Guriga Blog Page 1613

Laba Nin Oo Isku Inaadeer Ahi, Shaanbad Ay Iskugu Mudo Kordhiyaan, Oo Waliba Raq Ahi, Dalkani Maqaadi Karo, Cidna Kuma Xukumi Karaan Siilaanyo Iyo Saleebaan.Mujaahid Xasan Guure.

0

Hargaysa(Hubaal)Guddoomiyaha  Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac Ayaa Ka Hadlay Mudo Kordhinta Ay Wadaan Golaha Guurtida Somaliland.

xasan guure

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay in somaliland aanay qaadi Karin muddo kordhin loo sameeyo maamulka somaliland.

Waxa Uu Ka Dayriyay Caafimaadka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Iyo Madaxwayne Siilaanyaba Inaanu Ahayn Mid Ay Dal Iyo Umada Ku Hagi Karaan,Waxaana Uu Ka Digay Inaanu Si Qabyaaladaysan Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Ugu Xagliyo Madaxwayne Siilaanyo.

Sidoo Kale Waxa Uu Carabaabay Khudbadii Uu Madaxwaynaha Somaliland Shalay U Jeediyay Shacabka Reer Somaliland uu ku tilmaamay mid aan dhabada ka duwayn,hadafka iyo himilada shacabka reer somaliland ay hiigsanayaa.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta waraysi siinayay shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“Umalayn Maayo inuu madaxwayne siilaanyo Yahay musharax,musharaxana waxa lagu qiimeeyaa intii uu xilka soo hayay,haduu madaxwayne cusub yahay waa caadi,shalayna waynu ogaynoo wuu inoo gabaday,Xilka imika Hayo Madaxwayne Siilaanyo waxa uu galay Sanadkii 4 waxa uu qabtayna waa faro ku tiris,somalida ayaa waxa ay tidhaa gabadh jin hayaa in lawada qabo ayay moodaaye, Madaxwayne hortu madaxtooyadaada soo nadiif,waxaan leeyahay madaxwayne sida ay nolashaadu hada isku badashay ayaa dadka kale malaa moodaysaa waxa kuu hadhay uun maxay keega u cuni wayeen,anigu markaas waxaan odhan lahaa madaxwayne maad samayn waxa lagugu doort ee waxaad samayse wax lagugu xukumo.

Markii uu madaxwayne siilaanyo talada dalka qabtay waxa uu yidhi waxaan la dagaalamayaa musuq-maasuqa qoladii hore ayaa uu baadhay sida qoraalka aanu ku helnayna waxa uu sheegay in ay Todobaatan milyan oo dollar ay ku heleen, waxa uu yidhi iska daaya markaas halkaas waxa ka muuqata adna intaad doonto iska cun waxaad doontu baabii hantida shacabkana ku tarki fal.

Guddoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Ku Daray”hadii uu maanta madaxwayne siilaanyo ku hadlayo caqli iyo garaad wanaagsan iskumuu soo tageen, waxaan Xasuustaa Maanso Hadraawi tiriyay oo odhanaysa,Ganbo Ninaan Lasoo Bixin Hadii Guulo Lagu Waalo,Wixii Uu Dhaawac Gaystana Hadii Loo Gargartiyo, Isaga Oo Canaan Lagu Gudbinaayo Gaarna Filanaayo,Gilba Iyo Hadii Gacmo Furan Loogu Gogol Xaadho,Kaligii Inuu Guurti Yahay taas hadaanay ahayn halaga daayo madaxwaynaha somaliland been abuurka iyo waji ku macaashka,waxaana leeyahay madaxwayne meel aad isku soo sharaxdo kuuma taalo.

Dhinac kale waxa uu sheegay Mujaahid Xasan Guure Jaamac muda kordhinta la hadal hayo ee loo kordhinayo madaxwayne siilaanyo in tahay mid baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka uyaal waxaana uu yidhi”Waxaan maqlayaa inuu madaxwaynaha somaliland loo kordhinayo 2sannadood,golaha wakiilada waxa ka dhacay wakhtigii,golaha guurtida Iyana sidoo kale haduu isna maanta  ka dhacdo Madaxwayne Siilaanyo,cid u jadiidinaysa waa kuma,waxa uu kolay isku halaynayaa guddoomiyaha golaha guurtida ana waxaan leeyaha saleebaan dhaqanka wuu yaqaan,shaanbada ay lab nin oo inadeer ah oo labaduba raq-yihiin shaanbad ay iskugu  dhufteen anagu aqbali mayno cid lagu dhaqayana anigu garan maayo,waxaan leeyahay dalku maanta waxa uu ubaahan yahay dhalinyaro fir-fircoon laba nin oo raq ahina naxukumi maayaan anaga,meeshuna waadh maaha odayaasha raqda ah lagu xanaaneeyo.

waxa uu sidoo kale ka warmay caafimaadka madaxwaynaha somaliland iyo guddoomiyaha golaha guurtida xaaladooda waxaana uu yidhi”Saleebaan bil wadanka majoogi karo oo waynu ognahay oo caafimaadkiisa Ayaan bil joojinayn,kolay anigu saleebaan waan arkoo maskaxdiisu way fiicantahay,lakiin jidhkiisu ma qaadi karayo waxa hubaal ah dhaqan baynu leenahay laba nin oo isku inadeer ahina dalka maxukumi karaan,sidaad la socotaan hay’adaheenii aynu dooranay sidaad la socotaan marka ay dhacaan waxa aynu ka koobanahay qabaa’il mana jiraan xisbiyo,shuruucdii uu dhigtay xisbiga kulmiye dhamaan waxba kama jiraan sidii kii dalka loogu tuntay ayaa isna lagu baabiiyay.

Dhinac kale waxa uu ka hadlay xuska maalinta qaran ee 18ka may waxa ay uga dhigan tahay mujaahidiintii SNM waxaana uu yidhi” “Waxaana hortu leeyahay umada reer somaliland meelkasta oo ay joogaan hambalyo 23guuradii kasoo wareegtay Aas-Aaskii jamuuriyada somaliland,anaga xus gaar ah ayay nooleedahay maalintani hadaanu nahay SNM,waxaana weeyaan tacab kayagii,waxaanu usoo halganay waxa ay ahayd inkasta oo hadana waxbadani dhiman yihiin,bishii 1991ki burco laga dhawaaqay ayuunbay maanta taagan tahay,kolay somaliland way dhisan tay taasna waa gaadhsiiyay shacabka lakiin dawladu himilooyinkii SNM iyo waxa ay usocdeen runtii may wada dhamayn,waxa ay u dagaalameen Jabhadii SNM waxa ay ahayd inaanay dalka marlabaad ka dhicin wixii ay somaliya dalka ku samayse lakiin nasiidaro tiiba wax ka daran tan maanta xukunka dalka haysa.

Gaba-Gabadii waxa uu ka hadlay Khudbadii madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo ujeediyay shacabka reer somaliland ee xuska 18ka may taas oo ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay madaxwaynaha inaanu waxba ka badalayn waxaan uu dhaliilay siyaasada arrimaha gudaha somaliland oo ku tilmaamay mid gabi dhaclaynaysa,waxaana uu xukuumada usoo jeediyay in garan istaagto siyaasada arrimaha dibada si looga midha dhaliyo go’aanka shacabka reer somaliland.

HUBAAL TV: Bandhig Masraxeed Hadda Ka Socda Aqalka Madaxtooyada. LIVE U DAAWO Xafladan Oo ay Baahinteeda Suurto-gelisay Shirkadda TELESOM  

0

Waxa hadda si toos ah Qasriga Madaxtooyada Uga Socda  Xaflad qayb ka ah Xuska 18 MAY oo Caawa laysku arkay halkaas oo ay Hobollada Qaranku ku soo bandhigayaan riwaayad ka turjumaysa xaaladda hadda lagu jiro iyo waayihii la soo maray.

Baahintan oo ay suurto-gelisay shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM waxa soo gudbinaya Telefishanka SOMSAT.

DAAWASHO WACAN

 

TELSOM
Live streaming video by Ustream

Munaasibada 18-ka May: Caawa Iyo Caweys Aan Loo Kala Caraabayn + Madaalayaasha Xiddigaha Geeska Iyo Hotel Gulied

0

Hargeysa (Hubaal) –Madaalayaasha fanaaniinta Xiddigaha geeska ayaa habeenkan caawa ah idiinku diyaar ah hotel Gulied iyo munaasibada xuska sannad guurada 23-aad ee 18 May.

 

xiddigaha geeska

Heesahoodii la holing waayay ayey idiinla diyaar yihiin inay idin huluuqsiiyaan

Hadaba caweysin wanaagsan xuska 18-ka May idinkoo qurux badan oo shacni iyo wanaagba leh ku soo hoobta hotel gulied

Hubaal Ka Daawo: Mid Kamid Ah Muuqaaladii Maanta Ee Indhaha Inbadan Soo Jiitay

0

Hargeysa (Hubaal) –Waa Wiil Somalilandernimadu ay kuweyn tahay marka aad eegto sida uu uga qayb qaatay muuqaaladii faraha badnaa ee dadku muujinayeen maanta

 

DSCN3097

 

DSCN3098

Shirqoolka ‘Milinium’-ka: Ma khiyaamo Qaran baa? Ma khilaaf dhexdeennaa? Mise Waa Khal-khalin? Qormada: 4aad(Halaq-mareenku waa Madaxtooyada iyo Madaarka Hargeysa)

0

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

19/5/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 4aad

 

boobe yuusuf

Halaq-mareenku waa Madaxtooyada iyo Madaarka Hargeysa

 

7/5/2014ka, barqannimadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxu khudabad-sannadeedkiisii ka jeedinayay Baarlamaanka Somaliland. Run ahaantii khudabad ma ay ahayn e’ waxay ahayd ciyi waa ka beryay oo xilligeedii waa la soo dhaafay. Arrinta 2aadna waxay tahay in uu la eegtay Shirweynihii 3aad ee Kulmiye oo aan qudhiisu sida loo badinayo ku qabsoomin duruuf sharciya, laakiin ku qabsanaysaaba ma jirto. Xisbiyo Mucaarid sheeganaya ayaan ku qabsanayn, Guddida diiwaan-gelinta ayaan ku qabsanayn, Golayaasha qaranka ayaan ku qabsanayn, xataa xisbiyiintii Kulmiye ee xuquuqdooda la duudsiayay ayaan ku qabsanayn.. Khudabaddii uu Shirweynihii 3aad ee Kulmiye ka akhriyay ayaa la sheegayay in uu Baarlamaankana ka hor akhriyay.

 

Haddii aan godollo idiin ka soo qaado, bogga 1aad waxa ku jirtay:

 

“Somaliland waa qaran saddex iyo labaatan jirsaday oo qaangaadh ah, waa qaran ay dadkiisa iyo dawladdiisuba mar kasta iyo goorkastaba u soo jeedaan. Labaatankaa sannadood ee ay Somaliland jirtayna shacbi iyo dawladba, Somaliland, waxay halgan ugu jirtay, dadaal ay ku xaqiijinayso qaranannimadeeda, adkaynta nabadgalyada, kor u qaadidda adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.”

(Sidii ay u qornayd ayaan u soo raray e’, bal u fiirsada inta weedhaa kahalad aanu Madaxweyne geyin ku jirta ee laga hagaajin waayay.)

Bal hadda u fiirsada laynka 1aad oo ay ku jirto Qaran saddex iyo labaatan jirsaday iyo laynka saddexaad oo ay ku jirto labaatankaa sannadood.

 

Afartameeyo Wasiir iyo ku-xigeenno, intaa in le’eg oo Agaasimayaal ah, intaa in ka sii badan oo La-taliyaal ah ayaa odeyga afartaa layn ka sixi kari waayay, markaas ayay doonayaan in aynu ka rumaysanno waddooyin ilaa 2,000 km gaadha ama dhan ayaanu dhisaynaa. Waxaanu leenahay: “Taas dameero loo sheeg.” Horto bal labadan sadar saxa si wax kale la idiin ka fisho.

 

 

Maalintaa uu Madaxweynuhu Golaha Baarlamaanka u holladay in uu khudbadda ka jeediyo, Bogga 5aad mar uu ka hadlayay siyaasadda Arrimaha Dibadda, wuxu yidhi:

“Waxaanu u guntanay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada, dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa, waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waa mid cad oo haysata jidkii loogu talo galay. Waxa dunidu si aan mugdi ku jirin u qirtay, marar badan iyo goobo badan kaalinta aan la dafiri karin ee JSL kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo beesha caalamkaba.

Wada-hadaladii inoo dhexeeyey inaka iyo Somalia way socdaan, waxaanay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin qaybiyey, waxaanan soo jeedinayaa in goluhu ka doodo wixii dan-qaran loo arko la ansixiyo, si joogto ahna warbixinteeda waan idiinla wadaagi jiray oo waxaaba markasta Guddiga Wada-hadalada idiinku jiray xildhibaano iyo shirgudoonka golayaasha.”

Haddii uu hadalkaasi ka dhab yahay Xukuumadda, waa maxay madow-madowga ka muuqda hawl-gallada Xukuumaddu? Bal hadda sheekadan labaad dhegaysta:

Isla maalintan uu Madaxweynuhu ka dhex dhaadanayo Baarlamaanka, gelinkii dambe waxa ka soo degay madaarka Hargeysa 50 odayaal ah oo aanay cidina soo diran ee Hargeysa iyo Xamar laga soo abaabulay oo ku soo duulay xornimada Somaliland. Nooc walba waa ay lahaayeen odayaashani. Waxa la isla dhex marayay in ay saraakiil, ganacsato, culimo, madax-dhaqameed, cuqaal iyo noocyo kaleba ka mid ahaayeen. Waxa la isla dhex marayay in ay arrimahani dhaceen:

  1. In ay madaarka ka soo degaan iyaga oo aan baasaboorro sidan, sida uu war-baahinta u sheegay Maxamed Xasan Xaad,
  2. In aanay fiisayaal ku soo gelin sida ay qirteen, bal se ay dalkoodii yimaaddeen,
  3. VIP-da ayaa laba wasiir ku qaabbileen,
  4. Waxay Xukuumaddu kala dejisay Hudheello,
  5. Sida laga wada dheregsan yahay Xukuumadda ayay marti u ahaayeen,

 

Subaxnimadii 8/5/2014ka, waxa Madaxtooyada looga yeedhay salaadiinta Somaliland oo ay qaar wasiirrada ka mid ahi ku yidhaahdeen: “Nimankani idinka ayay marti idiin yihiin.”

 

Wasiirka Warfaafinta oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay Odayaashani u socdeen in ay ka qayb-galaan dabbal-degyada 18ka Meey, mana ay joogin ee intoodii badnayd waa ay iska noqdeen markii ay ku soo hungoobeen safar gaabnaa oo ay ku tageen Boorame. Reer Boorame oo ah saldhiggii lagu yagleelay Somaliland ayaa dhebiga u soo qoray.

 

Waxa ayaan-darro ah in ay Xukuumaddan iyo Madaxweynaheedu marna dadka maqashiiyaan in madax-bannaanida Somaliland tahay lama-taabtaan, geestana kalena ay ku soo dayaan dal iyo dadba cudur-sidayaashan isku sheegaya odayaasha.

 

Odayaashan, gaar ahaan intii noqotay, waxay ku hubeysnaayeen xanuunkii ugu kahatarta badnaa oo ahaa in dalkan iyo dadkan dib loogu soo dabbaalo midnimadii hore loo eeday ee loo dagaalay. Wuxu ahaa hawl-gal hoosaasin ah oo lagu minjo-xaabinayo qarannimada Somaliland.

 

Xukuumaddu iyada oo mas’uul ka ahayd imaatinkii odayaashaas ayay haddana dafiraysaa oo leedahay waxay ahaayeen odey dhaqammeeddo u socday madax-dhaqameedka Somaliland.

 

Ummadda, waxa lagu marin-habaabinayaa wax ayay inaga baranayaan iyo waxay u yimaaddeen in ay ina hambalyeeyaan. Waa waxyaabaha ay dadka ku marin-habaabiyaan dadka ku hadlaya magaca xukuumaddu.

 

Waxaan kaga baxayaa: “Moogaate ee mar dambe ayaydin ka sheekayn.”

 

Dhammaad

“Shacabka Aan Masuulka Ka Ahay Idiin Masoo Socdaan, Oo Waa Ay Tashadeen Ee Somaaliyaay Isku Tashada” Fariinta Uu Madaxweyne Siilaanyo U Diray Koonfurta Somalia

0

Hargasya(Hubaal)Xuska 18ka May Oo Ku Beegnayd Maanta Oo Axda Ah Ayaa Guudaha Caalamka Iyo Gobolada Somaliland Si Wayn Looga Xusaya.

 

DSCN3067

Magaalada Hargaysa Ee Caasimada Wadanka Somaliland Ayaa Isku Soo Baxa Balaadhan Lagu Qaabilay Maalinta 18ka May,Taas Oo Lasoo Buux Dhaafiyay Barxad Hore Ee Madaxtooyada Somaliland Oo Khudbada Tariikhi Ah Uu Ka Jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Ciidamada Kala Duwan Ee Somaliland Ayaa Iyana Gaado Ka Ciyaar Ku Maray Wada Halbolaha U Caasimada Iyaga Oo Soona Bandhigay Dhoola Tus Millatari,Shacabka Magaalada Hargaysa Ayaa Iyana Goobtaas Soo Buux Dhaafiyay Iyaga Oo Ku Dhawaaqay Erayo Ay Ku Waynaynayaa  Maalinta 18ka May.

 

DSCN3128

Hadaba Khudbadii Uu Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ka Jeediyay Ayaa Waxa Uu Ka Maray Maalinta Waxa Ay Ugu Fadhido Shacabka Reer Somaliland,Waxaana Uu Bayaamiyay In Ay Dawlada Somaliland Ku Fadhido Dhigii Geesiyaasha.

Waxa Uu Fariin Dhanbiil Ah Ku Ganay Dawlada Somaliya Oo Usoo Jeediyay Inaanay Ku Habsaamin Go’ni Isugaa Somaliland Isla Markaas Tashadaan Sida Ay U Tashadeen Shacabka Reer Somaliland.

Madaxwaynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ugu horeyna ka hadlay qiimaha ay maalintani u leedahay shacabka reer somaliland ayaa waxa uu yidhi” “Waxaan Sigaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha qaranka qaybahooda kala duwan ee hadh iyo habeen heeganka ugu jira Difaac Qaranimada somaliland,mudo dhawr iyo labaatan sanadood ah ayaa kasoo wareegtay markii qarankani lasoo noqday madax banaanidiisa taas oo lasoo galay halgan naf iyo maalba leh,halgankaasi maaha mid dhamaaday waana mid socon doona ilaa inta laga xaqiijinayo hadafka iyo himilada dhabta ah inta laga xaqiijinayo oo ah aqoonsi aynu ka helno caalamka kana mid noqono beesha caalamka,Xoriyada aynu neecawdeeda ku laydh-sanayno maaha mid ku Timid hanyari iyo hadyad toona,balse waxa u dhintay kumanaan waxaana u barakacay Boqolaal Qof,waxa la isku hawlay sidii looyagleeli lahaa qaran xor ah oo qol-qolkiisa laga qodax tiray Awood Dawladnimo oo la isku adeegsado,Digtaateerinimo,waxaanan ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo dadkii u geeriyooda Dibu Xoraynta dalka,inta ku dhaawacantayna iyo intii ku agoomow dayba waxaan u rajaynayaa nolol wacan.

Dhinac kale Madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa uu baaqa cod dheer ah kula hadlay somaliy waxaana uu yidhi”Hadii dadka qaar caad iyo ciiro ka saran tahay,waxaan u cadaynaynaa in goni isutaaga somaliland Baarka ka gooyay 23 Sannadood oo gow ah,isla markaasna aan lahayn wax cay iyo caadifada ah,Markaasn kani waxa uu yahay go’aan gaamuray oo ka turjumay go’aanka dhabta ah ee shacabkiisa,sidaas darteed qadiyada somaliland maaha mid gorgortan lala gali karo,mudo kasta oo ay qaadanayso meel marinteeda dadkani waxa ay diyaar u yihiih in ay u dhabar adaygaan dhiig horlena u daadiyaan,dhamaan waxa guulaystay shacabka somaliland oo dhan guushuna waa galada usoo wada hoyatay,inkasta oo ay nasoomareen duruufooyin adag hadana umada ahaan waynu guulaysanay.

Sidoo kale madaxwaynaha somaliland ayaa waxa uu ka waramay Siday ay somaliland madax dhaqmeedku usoo dhiseen iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxaana uu yidhi” “Waxa aynu Dhidibada utaagnay dhaqan iyo dawladnimo ku dhisan dhaxalkii awow-yaasheen,nabad-galiyo ,Dhawirsta xuquuqda iyo nidaam soo jireen ah,doorashooyin xor oo xalaal ah duniduna inagu majiirato,waxaanan soo dhawaynayaa dhaliilaha xukuumadayda waxaanan balan qaadayaa inaan gufeeyo,waxaan Diyaar u ahay inaan dhug u yeesho Tix galiyana talooyinka taabagalka ah ee golayaasha asxaabta qaranka,waxaan shacabkayga sharafta leh usoo jeedinayaa in ay ilaashadaan nabad galiyadooda,waxaan beesha caalamka ugu baaqayaa intaanu wada shaqaynta leenahay in ay tageeraan go’aanka iyo gooni isutaaga shacabka reer somaliland,xukuumadaydu waxa ay sii xoojin doontaa wada shaqaynta ay la yeelan doonto beesha caalamka.

Sidoo kale madaxwaynaha somaliland waxa fariin adag udiray dawlada somaliya waxaana uu tusay in go’aanka shacabka reer somaliland yahay dawlada cagaheeda isku taagta,isla markaas somaliya aan kusoo noqon doonin haday boqol sanadood gaadho waxaana uu yidhi” “Walaalahay somaliya waxaan leeyahay Reer Dan ayuu guuraa waanu isku tashanay dadka iyo dalka aan madaxda u ahayn idiin-ma soo socdaan ee ilaawa idinkuna isku tashada Ayaan idin leeyahay,walaalayaa awrkii nabaada iyo dhibaad lahaa ee aanu 60kii idiin keenay isaga oo cadaysimo ah ayaanu lasoo noqonay ee aanu kala eedla’aano si gobeedna aanu waxa ukala gurano,waxaanu doonaynaa waa ay caday waxaanu ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawadii iyo coladihii inasoo dhexe maray xukuumada aan gadhwadeenka ka ahay waxa ay diyaar markasta utahay inaan wada hadaladka u dhaxeeya somaliya somalilnad ay sii wado,si looga gaadho arin caam ah,waxaanan rabaa in aynu kuwada noolaano daris wanaag walaaltinimo iyo labada dawladood oo jaara ah.

Dhinac kale shacabka ku dhaqan caasimada somaliland ee hargaysa ayaa dareen shucuuri ku dheehan tahay ku soo bandhigay Waynanta Maalinta Qaran ee 18ka may,waxa ay wajiyadood kusoo xardheen astaanka Calanka somaliland ka kooban yahay waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku dalbanayaa qaranimada somaliland in ay tahay lama taabtaan iyo go’aan shacab,ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland ay ku faanto ayaa gaado ka ciyaar ku maray wada halbolaha u ah caasimada somaliland ee hargaysa waxaana ay salaam sharaf siiyeen madaxwaynaha somaliland mudane Axamed Maxamed Maxamuud siilaanyo,ciidanka qaranka ayaa goobta kusoo bandhigay dhoolatus millatari waxaana goobta soo mariyeen qoryaha kala duwan ee ciidanka somaliland.

Daawo: Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo ka Been Sheegay Cidii SNM Hogaaminaysay Markii la Soo Galay Dalka

0

Burco (Hubaal) Badhisaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa Mar Uu Maanta ka Hadlayay Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May ayaa sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo yahay Ninkii hogaaminayay SNM Markii Dalka la Soo galay waxaanu yidhi

badhasaabka tgdheer

” Bisha May waa bil inagu wayn 27kii burco ayaa la soo galay 31 kii hargaysaa la soo galay,waxaa hogaaminayay maalinta ururkii SNM Oo Oday ka ahaa Dagaalkaana saxeexay Madaxwayneheena Maanta jooga Axmed maxamuud Siilaanyo,Maantana Waa Maalintii aynu Magaaladan Burco Kaga Dhawaaqnay inaynu lasoo noqono Gobanimadeenii.

dhanka kale inkasta Oo ay Maanta  Dadwaynaha Reer Burco Aad isu Soo Abaabuleen Sidii ay Dareenkooda iyo Hantidooda Ugu Cabiri lahayeen Qiimaha ay Leedahay Maalinta Gooni isu taaga Somalilad Ee 18 May isla markaana ay Dadwaynaha reer Burco ku soo Labisteen Calanka Sadexda Midab leh Ee Uu Tawxiidku Xaga-Sare kaga Xardhan yahay,

Sidoo kalena ay Cidamada Nabad-Gelyadu Heegan ku ahaayeen Goobta Debaal-Degani Oo ay Si Wayn u ilaliyeen Ciidanka Amaanku.

Waxaana Maanta Goobtii Lagu Xusayay Munasibada 18 May ka Maqnaa  Habaynta iyo Maritaanka Waxaana Goobta Kaliya Gaado ka ciyaar ku Marayay  Ciidanka Qalabka Sida Halka ay ahayd in Ardayda,Wasaaradaa,kooxaha Hidaha iyo Dhaqanku ay Soo Maraan isla Markaasna ay Soo Bandhigaan Muhiimadda ay Maalintani u Leedahay Bulshadda Reer Somaliland.

Ardayda.Masuliyinta Wasaradaha Ee Gobalka Togdheer ayaa iyagu Aan Saaka Samaynin Socod Waxaana Kaliya Oo ay isa soo Tumeen Garoonka Diyaradaha Burco Oo isagu ahaa Goobta Lagu Qabanayay Munaasibadaasi.

Waxaana ay Shegeen Dadkii iyagu Saaka Goob-Joog ka ahaa Munaasibadaasi inay Dhaliisheda ay Leeyihiin Maamulka Gobalka Togdheer Oo Iyagu Maalmihii u Danbeyayba Dhaqaale Xoogan ka urursanayay Shirkaddaha Ganacsiga Gobalka Togdheer.

Ugu Danbayntii ilaa iyo Hadda Lama Garanayo Ujeedada ka Danbaysay inuu Badhisabka Togdheer ka Been Abuurro Cidii Hogaminaysay Markii ay SNM Soo Gashay Dalka.

Daawo + Sawiro: Ciidamada Somaliland Qaybihiisa Kala Duwan Oo Gaardis Ku Maraya Jidka Laamida Halbowlaha Ah Ee Caasimada Hargeysa

0

Hargeysa (Hubaal) – Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ayaa maanta waxa ay gaardis layaab ah ku mareen laamida halbowlaha ah ee magaalada Hargeysa.

DSCN3122

Ciidamadan oo isugu jiray kuwa milateriga ah, kuwa booliska qaybihiisa kala duwan oo rag iyo dumarba leh ayaa gaardis ku maray wada laamida, iyadoo kumanaan shacabka reer Hargeysa ay hareero taagnaayeen laamida.

DSCN3125

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay dabaaldegan munaasibada 23 guurada 18-ka May ciidamada qalab sida ee JSL iyo gaadiidka ay saaran yihiin hubka kala duwan ee qarankan Somaliland ay leedahay

 

Akhri + Sawiro: Khudbadda Uu Madaxweyne Siilaanyo Maanta Ka Jeediyay Munaasibada 23 Guurada 18-ka May

0

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta khud dheer ka hor jeediyay kumanaan qof oo isugu soo baxay xuska munaasibada 23 guurada 18-ka May hadaladiisana waxa uu ku bilaabay sidan:

DSC_0094

Alxamdulilaah, Wa Salaatu Wasalaamu Calaa Ashrafil Anbiyaai’ Wal Mursaliin.

Walaalayaal, Ugu horayn waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan uga soo jeedinayaa dhammaan shacabi weynaha Somaliland meel ay joogaanba gudo iyo dibadaba xuska 23-aad ee munaasabadda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May. Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada Qaranka qaybahooda kala duwan ee hadh iyo habeen heeganka u ah difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

DSC_0016

Muddo dhawr iyo labaatan sannadood ah, ayaa maanta ka soo wareegtay markii uu qarankani la soo noqday madaxbannaanidiisi, taas oo loo soo galay halgan dheer oo naf iyo maalba leh. Halgankaasi maaha mid weli dhamaaday, balse waa mid soconaya ilaa iyo inta aynu ka xaqiijineyno hadafka iyo himilada dhabta ah ee aynu ku higsaneyno in aynu helno aqoonsi buuxa oo aynu kaga mid noqonno qaramada madaxa banaan ee qorraxdu dunida ugu soo baxdo.

Xoriyadan aynu neecawdeeda ku nafaxaadnay maaha mid ku timi hawl yari iyo hadiyad toona. Hase ahaatee, kumanaan qof ayaa naftoodii ku waayay, burbur, barakac iyo hanti badan ayaa ku baaba’aday sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran xor ah oo qolqolkiisa laga qodax tiray dulmi, digtaytarnimo iyo awooda dawladnimo oo la isu adeegsado.

Waxaan Alleheenna weyn uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo dhammaan dadkii ku geeriyooday halgankii dalka dib loogu xoreeyay, intii ku dhaawacantay iyo agoomihiiba waxaan u rajaynayaa caafimaad iyo nolol wacan.

Haddii ay dadka qaar, caad iyo ciiro ka saaran tahay, waxaan u caddaynayaa in gooni isu taaga Somaliland ee maanta baarka ka jaray 23 gu’ oo gaw ah, aanu ahayn wax salka ku haya cadho iyo caadifad. Hase ahaatee, tani waxay ka markhaati kacaysaa in uu go’aankani yahay mid gaamuray oo ka tarjumaya rabitaanka runta ah ee shacbigiisa. Sidaa darteed, qadiyadda madax-banaanida dalkani maaha mid marnaba gorgortan cid lagala gelayo. Muddo kasta oo ay qaadanayso meel marinteeduna, waxay dadkeedu ula diyaar yihiin in  ay u dhabar adaygaan dhiig hor lehna u daadiyaan .DSC_0125

Dhamaan shacbiga Somaliland ayaa guulaystay, gobanimaduna waa galad u soo wada hoyatey. Inkasta oo ay ina soo waajaheen duruufo iyo danqaabooyin aan yarayni, haddana ummad ahaan waynu guuleysaney oo dharaar cad ayaynu ka dhabaynay wixii aynu aaminsanayn. Waxaynu dhidibada u taagnay qaran iyo dawladnimo ku dhisan dhaqan aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen, nabadgelyo, dhawrista xuquuqda aadamaha, iyo nidaam siyaasadeed oo doorashooyin xor ah iyo diimuqraadiyadi dadab u tahay, taas oo dunida in badani inagu majeerato, inagagana dayan karto.

MIDNIMADA QARANKA

Walaalayaal,

DSC_0145

Somaliland waxay ku soo cawo iyo caano maashay halka ay maraysana ku soo gaadhay iskaashi, nabad, tawfiiq, talo wadaag iyo isu tanaasul. Caado wanaagsan oo la gooyaa cadho alle ayey leedahay; sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa dhamaan goleyaasha qaranka, axsaabta qaranka, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, midnimo, isku-duubni iyo wadajir. Marxaladan adag ee aynu ku jirno waxaa la inooga baahan yahay in aynu kaga gudubno isu dulqaadasho, wadaniyad iyo bisayl siyaasadeed, iyadoo ay waajib tahay in aynu meel uga soo wada jeedno difaaca dalkeena iyo xaqiijinta qaranimadeena. Anigoo munaasabadda ugu faaiidaysanaya, waxaan si gaar ah ugu bogaadinaya Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Axsaabta Mucaaradka, Ururada Aan Dawliga ahayn iyo haween weynaha doorka ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Dawladdan oo ah tii horumarka iyo waxqabadka, waxay gacanta ku haysaa mashaariic kala duwan oo laf dhabar u ah kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada Qarankan. Haddaba, far keliya fool ma dhaqado, waxan ku boorinayaaa Dhamaan shacbi weynahayga in ay iskaaya garab taagaan, si hagar la’aan ahna noogala qayb qaataan. “Waxaanan leeyahay daawanaayow waa dalkaagii”. Sidoo kale, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah ee maamulkayga loo soo jeediyo, waxaana iga go’an in aan gufeeyo godoloolo kasta oo ay qarankan gabadano ka soo geli karto.

DSC_0099

Waxaan diyaar u ahay inaan dhug u yeesho tixgeliyona talooyinka taabogalka ah ee goleyaasha iyo axsaabta qaranka. Waxaan shacbigayga qiimaha leh kula dardaarmayaa in ay si weyn u ilaashadaan nabadgelyada eebeheen inagu manaystay.

BEESHA CAALAMKA IYO DALALKA DERISKA

Waxaan ugu baaqayaa wadamada beesha caalamka inta xidhiidhka wada shaqayntu innaga dhaxeeyo iyo inta kaleba in ay tixgeliyaan, isla markaana taageeraan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacbiga Somaliland, xaq u leeyahay.

Xukumadaydu waxay sii xoojinaysaa wada shaqaynta iyo iskaashiga dalalka deriska ah, si gobolka Geeska Afrika u noqdo mandiqad  nabad-gelyo ah, taas oo ay shucuubtoodu isu soo hiloobaan kana faa’iideystaan fursadaha is weydaarsiga  gacacsi iyo aqooneed. Waxaan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa dalalka nagala shaqeeya dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo iskaashiga dhaqaale.

Walaalahayo Somaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada. Walaalayaal, awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray.

Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada somaaliyeed u horseedi karta in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa  dawladihii  sida hagar la’aanta ah  gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi,  haatanna diyaarka  u ah  inay sii wadaan  dedaalkaas .

Ugu danbayn, waxaan shacbigayga ku dhiiri gelinayaa in ay dhexda marada ku xidhaan siina laban laaban dedaalka ku aaddan ka midho dhalinta qadiyadda aayo ka tashigeena. Waan hubaa in aynu heli doono ictiraaf caalami ah, balse waxaa la inooga baahan yahay dedaal iyo in aynu gacmaha is qabsano.

Waxaan u mahad-naqayaa xildhibaannada Sheffield Council oo Somaliland garab istaagay isla markaana aqoonsaday madaxbannaanida Jamuuriyadda Somaliland. Waa bilow horseed u noqonaya helidda  aqoonsi caalami ah.  Waxaan iyana la ilaawi karin   jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Sheffield iyo guud ahaan dalka UK oo gacan wayn hawshaas ka gaystay. Hore ayaa loo yidhi kun talaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo ee waxaa inaga reeban nugayl iyo niyad jab.

‘Mar Haddii Madaxweynuhu Waxqabadkiisa Iyo Tamartiisaba Muujiyey Saylac Ilaa Laas-Qoray, Cid Kaloo Tartantaa Kulmiye Dhaawac Bay U Geysanaysaa’

0

Badhasaabkii xilka laga qaaday ee Gobolka Gabiley, Yuusuf Ibraahim Geeddi

Hargeysa (Hubaal)- Badhasaabkii dhawaan xilka laga qaaday ee Gobolka Gabiley Mr. Yuusuf Ibraahim Geeddi, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xaq u leeyahay murrashaxnimada madaxweynimo mar labaad inuu u metalo xisbiga KULMIYE doorashada soo socota ee 2015, isla markaana aanay sharciyan iyo danta xisbiga toona ahayn in cid kale kula tartanto.

Mr. Geeddi waxa uu ku dooday in haddii cid kale KULMIYE dhexdiisa kula tartanto Madaxweyne Siilaanyo uu dhaawac soo gaadhayo xisbiga, maadaama madaxweynuhu muujiyey waxqabad uu dalka ka sameeyey iyo tamar uu xukunka ku hayn karo.

badhasaabki-hore-ee-Gabiley“Waxaan ku taageerayaa Madaxweynaha Somaliland inuu mar labaad ku soo noqdo murrashaxa doorashada soo socota, sababta oo ah dastuurkuna wuu u fasaxayaa oo madaxweynenimo laba jeer ayuu xaq u leeyahay, waxqabadna isaga iyo maamulkiisu way muujiyeen, markaa cid kale oo kula tartami karta sharci ahaan iyo xisbi ahaan uma arko, waayo nidaamka xisbiyada ka Maraykanka ayeynu qaadannay, Maraykankana doorashada hoose (Primery) ayaa la is-garab-yaacaa, laakiin madaxweyne soo baxay nin la baratama oo xisbigiisa ah ma jiro.

Sidaa darteed, anigu waxaan qabaa madaxweynahaa doorashadii hore ku guulaystay ee xisbigii ka dhigay xisbal-xaakim mar haddii aannu ka tanaasulayn oo uu murrashax yahay xaq wuxuu u leeyahay distooriyan in markale loogu celiyo, marka uu xilli-doorasheedka labaad (second term) ka dago cid allaale ciddii baratamaysaa ha soo baxdo,” ayuu yidhi Yuusuf Ibraahim Geedi oo u warramay shalay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.

Mar la waydiiyey dhibta ku jirta in murrashaxa xisbiga uga qaybgalaya doorashada cod dimuqraadi ah lagu doorto, waxa uu ku jawaabay, “Iyadoo dimoqraadiyad ah ayaa haddana xisbigu isla arkayaa halkay danta xisbigu ku jirtaa? Ma ninkii hore ee aynu tijaabinay baa mise waa mid cusub? Markaa xisbiga sii jooggiisa iyo magaciisu wuxuu ku xidhan yahay in madaxweynihii ku soo baxay loo daayo, mar haddii aanay dhaliili jirin oo Saylac ilaa Laas-qoray uu waxqabadkiisa iyo tamartiisaba ka muujiyey, anigu waxaan qabaa in cid kaloo tartantaa xisbiga dhaawac u gaysanayso,” ayuu yidhi Badhasaabkii hore ee Gabiley oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo shaqada ka caydhiyey.