Guriga Blog Page 2

Safarkeygii Miyiga iyo Xusuusaha is¬-dhalan-rogay

0
?????????????

Suxufi Mustafe Maxamed Nuur (Dheereye)

 

Keymahii sitaaca lahaa ee xiliyada barwaaqada dixida iyo dareemadu ay ku gedaamnaayeen, kuwaas oo dad iyo duunyaba naflahii jalleecaa uu qalabiga ka farxi jiray waxay ahaayeen qaar siidh-guuray oo meelo yar oo kooban ka sii muuqda.

Adhigii kamballada reeraha dhoobnaan jiray indhahaygu waxay qabanayeen xaymo koob- kooban oo qaarkood imminka uun soo doogayaan. Dhulkii gaaroodiga, qolka, muquuska, sudda, banka iyo dooxooyinka ka koobnaa waxaa dhinac walba u jibaaxay waddooyin ay sameeyeen gawaadhi dhuxuleysato ah iyo gawaadhi qaad qaddimaya, kuwaas oo tuulooyinka iyo degaanadaasba ku beegaya xiliyadii xoolaha la daajin lahaa.

Safarkayga waxa aan ka bilaabay dhinaca degaannada hawdka ee magaalada Hargeysa oo waxa aan sii maray degaanka Toon, iyadoo aan uga gudbay dhulka degaannada Qool-caday ilaa Salaxley. Dhammaan meelahaas waxaa iiga muuqday dad reer miyi ah oo xiliyada barqada ku soo qulqulaya dhinaca tuulooyinka, dadkaasi waxay u badnaayeen rag oo qaarkood waxay sitaan caagado ay ku sidaan caano, si ay magaalada uga iibiyaan.

Waxaan si mugle u sii dhugtay degaanada u dhexeeya Salaxley, Laan-qayrta, Qool-dhuxulaale, ilaa Sanqoole. Deegaanadaasina waxay ahaan jireen dhul ku caan-baxay hodontinimo iyo dhul barwaaqo ah oo dhammaan nimcooyinka duunyadu ku taranto, waana dhul lagu yaqaanay inta geed ee xoolaha iyo ugaadhu ay jecelyihiin, kuna naaxaan. Waa deegaan isku dhafan oo geed sare oo geelu jecelyahay ama geed-gaab adhiga iyo inta la halmaashaaba calafsan jireen.

Meesha waxaa ka baxay kaymahii dhalxashka ahaa ee dixida, dareemada iyo duurka lahaa, kuwaas oo ay beddeleen mara-boob iyo caleemo ka soo baxay geedaha hoostooda ama rista guryaha la deganyahay iyo jabadad laga guuray ka baxday.

Cawsaskii aqal Soomaaliga lagu dhisi jiray ee uu ka mid ahaa timo-haweenlahii laga samayn jiray cawskii googooska ahaa toddobaalahii, saddexlahii baraha lahaa iyo kabaddii maydhaxda galoolka lagu dareerin jiray iyagana warkooda daa oo meesha way ka baxeen, maadhii iyo majeentii ayaa hawdka sare lagu sheegayay.

Cawsaskaas duunyadu ku darari jirtay dhammaan waa uu sii siidh-go’ayaa, waxaannu ka sii muuqdaa meelo ay iska ooteen dad aan waxba ka beerin oo qaytay dhulkii la wada manaafacaadsan lahaa.

Qadhaabkii geed-midhoodkii ay ka mid ahaayeen gacayrada, doonbirta, tindhadhka, faraxuunshada, xangeeyada, dhanfaruurtii iyo gumbushaagiiba jiidahan oo lagu ogaa waa la waayay faraciisii ama siidhkiisa, intii aan safarka ku jirayna indhahaygu may qaban meel muuqoodu yahay.

Haddaba, Siciid Gahayr oo ah nin degaan-yaqaan ah oo aan kula kulmay degaanka Sanqoole ayaan weydiiyay waxa ku dhacay qadhsaabkii xiliyada barwaaqada laga heli jiray degaannada hawdka, waxaannu ku jawaabay; “Qadhaabkii iyo midhahii arladan lagu yaqaaqnay waxaa noogu dambaysay muddo dhawr sannadood ah oo waxaannu u malaynaynaa in ay dabar-jareen abaarahii nagu dhacay.”

Xoolahii aadka loo dhiqi jiray ee reeraha qaarkood tiro iyo laba tiro ilaa boqol ilaa laba boqol oo neef lahaan jiray, ayaa ku soo ururaya tobaneeyo adhi ah, wanankii qoodha ahaa ee adhiga laga reebi jiray, isla markaana iyagoo shakaalan naylaha la daaqi jiray xiliyadan waa naadir in aad aragto.

Xusuusaha is-dhalan-rogay ee degaanadan ku soo kordhay ayay ka mid ahaayeen geelashii xeryaha loo oodi jiray ee labada ardaa loo goyn jirey waxaa kaliya oo la soo xereeyaa inta irmaan ee nirguhu xerada u joogaan, laakiin geela horweynta ah ee qaalimada, awrta iyo aaranka ka koobnaa lamaba soo xereeyo.

Arrintan oo aan wax ka weydiiyay Cismaan Baaruud Cali waxa uu yidhi; “Beryahan dambe reerahu waxay noqdeen degaan degel-fadhi ah oo guryahooda ama xeryahooda muddo badan aan ka guurin, sidaa daraadeed waxaa meesha ka baxay bahal dugaag oo geela layn jirey, taasina waa sababta aan inta badan geela hor-weynta ah loo soo xerayn.”

Sababaha dhalan-rogay dhirtii qiimaha badneyd ee dawada, bilicda, soo jiidashada roobabka, xabkaha iyo kulamada guurtida dhinaca nabadaynta, war kala qaadashada iyo xididinta ama guryaha lagu dhisan jiray waxaa sii dabar-jareysa dhuxul laga shidayo, taas oo ay gudin ku xiirayaan dad ma kas ah oo aan ogayn dhibka ka soo socda.

Mr.  Iid Xasan Walay iyo Axmed Maxamed Dheereeye oo aan arrintan kala sheekaysatay, ayaa ii sheegay; “Kaymahii biyo-fadhiisinka ahaa waxaa qallajiyay taayirada baabuurta oo aad socodkoodu ugu batay, taas oo sababtay in biyahii fadhiisan lahaa ay ququlaan oo badda ku darmaan.”

Waxayna intaas ku sii dareen; “Guri walba waxaa dhexyaala solar (qalabka dabka ka dhaliya qoraxda) lagu dabeeyo moobilada, waxaa lala socdaa gaadhiga qaadka iyo xiliga uu imanayo, kayn walbana waxaa waddo ka saaray gawaadhida reer walba is dul taagaya ee raashinka u sida.” Arrimahaas ay soo xuseen ayeyna ku sababeeyeen dabar-go’a dhirta.

Mr. Mustafe Xariir Cabdi oo culuunta caafimaadka ku haysta shahaadada PHD-da, kuna sameeyay gobolka Ohio ee waddanka Maraykanka oo isagu geel ku dhaqday degaanka Salaxley oo aan wax ka weydiiyay sida loo ilaalin karo xoolaheena iyo degaankeena, ayaa ii sheegay in ummad waliba ku faanto dhulkeeda iyo hantideeda, waxaannu yidhi; “Sababta aan geelan halkan ugu dhaqday waa in aan sii kordhiyo qiimahii geeleenu uu lahaan jiray iyo dhiirigelin aan reermiyigeena tusayo, waxaanan u huray wakhti iyo adduunba badan.”

Safarkan waxaa nooga soo baxay in isbeddel weyni ku yimid deegaanadii miyiga oo aannu imminka ahayn sidii lagu yaqaaney soddon sanno ka hor, iyada oo la tuhunsanyahay in isbeddelkan ay sabab u yihiin laba qodob oo kala ah;

  1. Dhibaato dad-samee ah: Sida magaalaynta dhulkii miyiga oo bulsho waliba tuulooyin ka samaysteen degaankii yaraa ee ay ku noolaayeen, xaalufinta dhirta oo loo isticmaalo dhuxusha, taayirada ama waddooyinka gaadiidka oo degaanka ka dhigay boholo iyo jeex-jeexyo biyo-mareen ah, tana waxay keentay in dhulkii isku beddelo nabaad-guur meesha ka saaray carradii nafaqada lahayd ee ay ku bixi jireen qadhaabkii iyo midhuhuba.
  2. Isbeddel dabiici ah: Waxaa xaqiiqo ah in dalkeena ay saameeyeen cimilada adduunyada ee isasii beddelaysa, taas oo wax laga saarayo wasakhowga ay hawada ku sameeyaan warshadaha ay leeyahiin dalalka horumarka gaadhay.

Ugu dambayn waxa aan ku talin lahaa qodobbadan soo socda;

  • in dowladdu kala xadeyso dhulka xoolo-daaqeenka ahaa iyo seerayaasha, lagana arrinsado dadyowga ootay dhulkii ummadda ka dhexeeyay oo aan loo aabbo-yeelin.
  • In Wasaaradaha deegaanka ka shaqeeyaa ay hirgaliyaan siyaasadaha iyo shuruucda lagu ilaalinayo degaanka ee hadda jira.
  • In wax-garadka iyo odayaasha deegaanadu kala shaqeeyaan dowladda sidii waxyeelada looga joojin lahaa degaanka sida qodobka koowaad ku xusan.

Ayax Ka Dillaacay Deegaano Somaliland Ka Mid Ah Iyo Xukuumadda Oo Baaq U Dirtay Hay’addaha Ka Shaqeeya Beeraha

0

“Markaanu Warka Helnay Waxaanu Si Deg-deg Ah Emaillo Ugu Kala Dirnay Hay’adda FAO Iyo Hay’adda Kaantaroolka Ayaxa, Jawaab Deg-deg Ahna Waan Ka Sugayaa, Si Ay Inooga Caawiyaan Aafadaa Dalka Ku Habsatay.”

Borama (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Saaxil uu ka dillaacay Ayax, kaasi oo faro-baas ku haya Wax soo saarkii Beeraha. Wasiirka Beeraha oo shalay La hadlay Telefiishanka HCTV isagoo ku sugan Magaalada Boorama, ayaa sheegay in deegaannada ay Ayaxu ka dillaacay ay ka mid tahay Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal iyo Bariga Gobolka Saaxil. Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa ka dillaacay Bariga Berbera Ayax marka uu dillaacayo la yidhaahdo Koronkor, Ayaxaas wuxuu nagaga yimid Xeebaha Buuraha Golis, dooxa Guban ayuu ku soo horreeyay, Lafa-ruug ayuu soo maray, Xalay wuxuu u hoyday Shacabaleey iyo Go’da yar iyo dooxa weyn Gulaalay. Ayaxu wuxuu sidoo kale ka dillaacay degmada Lughaya, Dadku siday ii soo sheegeen Gargaara, Garaaxo, Usuli, Karuure, Ceel la helay iyo Ceel Sheekh waa laga soo sheegay iyo Agabar-na waa laga soo sheegay oo wuu ka dillaacay.”

Wasiir Seed wuxuu sheegay inay qaylo-dhaan u direen hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Beeraha “Xalay markaanu warka helnay waxaanu si deg-deg ah Emaillo ugu kala dirnay Hay’adda FAO iyo Hay’adda Kaantaroolka Ayaxa oo fadhigeedu yahay Itoobiya, jawaab deg-deg ahna waan ka sugayaa, si ay inooga caawiyaan Aafadaa Dalka ku habsatay.”ayuu yidhi

Hargeysa: Hal Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Xaafada Axmed Gurey

0

Hargeysa (Hubaal) Waxa Abaaro 1:46 PM duhurnimo ee jimcaha maanta Xaafada Axmed Gurey ee Magaalada Hargeysa ka dhacay Shil Baabuur oo sababay dhimashada hal qof oo Dumar ah. Baabuurka shilkan sababay ayaa ahaa Booyad, waxaana iyada oo xawli u socota ay gashay guri ka mida guryaha xaafadaas, iyadoo halkaasina ay ku geeriyootay Alle Haw Naxariistee hooyo degenayd Guriga. Gaadiidka Ambulance ka Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland ayaa markii lagu soo wargeliyay shilkaas ka hawlaglay una fidiyay gurmad iyadoo ciidanka dab-demisku maydkii gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Muddoyinkan u dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa ku soo badanayay shilalka ay sababaan gaadiidku, iyadoo badanaa shil kasta oo khasaare keena ciidanka dab-demisku ka hawlgalo.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990- Lambarka Gurmadka Degdeg ah

Facebook/twitter/Instgram/Youtube

Hal-doorka Bulshada Soomaalida Oo Ka Qaybgashay Aaska Abwaan Sangub Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Jigjiga

0

Jigjiga (Hubaal) –Waxa Jimcihii maanta Magaalada Jigjiga aas Qaran loogu sameeyay Allaah ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) oo arbacadii ku Geeriyooday Magaalada Addis Ababa.  Marxuumka oo Meydkiisa Magaalada Addis Ababa lagaga soo qaaday diyaarad, ayaa waxa Xabaalihii lagu aasayey geeyay Ciidammada Amniga Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Diyaaradda ka soo dejiyey Meydka. Aaska Marxuum ayaa waxa ka qayb-galay boqollaal Qof oo Hal-doorka Bulshada Soomaalida ah, kuwaasi oo ka kala yimid guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cagjar oo Xukuumaddiisu ka shaqaysay in si Maamuus leh loo aaso Abwaanka ayaa halkaa Hadal ka jeediyey, waxaanu Marxuumka ka Tacsiyadeeyay Eheladiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Ergooyin Aaska ka qayb-galay oo ka kala socday Muqdisho, Hargeysa, Jabuuti, Kenya iyo Meelo kale oo badan ayaa buux dhaafiyey Garoonka diyaaradaha ee Meydka Marxuumka laga soo dejiyey iyo Hareeraha Xabaasha. Dadka Aaska ka qayb-galay oo halkaa u tagay inay muujiyaan ahmiyadda uu Bulshada Soomaalida Agtooda ka lahaa Abwaanku ayaa Wejiyadooda laga dheehanayey siday uga murugaysan yihiin Geerida Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Singub). Waxa Xusid mudan, in Naxashka Meydka Marxuumka lagu siday Dusha laga saaray Maro Cad, taasi oo la sheegay in looga jeedo inay astaan u tahay in Marxuumku ahaa Abwaan nabadeed, isla-markaana uu mar walba nabadda ka shaqayn jiray.

Sool Ilaa Selel; Dhammaan Sanaaduuqdii Imtixaanka Oo Soo Wadagaadhay Xarunta Xafiiska Imtixaanaadka

0

Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Dugsiyadda dhexe Sare & ee Somaliland Oo La Soo Gabogabeeyey

Hargeysa(Hubaal)-Waxa si nabadgelyo ah usoo dhammaaday imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo toddobaadkii  ugu dambeeyey ka socday dalka. Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa munaasibad ay ku shaacinaysay gabagabada Imtixaanaadkaasi shahaadiga ah khamiistii ku qabatay magaalada Hargeysa, taasi oo uu Goob joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md  Cismaan Jaamac Aadan , Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md Maxamed Daahir Axmed  iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax. Ugu horeynay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in imtixaanaadkii Qaranku ay intoodii badnayd soo xeroodeen, berrina ay filayaan in intoodii ugu dambaysay ay soo xeroodaan.

Waxa isna goobtaasi ka hadlay Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka oo Dhalinyaradii Barnaamijka Shaqo Qaran si weyn ugu amaanay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen ilaalintii Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md Maxamed Daahir Axmed ayaa isna u mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta Imtixaanaadkaasi Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Somaliland .

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Mudane Cismaan Jaamac Aadan oo gebo gebadii halkaasi ka hadlay ayaa shaaciyey in lasoo gebo gebeeyey Imtixaanaadkaasi Shahaadiga ahaa, isaga oo bogaadiyey xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland  oo uu tilmaamay in ay Hawl weyni ka dhacday , sidoo kalena ay mudan yihiin amaan iyo abaal marin.

Geesta kale waxa si rasmi ah shalay oo jimce ahayd xarunta xafiiska imtixaanaadka qaranka ee Somaliland u soo wadagaadhay dhammaan sanaaduuqdii imtixaanka ee sool ilaa selel goobihii uu ka dhacay, waxaanay  si nabadgalyo ah ugu soo xeroodeen xarunta.

Xiisaha Warbixinta Wiil Ku Dhashay Maraykanka Oo Somaliland Ka Furay Shirkad

0

Wiilkan Ayaa Dhawaan Lagu Daray 30-ka  Hoggaamiye Ee Dhallinyarada Afrika U Soo Baxaya, Ee Uu Ku Dhawaaqay  French African  Foundation

Hargeysa(Hubaal)- Aadan Aabi  oo ah wiil Maraykanka ku dhashay oo dhallinyaro ah ayaa dib ugu noqday Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Asal ahaan ka soo jeeday, waxaanu Hargeysa ka hirgaliyey  Shirkad Caymiska ka shaqeysa oo la yidhaahdo Horn of Africa Insurance.  Aadan ayaa dhawaan lagu daray 30-ka  Hoggaamiye ee Dhallinyarada  Afrika u soo baxaya, ee uu ku dhawaaqay  French African  Foundation. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Shabakadda  caalamiga ah ee Africa.com, oo warbixin xiise leh ka sameysay ninkaas dhallinyarada ah oo  sheegay inuu go’aansaday  inuu u guuro  Somaliland oo ah dalka uu ka soo jeedo ee waalidkiinna ka yimaadeen, markii ay ka soo qaxeen dagaalladii Somaliland ka dhacay daboyaaqadii Siddeetamaadkii.

Mr. Aadan Aabi wuxuu u sheegay Africa.com in markii uu Somaliland yimid uu muddo fahmi waayey duruufaha ganacsiga Somaliland iyo luuqadiisa Soomaaliga oo uu ku sifeeyey inay ahayd mid jajaban, hase ahaatee uu  aasaasay Horn of Africa Insurance, kadib markii uu arkay in  Hantida kala duwan ee Somaliland, sida Guryaha, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsigu aanay ku jirin wax caymis ah oo ay taageero ka helaan haddii hantidooda waxyeelo soo gaadho. Waxa kale oo uu intaas ku daray inuu shirkadiisa Caymiska ka hawlgeliyey dhallinyaro shaqo doon aheyd. Aadan Aabi wuxuu barnaamij dukumantari ah oo uga warramay Shabakadda  Africa.com waxaanu  ku sifeeyey dal dhinac walba ka soo kabanaya oo ku yaalla mandaqad duruufo adagi hadheeyeen. Waxa kaloo muwaadinkaasi soo bandhigay in Somaliland ay horumar ka sameynayso  Ganacsiga, taasina ay keentay inay yimaadaan maalgashadeyaal badani. Mr. Aadan Aabi wuxuu intaas ku raaciyey  inuu rajaynayo in qurbo-joog badani ay  ku soo laabtaan Somaliland isla markaana ay ganacsiyo kala duwan ka furtaan dalka.

Siyaasi si Masuuliyad ku Jirto uga Talo-bixiyey Wax-ka-qabashada Dhacdadii Degaanka Fiqi Ayuub

0

“Waan Uga Mahad Naqayaa Xukuumadda Gacanta Ay Ka Gaysatay Waxaan Ku Baaqayaa In Aan Hawsha Intaa Lagaga Hadhin Ee Wixii Jira Si …” Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Somaliland

 

Hargaysa (Hubaal): Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Mr. Cabdillaahi Cali Ibraahim, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka Fiqi Ayuub ee Gobolka Togdheer in ay si degdeg ah oo miisaan leh wax ka qabtaan dhacdadii dilka loogu gaystay askari ka tirsanaa ciidammada booliska ee ka dhacday degaankaas horraantii toddobaadkan . Mr. Cabdillaahi Cali Ibraahim, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka shaqaaqadu ka dhacday oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa  shalay, waxa uu sheegay in dhibaatadii ka dhacday Fiqi Ayuub ay ka dhalatay utun hore oo ka jirtay  dadka degaankaasi, isla markaana loo baahan yahay in caqli fayoobi ku jirto wax looga qabto.

Cabdillaahi Cali, ayaa tacsi u diray eheladda askarigii ku dhintay iska hor imaadkii dhex maray dadka degaanka Fiqi Ayuub iyo ciidamo booliska Somaliland ka tirsanaa. Isagoo ugu horayn ka hadlayay u jeedadda uu shirka jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi “Shirkaygan jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay dhibaatadii ka soo cusboonaatay degaanka Fiqi Ayuub oo ka tirsan gobolka Togdheer, halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba ka dhaceen.

Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladda askarigii halkaas ku geeriyooday. Intii ku dhaawacan tayna waxaan ALLE SWT uga baryayaa in uu u boogo dhayo.

Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhacdadaasi. Hase yeeshee mar haddiiba ay dhacday waajibku wuxuu ina farayaa in wax laga qabto, oo si caqli fayoobi ku jirto wax looga qabto. Wax ka qabashadaas oo degmadda, gobolka Togdheer iyo dawladaba u yaalla”.

Waxaanu intaas raaciyay in wixii dhacay la iska shaafiyo oo si caqli gal ah wax looga qabto xalinta dhacdadaasi. “Waxaan mar kale ka codsanayaa xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanka Fiqi Ayuub, labadu-ba in ay ka hawl galaan isku-na soo dhaweeyaan dadka wada degan meesha dhibaatadu ka dhacday dhexdiisa.

Cilada-na waxay ku timid, iyadoo ahayd mid hore uga dhex jirtay dadka  degaanka. Sidaas darteed bay keentay dhibtan maanta dhacday. Markaa haddii aan si dhab ah oo fayoow wax looga qaban, waxaa dhici karta in wax  sii socda ay noqoto.

Markaa si aanay mar danbe u dhicin waxaan codsanayaa in si caqli gal ah, oo cid walba shaafidda wax looga qabto ayaan  rejaynayaa.

Wixii dhacay-na la iska shaafiyo, waayo? Naf baxday maanta ma soo celin karno. Laakiin, waa in aan ku dedaalno in aanay mar kale dib u dhicin”ayuu yidhi siyaasi C/laahi Cali.

Geesta kale Cabdilaahi Cali, wuxuu sheegay in isaga laftiisu uu shaqsiyan diyaar u yahay in uu ka qayb qaato hawlaha lagu xalinayo arrintaasi.  Waxaanu yidhi “Aniga laftaydu waxaan diyaar u ahay in aan ka qayb qaato xalinta dhibaatadda degaankaas ka jirta, oo aan tago goobta, oo wixii aan ka qaban karayo aan ka qabto.

Aniga iyo inta ila midka ah, ee xil-na ka saaran yahay, degaanka-na u dhalatay.  Waxaanan aad iyo aad isugu xil-qaamaynaa in aanu wax ka qabano xalinta arrinkaasi.

Waxaanan fariintayda u dirayaa inta xil-kaska ah ee degaankaas u dhalatay in ay u kacaan, oo ay u gurmadaan, oo ay wax ka qabtaan. Si aanay waxaas oo kale dib ugu soo noqon, oo aanay dariiq kale inoogu furin”.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee gaashaandhiga xukuumaddii UDUB Cabdilaahi Cali Ibraahin, waxaa uu ku baaqay in ay  xukuumad iyo shacab-ba ay lagama maar-maan tahay in dadka degaankaasi laga dhex abuuro kalsooni iyo is-dhex gal cid kastoo dhib tirsanaysa la qanciyo, si aanay mar kale dhibaatadu u soo noqon.

Isagoo arrintaas ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Dadka degaankaasina waxay u baahan yihiin in la isku soo dhaweeyo, oo la isku Calool xaadho, in si wanaagsan wax looga wada qabto, dawlad iyo shacab-ba, haddii aynaan is kaashan waxba lama qaban karo, wax-na lama dhamayn karo.

Waanan uga mahad naqayaa xukuumadda gacanta ay ka gaysatay wax ka qabashadda dhacdadaasi. Mar kale-na waxaan ku baaqayaa in aan hawsha intaa lagaga hadhin’e, wixii jira sidooda loo baadho, cidii dhib tabanaysa-na dhibkoodda la baadho, oo laga qanciyo.

Waxaanan codsanayaa in dadka degaanka laga dhex abuurro kalsooni iyo is-dhex gal iyo isu-soo dhawaansho. Anigoo diyaar u ah in aan wax idinkala qabto wax ka qabashadda arrintaasi”.

Isfaham Dhexmaray Dekedda Berbera Iyo Dhigeeda Sokhna

0

Wefti Somaliland Ah Oo Booqasho Ku Jooga Dalka Masar

Sokhna, (Hubaal) – Wafti sare oo ka socda Xukuumada Somaliland, ayaa booqasho ku jooga Dalka Masar gaar ahaan Magaalada Sokhda, waftigan oo u hoggaaminayo Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi,  waxay ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah, Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Amb. Muniir abu-site iyo Madaxa Shirkada Dp World ee Magaalada Berbera Superje iyo laba xubnood oo kamid ah Boodhka Sare ee Dekeda Berbera Md. Cali Xasan iyo Md. Cabdraxman Diiriye.

Waftiga, ayaa marti-qaad ka helay Dekeda Sokhna oo ay wada maamulan Shirkada Dp World iyo Xukuumada Masar, isla markaana ah deked aad mashquul u ah, oo ay kusoo xidhaan maraakiibta waaweyn ee xamuulka ah, Dekedan ayaa waraabisaa in ka badan 18-Milyan oo qof.

Maareeyaha Guud ee Dekedaha Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo la hadlay Saxaafada, ayaa sheegay in shaqaalaha Baylooda Dekeda Berbera tabobar loogu diri doono Dekeda Sokhna si aqoon ay usoo korodhsadaan. Maareeye Siciid oo arimahaas iyo ujeedada safarkooda ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Waxanu Marti-qaad rasmiya ka helay maamulka sare ee Dekeda weyn ee Magaalada Sokhna, oo ay wada samaysteen Dp World iyo Dalka Masar, waxa hada lagu kordhiyey 1300meter, oo dhismaheedu socdo, waanu soo kormeernay, si khibradi noogu korodho, Waxanu isu miisameynaa labada qaab ee ay u ekaan doonto Dekeda Sokhna iyo teena Berbera oo hada la dhisayo 400-mt iyo 400 dambe, Waxanu halkaa kasoo korodhsanay, khibrad weyn waxananu kula soo noqon-doonaa dalkeena”.

Sidoo kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu kulan gaar ah la qaatay, Maareeyaha guud ee Dekeda Sokhna, waxanay labada masuul halkaa isku waydaarsadeen macluumaad badan, waxanay halka ku wada gaadheen isfaham wada-shaqeyneed oo dhex-mara labada dekedood, isla markaana shaqaalaha soo xidha Maraakiibta tabobar u fidin lahayd Dekeda Sokhna. Maareeyaha oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, ” Waxanu Maamulka Dekeda Sokhna isla qaadanay, in aanu shaqaale tabobar ugu dirno, gaar ahaan shaqaalaha Bayloodada, si loogu tabobaro Maraakibta waaweyn ee Madar Ship-ka ah, maadaama oo maraakiibtaa dhereerkoodu dheeraan doono, isla markaana xajmigoodu weyn yahay. Alxamdulilah waanu isku afgaranayn, waxanaanu rajeynayaa sidii aanu ugu soo diri lahayn Dekeda Sokhna shaqaalaha Bayloodada ah, ee Dekeda Berbera, sii ay khibrad dheerada usoo korodhsan lahayeen,

Waxana na dhexmaray isfaham hordhac ah. Dekeda aanu bookhanay waxay ka kooban tahay 23 Km oo isku weera, waxana muhiima in ay Dekedu yeelato dhul, waayo maalinbaa malinta ka dambaysa, waxbaa u kordhaya Dekeda dhul Kayd u ah, si kolbaa loogu kordhiyo, oo kusii fiddo” ayuu yidhi Mareeyaha Dekedaha Somaliland.

Dekeda Sokhna oo ah mid casriya, waxay ku taala marin muhiim ah, kaasoo ah wadaada ganacsi Sues Canal, bada cas EGHPT, waxana ka baxa 6 waddo oo tareen iyo 12 Wado oo Baabuurta waaweyni marto, Dekeda Sokhna waxay u jirtaa Magaalada CAIRO, 120-Km.

Maxkamada Oo Mudaysay Dhagaysiga Dacwadda Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

0

Hargeysa(Hubaal):-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa mudaysay wakhtiga la dhagaysan doono dacwada loo haysto gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamedsidiiq Dhame.

War ka soo baxay maxkamada gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa lagu sheegay in maalinta khamiista ee Berri la dhagaysan dacwada ka dhanka ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa taliyaha saldhiga dhexe ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa ku amray inuu maxkamada horkeeno laba sarkaal oo markhaati ku ah sarkaalka ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.  Warqada ka soo baxday maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa lagu sheegay in dacwadan uu qaranku dhibane ka yahay.

“Toban Sano Oo Aan Xuquuqal Iinsaanka Ka Shaqaynayey Maanta Ayaan Ugu Walaac Badanahay”- Garyaqaan Guuleed Dafac

0

Hargeysa(Hubaal):-Xukuumada somaliland ayaa albaabada iskugu dhuftay qaar ka mid ah hay’addaha warbaahinta ee ka hawl gala dalka. Ciidamada booliska somaliland ayaa xidhay xarumaha ay leeyihiin qaar ka mid ah telefishanada ka hawl gala dalka, kuwaas oo ay sheegeen in amar ka soo baxay xukuumada lagu xidhayo.  Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay talaabada ay xukuumadu ku xidhay hay’addahan ka midka ah warbaahinta madaxa banaan ee dalka. Guuleed Dafac oo ka mid ah sharci yaqaanada u dooda xoriyada ayaa ka hadlay talaabadan ay xukuumadu qaaday isaga oo cadeeyey inuu walaac weyn ka qabo xuquuqda talaabooyinka ay xukuumadu qaadayso. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi “Dalna laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo Mid Wasiir, ” SOLJA. Completely true. Sababta garsoorku u jiraa waa “u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda,” sida ku cad qodobka 97 ee dastuurka Somaliland. Hadii dawladdu wax ku haysato warbaahinta waxaay ahayd inay garsoorka aado, balse inay ciidankeeda u dirto oo albaabada u laabto waa qayral dastuuri, waa dhaqan halis ah. Waa caado xun. Waa walaac hor leh.Toban sanadood ku dhowaad oo aan xuquuqal insaanka ka shaqaynayay maanta ayaan ugu walaac badanahay. Dhiiranaanta iyo kakanaanta ay dawladdu wadaa maahaa mid aan hore u arkay. Ta Allay tegi doontaa.