawladda ka dalbanaynaa in si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah Xoriyadooda loogu soo celiyo Suxufiyiinta Xidhan, hadii dambi lagu hayona iyagoo xor ah Dacwaddooda la dhegeysto.

 

6.       Mar kale iyo mar saddexaadba waxaanu ku baaqaynaa in dhegeysiga Dacwadan loo maro Xeerka u degsan Saxaafadda iyo Xeerka Dacwadaha Medeniga ah, annagoo si cad u durayna in dacwadan lagu saleeyo ama lagu qaado xeerka Ciqaabta Guud.

 

7.       Waxaanu ka warqabnaa inay dacwada Nimankan loo hayso ay dhibaneyaal ka yihiin Niman Wasiirro ah iyo ashkhaas aan Dawladda xil muuqda ka haynin oo hadana ka dhex muuqda, taasoo mugdi gelinaysa Milgaha dawladnimada iyo Maamuska Madaxweynaha Qaranka oo dadka dacweynaya wariyeyaashu qoyskiisa ka tirsanyihiin.

 

8.       Waxaanan leenahay Mudane Madaxweyne ma ashkhaas Qoyskaaga ka tirsan iyo dhawr Wasiir oo qaarkood xilalka ay hayaan isku halayn dhankaaga ahi u dheertahay ayaad ka door biday Shuruucdii iyo dawladnimadii laguu doortay afar sanadood ka hor. Hadii ay jawaabtaadu tahay haa” . kaa yeeli mayno inaad Dalka u xukunto sidii nidaamkii Kelitaliska ahaa ee Siyaad Barre, waxaana dadku qaadi doonaan wixii la gudboon hadii dawladdaadu cadalaad darada noocan ah sii waddo.

 

9.       Annagoo sii tahkiidinayna baaqyada hore ee xadhiga Suxufiyiintan iyo Xayiraada warbaahinta laga soo jeediyay, waxaanu ka digaynaa in layska dhego tiro dhegeysiga Dhawaaqyada annaga iyo Bulshada qaybaheeda kale ka soo yeedhaya oo la dhayalsado.

 

10.   Hadii aad dhego u yeelan waydaan dhambaalada ka soo baxaya daneeyayaasha xoriyal-qowlka  ee gudaha iyo dibada, kuna sii dhegsanaataan go’aanka Maxkamaddu ku xidhay Axmed Cali Cige iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe, dawladda iyo dadka aan xilalka Qaran haynin ee Aqalka Madaxtooyada ka soo dacwooday ayaa ka masuul ah wixii Mushkilad ka yimaada arrintaas.

Alla Mahad leh

Cuqaasha, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka bayaanka soo saaray:

 

1-Cheif Caaqil Ahmed Ibrahim Bookh

 

2- Cheif Caaqil siciid Muxumed Nuur

 

3- Cheif Caaqil Xasan Osman khayre

 

4-Cheif Caaqil abiib Ibraahim Bulaale

 

5- Cheif Caaqil Xasan Abdilahi (Xasan Dhabe)

 

6- Cheif Caaqil Maxamed Aw Cismaan

 

7-Chief Caaqil Cabdi Axmed

 

8-Caaqil Axmed Aw Ibrahim Jama

 

9- Oday Muumin Diiriye Ardaale

 

10-Caaqil Cumar Caalin Xirsi

 

11-Caaqil Cabdi Xassan Kaahin

 

12-Caaqil Maxamed Maxamuud Muuse

 

13-Caaqil Cabdicasiis Cabdi Siciid

 

14-Caaqil Maxamed Cilmi Geedi

 

15-Caaqil Maxamed Cige Khayre

 

16-Muj. Muuse  Laan-gadhe

 

17- Ganacsade Xasan Cabdilaahi

 

18- Siyaasi Axmed Xasan

 

19-siyaasi hore, Maxamed Jaamac

 

20-Siyaasi Maxamed Daahir

 

21- Yacquub Cabdilaahi  (Dhalinyarada/aqoonyahanka)

 

22- Yoonis Maxamed Yoonis (Dhalinyarada).

 

23- Maxamed Axmed Qaalib (Waxgarad)

 

24- Cabdicasiis Mawliid Nuur (Dhalinyaro)

 

25-Ganacsade Maxamuud Axmed Warsame

 

Iyo xubno kale oo tiro badan.

Dhageyso: Mujaahid Cali Xaraaro Oo Naqdiyay Dhaliilaha Gaarka Ah Ee Madaxweyne Siilaanyo, Kuwa Xukuumaddiisa iyo Qodobo Kale

0

Hargeysa (Hubaal) – Mujaahid Cali Xaraaro oo kamid ah mujaahidiintii SNM iyo siyaasiyiinta dalkan jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay dhaliilaha gaarka ah ee madaxweyne Siilaanyo, kuwa Xukuumadiisa iyo arrimo kale.

mujaahid cali xaraaro(1).jpg

Mujaahidka oo waraysi uu siiyay warbaahinta qaar waxa uu kaga hadlay xaalada guud ee maanta dalku ku sugan yahay.

Isaga oo ku sifeeyay xukuumadan uu siilaanyo gadhwadeenka ka yahay mid dalka hoos u dhigtay dhinacyo badan oo uu ku sheegay tacadiga saxaafada uu ku yahayo iyo fur-fur baahsan oo siyaasada dalka ka muuqda

qaranimadii dadkani u soo dhinteen iyo mawqifkoodii somalia ay ka taagnaayeen oo ay xukuumadani maaesha ka sii saarayso oo imika aanu soomaaliya isku dhex jirno halkaana waxa gaadhsiisay xukuumada siilaanyo” ayuu yidhi mujaahid cali xaraaro

Madaxweyne Siilaanyo Oo Turkiga Ka Tacsiyadeeyay Masiibadii Dadka Badani Ay Ku Dhinteen

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dawladda iyo shacbiga dalka Turkiga ka tacsiyadeeyay  khasaarihii balaadhnaa ee ka dhashay godad macdanta laga qodo oo dab qabsaday  gelinkii dambe ee maalintii Salaasadii todobaadkan, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 270 oo qof.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca shacbiweynaha JSL, waxa uu ka tacsiyadeynayaa dawladda  iyo shacbiga Turkiga muwaadiniintii wadankaasi  ee ku naf waayay mid ka mid ah goobaha  macdanta laga qodo oo dad qabsaday, iyadoo ay shilkaasi ku dhinteen ALLE ha u naxariistee dad ka badan 200 oo qof, halka wali ay socoto dedaalo lagu badbaadinayo illaa saddex boqol oo qof oo kale oo ku hoos jira godkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu  dhambaal tacsi ah u diray  Raysal wasaaraha Turkiga Md. Recep Tayyip Erdogan, waxaanu madaxweynuhu sheegay inay qaran ahaan dawladda iyo shacbiga Somaliland shilkaas dhimashada weyn keenay, dareen ahaanna ay xanuunka shilkaasi ka dhalatay ay la qaybsanayaan walaalahooda Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dadka shilkaasi ku dhintay ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxa kale oo uu EEBE uga baryay  dadka baadi goobka loogu jiro ee ku hoos jira godadkaas macdanta inuu ILAAHAY ka samato bixiyo.”