Guriga Blog Page 1575

Hambalyo Aroos Wacan Oo Shabakadda Hargeisa Press U Dirayso “Bashiir Jamac Nuux iyo Ubax Xasan Jamac”

0

Tafaftiraha Guud ee Shabakadda HargeisaPress. Shiine Cilmi Kaahin iyo Wariyayaasha Shabakadda HargeisaPress oo kala ah Mohamed Adan, Hassan Mohamed, Mahad Kadleye, Caydarus Ismail, Siciid Xasan.

………………………………………………………………………………………………………

Aabo jamac Nuux, Khadar jamac Nuux,Qadiija jamac Nuux,Canab jamac Nuux, Mawliid jamac Nuux, Cali jamac Nuux, Safiya jamac Nuux, Nimcaaan jamac Nuux, Shucayb jamac Nuux, Dhamaan dadkaasi oo kala jooga dalka iyo dibadiisa.

………………………………………………………………………………………………………

Cabdiraxmaan Cilmi Kaahin, Mukhtaar Cabdi Aw Muxumed, Sayid Ibraahin iyo Xaaskiisa, Ayaanle Maxamed Cabdi, Xasan Qodax, Maxmaed Maxamuud Barkhad, Cabdiraxmaan Xuseen Cabdilaahi.. Dhamaan dadkaasi Waxay Hambalyo u dirayaan

Bashiir Jamac Nuux iyo Ubax Xasan Jamac

Oo Xalay 6/5/2014,Arooskoodu ka dhacay  Magaaladda Hargeysa, waxaanay Leeyihiin noqda reerkii lagu nasto ee lagu nagaado ee ubad khayr qaba kala hela..Aamin….. Aamin…Aamin

Musuqa Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee Burco Miyay Nagu Daawanayaan Mudanayaashii Aanu Dooranay‏

0

waxay ahayd dhamaadkii sanadkii 2012ka markii la doortay mudanayaasha go;alah deegaanka ee degmoouinka s/land waxayna degmadda burco qayb u heshay intii ay dhigeedda degmooyinka dalku heleen oo ah 21 xubnood waxayna mayor u doorteen maxamed muraad iyo ku xigeenkiisa xoday hadaba markii ay xilka qabteenaba waxay bilaabeen musuq iyo muran sharci oo aan markaa meesha oolin sidoo kale hadaynu wax ka xusno waxyaabihii muranku ka dhashay waxa kamid ahaa in markii ay xilka la wareegeen labada masuul ay sheegeen inay soo iibiyeen cagafyo ay u baahantahay dawlada hoose oo ay tiradoodu dhantahay laba cagaf isla markaana ku imanaaya lacag gaadhaysa ilaa shan boqol oo milyan isla markna muran badani uu ka dhashay hadaba waxaas oo dhami waxay sahaalo noqdeen markii ay salaanka xilka si fiican ula qabsadeen waxaanay ku kaceen musuqmaasaq aan xad lahayn fulinta dawladda hoose ee burco oo kala ah mayorka maxamed muraad iyo  mayor ku xigeenkiisa mr Xoday iyo xoghayaha dawlada hoose Cismaan Mxamed sh Cismaan waxaanay soomaalidu ku maahmaahda mayd maxa u dambeeyay iyo kaa la sii siddo

waxa ugu dambeeyay ee weli aan raadkooddu qalalin waxa kamidda wadadda gaha ee ay sheegeen inay ku baxday lacag dhan 100.000 oo dolarka maraykanka ah waxaana runtii halkaas ka cad in si toos ah loogu boobay hantidii umadda jidkaas sidoo kale waxay sheegeen in ay galeen 300 oo foosto oo daamur ah islamarkaana lagu soo iibiyaya lacag dhan 30000 kun oo dolar

hadaba hadaba ta iswaydiinta mudani waxa weeye markaad caqliga saliimkaa ku eegto waxan meesha lagu dhoobdhoobay macquul ma tahay jawaabtu waa maya hadaba waxaan leeyahay mudanayaasha golaha deganka burco miyaa kula socotaan fulinta dawladda hoose inay sidan shacabka hantidooda ugu takri falaan mise waxaba waydaan kala socon waxan ay samaynayaan mayorka iyo ku xigeenka iyo xoghayaha dawladda hoose sidoo kale waxa jirta in si badheedh ah loo jaray waddo marta cusbataalka manhal dabadiisa oo si sharci darro ah ay u jareen masuuliyiinta fulinta dawladda hoose

LASOCO QAYBAHA DAMBE

by sacad cali kaahin Raamalay Sacad plucky

Those who claims submitted the so called petition letter to Somaliland president does not distinguish between petition and lawbreakers

0

Petition is requestto do something, most commonly addressed to a government to reconsider a decision taken in the past that is considered be based on injustice, which is not in the case of owner of Haatuf News network   Petition does not involveany legal definition or title of a legal pleading that initiates a legal case. Petitions were a common form of protest and request to the British house of common in the 18th and 19th centuries. The most common petitions known to many is the one sought to free Nelson during his imprisonment by the former apartheid government of south.

The petitions had no legal effect, but the signatures of millions of people on the petitions represented a moral force that may have helped free Mandela and end apartheid. None-government organization such amnesty often use petitions in an attempt to exertmoral in support of various causes. Other nongovernmental subjects of petition drives include corporate personnel decisions.However, the so called petition that some personalities claims submitted to the president is like a request to support injustice. Those personalities seek to lift the ban for a newspaper committed insults against most respected personalities in our country. Those individual does not differentiate between victims or the innocents and lawbreakers that they support at present or culprit. A culprit is the one who sources the cause of the problems. in conclusion, the chief editor of Haatuf news network, Gaboobe is one the sources of problems in Somali-land and the continuity for the ban of newspaper services the interest of Somali-land.

Ismail Yusuf

Daawo: Hogaamiyaha Boko Haram Ee Nayjeeriya Oo Sheegay In Hablihii Ay Afduubeen Rag Loo Guurin Doono Qaarna Adoon Noqon Doonaan

0

Abu Bakar oo ka soo baxay muuqaal fidiyow ah oo ay dhif iyo naadir tahay inta la arkaa, ayaa sheegay in hablahaas loo kala qaybin doono

Abuja, (Hubaa/Agencies):- Hogaamiyaha Maleeshiyada Islaamiga ah ee dalka Nayjeeriya ee Boko Haram, loogu yeedho, Abu Bakar Chico, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay halka ay ku danbeeyeen ilaa 200- Hablo ah oo ay ka afduubeen dugsi boodhin ah oo ay wax ku baraneeyeen.

 

Apducted women boko haramAbu Bakar oo ka soo baxay muuqaal fidiyow ah oo ay dhif iyo naadir tahay inta la arkaa, ayaa sheegay in hablahaas loo kala qaybin doono, wax adoon ahaan loo iibsho iyo kuwo loo guuriyo raga dumarka u baahan, cid wax laga waydiinayaana aanay jirin oo sidaa xaalku ku dhamaan doono.

Waalidiinta dhalay ardaydaas hablaha ah ee la afduubay ayaa iyaguna caasimada dalkaas ee Abuja, ka wada dibad baxyo ay ku doonayaan in xukuumada dalkaas ay culays ku saaran, in kasta oo xaaladu faraha ka baxday oo aan loo hayn xal deg deg ah.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac (Wadka) Oo Isu-Sharaxay “Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye”

0

“Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) Waa Siyaasigii labaad ee Jebiya Darbigii Kootada ahaa ee lagu xidhay doorashadii hogaanka Xisbiga”.Hoos ka dhegeyso

Hargeysa(Hubaal)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) , ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay Jagada Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo sida sharcigu dhigayo bil ka dib Shirweynaha Xisbiga dib loo doorto xubnaha Golihiisa dhexe iyo  hogaankooda.

 

WadkaMaxamuud Jaamac Warfaa  oo hore u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe, ayaa shaaciyay inuu xilkan u sharaxanyahay, maalin kaddib markii uu Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay inuu u taaganyahay  Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigiisa.

Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay  Magaalada Hargeysa, ayuu Xildhibaan Wadku ku sheegay inuu musharaxaha Guddoomiyaha Golaha dhexe uu u taaganyahay, waxaanu intaasi ku daray inuu hanan karo ama ka soo bixi karo Jagadaasi hadii loo doorto.

Anigoo ah Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, isla markaana ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaan u taaganahay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee soo socda”

Maxamuud Jaamac Warfaa oo sharaxaya qaabka uu Musharaxnimadiisa u marayo, maadaama aan hogaanka Xisbiga lagu tartamin shirweynihii todobaad ka hor qabsoomay, ayaa yidhi “Doorashadii hogaanka Xisbiga wada xaajood ayaa lagu dhameeyay, laakiinse tan Golaha dhexe waa lagu tartamayaa, haday tahay Musharax Madaxweynaha iyo haday tahay Shir-guddoonka Guddoomiyaha Golaha dhexe. Halkaasaanay dimuquraadiyadii xisbiga kulmiye ka bilaamaysaa.

Markaa Aniguna waxaan u tartamayaa, u ordayaa, u taaganahay , isla markaana halkan ka caddeynayaa inaan Guddoomiyaha Golaha dhexe u sharaxanahay, anigoo u sheegaya dhamaan dadka isu sharaxaya Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha dhexe inuu sharciga Xisbigu sidaa dhigayo”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Khudbad Sannadeedkii Madaxweye Siilaanyo Ee Labada Gole Oo Berito La Filayo

0

Hargeysa(Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalinta Bari ah labada gole baarlamaan ka jeedin doono Khudbad Sanadeedkii 2014-ka.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa isugu yeedhay labada gole baarlamaan ee Dalka.

 

silanyo khudbada labada goleFadhiga Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax isugu yeedhay labada gole baarlamaan oo ah mid dastuuriya ayaa beri ka qabsoomi doona Xarunta Baarlamaanka Somaliland

Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku badan xildhibaano Mucaarid Fog ah kuwaas oo wada abuubul la xidhiidha Su,aalo la doonayo in Madaxweyne  Axmed Siilaanyo laga waydiiyo Arrimaha ka taagan dalka.

Gudomiyihii Wasaradda Waxbarashada Gobalka Togdheer Proff Cabdi Axmed Siciid Oo Goor Dhaweyd ku Geriyoday Magaladda Hargaysa.

0

Alle How Naxaristii Marxuumka ayaa Maalmihii u Danbeyayba Xaalad Cafimad u Joogay Magalada Hargaysa isla Markaasna Yaalay Cusbital ku Yaala Gudaha Magalada Hargaysa.

Burco (Hubaal) Alle How Naxaristii Waa Maanta Duhurkii Abaaro 12:00 Duhurnimo Caasimadda Somaliland Ee Hargaysa ku Geriyoday Gudomiyihii Wasaradda Waxbarashada Ee Gobalka Togdheer Proff Cabdi Ahmed Siciid.

 

cabdi ahmed.jpgAlle How Naxaristii Marxuumka ayaa Maalmihii u Danbeyayba Xaalad Cafimad u Joogay Magalada Hargaysa isla Markaasna Yaalay Cusbital ku Yaala Gudaha Magalada Hargaysa.

Proff Cabdi Axmed Siciid Alle How Naxaristii ayaa Muddo Aad u Dheer Oo ilaa Dowladii Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin ahaa Gudomiyaha Wasaradda Waxbarashada Gobalka Togdheer.

Alle How Naxaristii Gudomiyaha Waxbarashadda Gobalka Togdheer ayaa la Filayaa in Maanta Galinka Danbaba Marxuumka la Keeni Doono Magaladda Burco isla Markaasna Aas Qaran Loogu Samayn-Doono Magalada Burco.

Wasiir Ku-Xigeenkii Hore Ee Amniga Oo Daaha Ka Fayday Sababta Keentay Xil Ka Qaadistiisa

0

Hargeysa(Hubaal) -Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ee Dhinaca Amniga Md:Cabdilaahi Abokor ayaa ka hadlay sababta keentay Casilaadiisii Xilka laga qaaday,waxaana uu sheegay in aanay haba yaraatee jirin in Xilka looga qaaday Xil gudasho la’aan balse ay jirtay khilaaf ka yimi xaga Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE,waxaana uu tibaaxay in uu ilaa hadana daremaayo  in uu khilaafkaasi yahay ka sababay in xilka laga qaado.

 

Wasiir-Ku-xigeenka-amnigaWasiir ku-xigeenkii hore ee dhinaca Amniga Md:Cabdilaahi Abokor  ayaa hadalkan ka sheegay maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa waxaana ka mid ahaa hadaladiisii: “Sababahaan uga tagay waxaa ka mid ahaa,sabab aan xilkayga u gudan kari waayey may jirin,laakiin waxaa jiray khilaaf ka yimi xaga golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa sabab u ahaa in aan xilka ka tago,imikana waxaan dareemayaa in ilaa hada uu arinkaasi taagan yahay,dalkan hadii la doonayo in uu siyaasad dagan yeesho waxaa loo baahan yahay in si xora laysku doorto,si xorana ay isku maamulaan,hadii aan maanta taa laga waan toobin waxaan aamin sanahay waxaynu nahay qabiilo isku tagay hadii ninkasa lagu ixtiraami waayo shaqadiisa iyo reerkisa waxaa ay noqonaysaa dee in hadhaw toole dee lakala furfurmo sida basasha”.

Md:Cabdilaahi Abokor oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu yidhi:”markaa waxaana halkan aan uga soo jeedinayaa xukuumada aan ka tirsanaa in la xaq dhawro xuquuqda muwaadinka iyo muwaadinka xurmada leh ee xisbiga  u soo hal gamay  ee xurmada mudan in aan maanta laga dor bidin nin shili maan  la siisan karo,markaa waxaan jecelahay si aan mustaqbalkeena sanado badan oo boqolaala aynu uhelno nidaam cad oo muuqda oo aanay inaga noqonin sida wadamada afrika in qof inta la soo ibsado uu golaha dhexe la keensado”

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wakiilka S/land U Fadhiya Turkiga

0

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,  JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.

 

MADAXWEYNUHU:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga;

 

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

 

Markuu Ku Qancay:           in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga.

Madexweyne Siilaanyo Oo Gabiley U Magacaabay Badhasaabkii Lixaad iyo Dadweynagha Reer Gabiley Oo Isweydiinaya Cida La Maamusha Gobolka(Faallo)

0

Waxaana Gudoomiyihii Gobolka Gabiley ee Xukuumada Siilaanyo xilka kala Wareegtey Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), go,aan degdeg ah ku qaatey mudo kadib markii Xisbiga Kulmiye ku guuleystey talada dalka in uu iska casilo Xilkaasi maadaama aanay, muuqanin ifafaalo loogu sii negaado siilaanyo Gabiley(HWN)-Tan iyo intii uu la wareegay talada dalka Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo hore u ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye markii uu Mucaaridka ahaa ayaa, Digreeto Madexweyne ugu magcaabay Gobolka Gabiley Badhasaabkii lixaad ee Xilka Gobolkaasi qabta iyadoo Xukuumadiisu xilka Gudoomiyanimo ee Gobolka Gabiley kala wareegtey Gudoomiyihii u horeeyay ee Madexweynihii Xukuumadii Udub ee ka  horeeyay, Daahir Rayaale u magacaabay bilowgii Dhismaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), oo dhidibada u taagey muuqaalka iyo haykalka Gobolnimo ee Gabiley markii loogu dhawaaqey Gobolnimada ay mudada badan Reer Gabiley geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen islamrkaana, ay kaga soo hungoobeen Xukuumadihii Dowladii Milatariga aheyd ee kalidii taliye Maxamed Siyaad Barre, iyo Xukuumadihii ka dambeeyay tii SNM ee uu hogaaminayay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali(Cabdiraxmaan-tuur) iyo Xukuumadii Marxuum Cigaal ee ka dambeysay labadaba. Waxaana Gudoomiyihii Gobolka Gabiley ee Xukuumada Siilaanyo xilka kala Wareegtey Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), go,aan degdeg ah ku qaatey mudo kadib markii Xisbiga Kulmiye ku guuleystey talada dalka in uu iska casilo Xilkaasi maadaama aanay, muuqanin ifafaalo loogu sii negaado Xilkaasi, kadib markii uu arkey raga u xusul duuban Xisbiyahanada Kulmiye, ee doonaya in ay gadhwadeen uga noqdaan Madexweyne Siilaanyo talada Gobolka Gabiley, iyo rag kale oo badan oo iyaguna isku daba yaacayey sidii ay xil u heli lahaayeen, iyadoo aaney dadweynaha Reer Gabiley wakhtigaasi ka hadli kareyn rabitaankooda iyo hurmar ay la beegsadaan Gobolkooda ay mudada badan baadi goobayeen, inkastoo ay shacbiga Reer Gabiley ka calool weydsanaayeen is casilaada Gudoomiyihii u horeeyay ee Gobolka Gabiley, hadana waxa ku kalifey go,aanka adag ee aanu ka noqon kareynin isbadelka Siyaasiga ah ee Shacbigiisu aqlabiyada ku raaceen taas oo uu kaga dhabeeyay in aanu kusii negaanin Xilkaasi. Mudo kadib markii ugu horeysay ee Madexweyne Siilaanyo magacaabay, xilalkii u horeeyay ee Golaha Xukuumadiisa mudo kadib waxa uu magacaabay Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Agaasimayaasha Guud, iyo xilal kale iyadoo wakhtigaa laguda jirey Bishii Soon waxaanu Gobolka Gabiley u magacaabay Rashiid Cumar Sheekh Muxumed, waxaanu ku badelay Rashiid Cumar Sheekh kadib markii uu isku dayay in uu nabed ka dhaliyo Beelaha oodwadaagta ah ee labada Gobol Gabiley iyo Awdal, iyagoo abaarey halkii ugu adkeyd ee ubucda arintaasi taaley Dhulbeereedka Ceel-Bardaale oo ay labada dhinacba ka dhex alifeen Nabedgelyo buuxda haseyeeshee, Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gabiley kasoo jeeda ay ka hor yimaadeen arintaasi khusuusan Wasiirka Maaliyada xiligan, Cabdicasiis Samaale, iyo rag kale oo uu kamid yahey Wasiirka Warshaduhu Abiib Diiriye Nuur oo aan raali ka aheyn Nabedgelyadii uu qaatey Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage iyo Duqeyda Degmada Dilla, Sikasta oo ay arintaasi tahey hadana waxa taa lagaga jawaabey xiligaasi iyadoo Gobolka Gabiley Madexweyne Siilaanyo Digreeto ugu magacaabay, Gudoomiyihii labaad Cali Aw Aadan Meecaad, oo isagana xilka laga qaadey kadib markii uu dhacey dilkii Seemaal, waxaanu hadana mar sadexaad Digreeto Madexweyne Kusoo magacaabay Madexweyne Siilaanyo in uu Gudoomiyaha Gobolka ahaado Xuseen Cumar Magan(Subagle), oo isagana mudo kadib laga qaadey xilka Gudoomiyanimo, waxaanu Madexweyne Siilaanyo mar afraad digreeto Madexweyne ugu magacaabey Gobolka Gabiley, Axmed Cali Nuur markaas oo isagana digreeto lagu badelay kadib markii Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Cabdoo Aayir loo magacaabay Gobolka Awdal, oo isku badelka Gudoomiyayaasha Gobolada isaga lagu hagaajiyay, Waxaanu Madexweyne Siilaanyo markii shanaad ugu soo magacaabey Yuusuf Ibraahim Geedi, oo ahaa, nin waayo arag ah oo hore uga soo shaqeeyay Deegaanka Gobolka inkastoo uu markii hore gudan waayey waajibkiisa shaqo islamarkaana, uu mudo badan dugsanayay faragalinta Wasiirka Maaliyada ee Gobolka Gabiley, oo wakhtigan sabab u aheud in xilka laga qaado maadaama, ay Samaale dacwad adag isla galeen, isagoo ku wanjaley arimo uu bari ka ahaa Mr Yamaarug taas oo loola kaashadey Cali Warancade(Wasiirka-Daakhiliga) oo ka hiiliyay. Sikastaba ha ahaatee marka hoos loogu dhaadhaco Nidaamka iyo Mushkilada dhinaca Maamulka ee kajira Gobolka Gabiley ayaa, ahaa kuwo ka qafal xumaadey intii koobneyd ee ka jirtey xiligii Xukuumadii Rayaale, oo ay Reer Gabiley tabashooyin badan ka tirsan jireen haseyeeshee, ay mar kaliya candhuufta dib uga liqeen in ay kasii dartey halkii ay taagnaayeen markii hore taas oo mudo badan Madexweyne Siilaanyo ugu hagaagi waayey Gobolkaasi,inkastoo ay markii dambe ka shaqeeyeen Dhalinyaro katirsan Golaha Deegaanka iyo kuwii ka qalin jabiyay Jaamacada Timacade iyo Waliba Wasiirka Waxbarashada oo iska kaashadey in uu Madexweynuhu soo gaadho nabed qab iyo rabshad la,aan Gabiley qalinjabintii Jaamacada Timacade awgeed inkastoo aanu ilaa hada fahmin xaqaa,iqa ka jira isaga raga la shaqeeya Xukuumadiisu marka laga Reebo Wasiir Xirsi oo Gabiley wax badan ka dharegsan halka ay sarteedu ka qudhun san tahey balse aan dan ka laheyn in wax hagaagaan mooyaane, gabagabadii waxa lala yaaban yahey iska daa Gabiley, oo Degmooyinkii hoos imanayay sida Degmada Alleybadey ayaa noqotey meel sida Shamiiska looga badelo Gudoomiyayaasha iyo Maamulka, halka Maamulka Degmada Tog-Wajaale oo aan nidaamka Dowladnimada iyo Maamulka waxba ka aqonin oo dhib badan oo halkaa ka dhacdey sababteeda lahaana, uu qeyb ka yahey cida Siilaanyo la muumuleysay Gabiley in uu dabada ku hayo oo aan marna loo fiirsan marna lala Xisaabtamin, iyadoo si dhab ah loo ogaan karo in aanu caqli fiican laheyn ninka Siilaanyo la maamula Gabiley  Gudoomiyayaashii Gobolka o maanta kii lixaad loo Magacaabey, waxaaney dad badani isweydiinayaan Siilaanyo ma u cadaalad faley Gabiley  Cida la maamusha Gabiley ma Samaale cidaan aheynbaa?…… Dhirbaaxo Quudheed ninkii dugsadey dhaqayadeed Maal. Lasoco Qeybta Dambe oo Xiisa Leh Balanqaadkii Xiligii Mucaaridka Waxyaabihii uu Gabiley Siilaanyo Ugu Balanqaadey iyo Marka Xaqiiq ahaan Laga Tago Beenta Guulwadyaasha Waxey Ka Dhaxashey Dhameystirkii Heerka Gobolnimo laga Filayay Oo Hoos Uga Dhacey Halkii Hore…   Hadhwanaagnews Staf Writers