Guriga Blog Page 3

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Ka Warbixiyey Kulan Uu La Qaatay Wefti Ka Socda Midawga Yurub

0

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyey kulan uu la qaatay wefti ka socda Midawga Yurub, kuwaasoo booqasho ku yimid dalka Somaliland.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo si kooban ula hadlay saxaafadda xalay, waxa uu sheegay inay weftiga Midawga Yurub ka wadahadleen arrimo kala duwan oo khuseeya shaqada garsoorka, hannaanka caddaaladda Somaliland.

“Waxa aannu kulan muhiim wada qaadanay wefti ka socda Midawga Yurub (EU-da) oo maalmihii u dambeeyey safar ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan ka wadahadalnay arrimo ay ka mid yihiin; hawlaha garsoorka, horumarinta caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga (rule of low), waxayna weftiga ka socday Midawga Yurub ay ballanqaadeen inay garsoorka Somaliland kala shaqayn doonaan sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada garsoorka iyo caddaaladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana halka maanta la joogo hore looga sii socon lahaa, shaqada garsoorkana looga dhigi lahaa mid bulshadu ku wada qanacsan tahay dhinac walba,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa kaloo aannu kooxda ka socotay Midawga Yurub ka wadahadalnay isbeddelka aannu ku samaynay, welina socda ee la xidhiidha nidaamka dib-u-habaynta garsoorka Somaliland (Somaliland Judicial Reform), anaga oo u faahfaahinay guulaha kala duwan ee ilaa hadda laga gaadhay nidaamkaas dib-u-habaynta ah iyo faa’iidooyinka ka dhashayba, waxayna weftigu noo ballanqaadeen inay ka go’an tahay sidii ay taageeradooda uga gaysan lahaayeen hannaankaas dib-u-habaynta loogu samaynayo garsoorka iyo caddaaladda Somaliland, arrintaas oo ay si xooggan u bogaadiyeen.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa uga mahadnaqay Midawga Yurub sida fiican ee ay ula shaqeeyaan, una caawiyaan dalka Somaliland oo uu xusay inuu yahay dal dimuqraaddi ah oo ku dhaqma sharciga iyo kala-dambaynta dowladnimo, isagoo ku dhiirigeliyey inay sii kordhiyaan kaalmada ay siiyaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga ka socda Midawga Yurub oo toddobaadkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Somaliland, waxay shirar iyo kulamo kala duwan la qaateen xisbiyada qaranka, hay’adaha dowliga ah ee Somaliland, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha la shaqeeya EU-da ee xafiisyada ku leh Caasimadda Hargeysa.

Wasiirka Dastuurka Somaliland Oo Ka Warbixiyey Ujeedada Shirar Iyo Kulamo Caalamiya Oo Uu Kaga Qayb Galay London

0

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka golayaasha Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo safar shaqo ugu maqnaa muddo todobaada dalka UK ayaa ka warbixiyey ujeedada shirar iyo kulamo caalamiya oo uu kaga qayb galay magaalada London.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo shalay warbaahinta kula hadlayey Xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shirkado kala duwan ay u bandhigeen fursadaha maalgashi ee ka banaan Somaliland , waxana uu yidhi “Shir lagu qabtay London oo ay iskugu yimaadeen in ka badan kun qof oo ku guulaystay horumarka dhinaca ganacsiga, ayaa waxa nooga suuragalay in aanu barro Somaliland meesha ay kasoo jeedo , waxa ay tahay , waxa ay hiigsanayso iyo fursadaha maalgashi ee ka banaan iyada oo runtii ay aad iyo aad u daneeyeen dadkii goobta isugu yimid , waxa kale oo suuragal noqotay in aanu tuso muqaal aan ka duubnay Somaliland oo ka waramaaya taariikhda faca weyn ee dalkeena “

Wasiirka Dastuurka iyo Xidhiidhka golayaasha ayaa sheegay in guddoomiyaha Islamic Channel uu ka markhaati kacay nabadgelyada buuxda ee ka jirta deegaanada Somaliland “guddoomiyaha Islamic channel oo ahaan masuulkii martida loo ahaa ayaa Somaliland si waafiya uga warbixiyey isaga oo sheegay in ay ka amaan badan tahay goobta shirka lagu qabtay oo London ah , taasi oo dadkii goobta ku sugnaa aad iyo aad ula yaabeen “ ayuu ydihi

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi  ayaa sida kale shir la qaatay jaaliyadda Somaliland ee UK , kuwaas oo qaadhan laba iyo lixdan kun oo dollar ah u uruurinaaya agoonta iyo danyarta ku dhaqan deegaanada dalka , waxana uu yidhi “waxan shir la qaatay jaaliyadda Somaliland ee UK ,kaasi oo ay qaadhan ugu uruurinaayey agoonta iyo danyarta Somaliland iyaga oo ahaa dadkii halkaa(UK) ku dhashay laakiin dareenka waddaninimo , walaalnimo iyo ehelnimo ayaa ahaa mid aad u heersareeya , iyaga oo ku dhawaaqay qaadhan dhan 180 kun ginni ah una dhiganta 260 kun oo dollar “

Ugu danbayn Wasiirku waxa uu sheegay kulan uu la qaatay Ururka NATO iyo qaar ka mid ah warbaahinta afka dheer ee dunida , waxana uu yidhi “ waxa aan ka qayb galnay kulan Somaliland lagu casuumay oo ah iskaashiga dhinaca baddaha iyo ciidamada oo ay qabteen ururka NATO inaga oo ku naala dhul marin muhiima ah , waxa aanu kulan la qaadnay warbaahinta caalamiga ah ee dunida ugu afka dheer kuwaasi oo aanu ugu waranay Somaliland waxa ay tahay , siyaasadeeda iyo waxa ay xaqa u leedahay oo ah waxa dawlad walba xaq u leedahay “

Tababar Loo Qabatay 90-kii Haween Ee Ku Soo Baxay Imtixaankii Shaqaalaha Cusub Ee Gobollada Dalka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Faahfaahiyey Ujeedada Tabobarkan Iyo Waxa Uu La Xidhiidho

Hargeysa (Hubaal) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa tababar aqooneed magaaladda Hargeysa ugu qabatay 90 Gabdhood oo shaqaaalihii cusbaa ee dhawaan dawladdu tartanka kaga qaadatay gobolada dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ayaa faahfaahiyey tababar la xidhiidha qorshaynta hawl-qabadyada iyo Maaraaynta Xafiisyadda oo ay hay’adda shaqaaluhu u qabatay 90-kii Hablood ee ka mid ahaa shaqaalihii Imtixaanka ay dawladdu kaga qaadatay goboladda dalka ee Somaliland iyada oo dhinaca kale tababarkani 90-ka Gabdhood lagu baraya aqoon la xidhiidha la qabsiga goobaha shaqo iyo hogaaminta suuban, waxaana md Sharmarke qoraalkiisu u dhignaa sidan.

-Waxa maalmihii u dambeeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa ku sugnaa 90-kii hablood ee dhawaan ku guulaystay tartamadii shaqo ee dalka ka qabsoomay kuwaas ooka  kala yimi Goboladda dalka.

-Ujeedada kulankooda ayaa ahaa sidii loo siin lahaa tababaro isugu jira; qorshaynta hawl-qabadyada, maaraynta xafiisyada, la qabsiga goobaha shaqo, hogaaminta iyo abuurida hiigsi halbeegyo wata.

-Dhanka kale, intii casharadu socdeen waxa ay fursad u heleen in ay dhexdooda is bartaan sida oo kalena ay yeeshaan xidhiidho walaalnimo oo dhaw iyaga oo u ballamay kor-u-qaadida adeega shacabka ee heer gobol iyo mid qaran-ba

-Waxaa bogaadin mudan dareenka walaalnimada iyo dalnimada huwan ee guulaysteyaashii hablaha ahaa ee Gobolka Maroodi-jeex ay u soo dhaweeyeen habilhii ka kala yimi Goboladda kale ee dalka.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay si gaar ah u bogaadinayaan Dallada xidhiidhka Haweenka ee NAGAAD oo taageero iyo kalgacal u muujiyey guulaysteyaashii hablaha ahaa iyo tiro badan oo kamid ah shaqaalaha haweenka ah ee Dawladda.

Jidka loogu jiro Qaran Qalinku Qiimo Leeyahay.

“Madaxweyne Imaaraat ka intan uun ma ka helnaa?”- W/Q. Cabdifataax Rashiid Maxamed

0

“Madaxweyne Imaaraat ka intan uun ma ka helnaa?”-

W/Q. Cabdifataax Rashiid Maxamed

Waxa Imaaraatka ku sugan Madaxweyneheenna mudane Muuse Biixi oo martiqaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaas xukuma. Waxa xusid mudan in si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Imaaraatka. Sababtuna waxa ay noqonaysaa labada dal oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo; dhawaanna wada galay heshiisyo waawayn oo ay ka mid yihiin dekedda iyo madaarka Berbera; heshiiskaas oo lacag ahaan, wakhti ahaan iyo qaddiyad ahaanba muhiim u ahaa labada dal.

Inkasta oo maalgashi caalami ahi uu yahay waxyaabaha u horseedi kara Somaliland koboc dhaqaale iyo ictiraaf caalami ah, haddana marka aad eegto madmadowga badan ee ku gedaaman heshiiskan; isbeddallada iyo iska-horimaadka madaxda Somaliland ee qodobbada heshiiska; fulin la’aanta iyo bilow la’aanta waxqabad muuqda ee DP World ee dekedda; waxa ay abuurayaan tuhunno iyo shakiyo ku aaddan sida ay heshiisyadaasi dalka horumar ugu soo kordhin karaan. Iyada oo la kala fikir duwanaan karo, haddana aragtidayda waxa aan ka filayay heshiisyadaas Imaaraatka arrimahan hoos ku qoran:

1. Maadaama oo laba heshiis oo waaweyn aynnu galnay waxa ay ahayd in dalka dhaqaalihiisa iyo miisaaniyadda dawladdaba sare u kac ku yimaaddo, kaas oo si toos ah iyo si dadbanba looga dareemo dakhliga heshiisyadaasi dalka soo galinayaan. Tan iyo intii heshiisyadaas la galay oo dhawr sanno ah ma jirto dhaqaale toos uga soo gala miisaaniyadda iyo korodh dhaqaale oo laga dareemay dalka midnaba.

2. Heshiisyadaasi waxa ay ahayd in ay ugu yaraan inoo jaraan in Imaaraatku xafiis diblomaasiyadeed ka furto Hargeysa, xafiiskaas oo inoo fududeeya dalkugalka Imaaraatka oo baasabboorkeenna lagu qaadanayo. Tani waxa ay fududayn lahayd in ganacsatadeenna, ardaydeenna, dadka xanuunsanaya iyo cid kasta oo hawl ka yeelata Imaaraatku ay si fudud u tagi kari lahaayeen. Tusaale ahaan, qof kasta oo baasabboor Jabuutiyaan ah sita dalkugal lagama rabo marka uu galayo Itoobiya, waayo heshiiska ay ku wada jiraan labada dal ee ay Itoobiya dekadda Jabuuti ku isticmaasho ayuu ka mid ahaa.

3. Heshiisyadani waxa ay innagu kallifeen in aynnu khilaafaadka iyo dagaallada bariga dhexe si toos ah ula safanno Imaaraatka iyo xulafadiisa, marka laga hadalayo dagaalka Yeman iyo khilaafka kala dhexeeya Qadar labadaba. Laakiin taa beddelkeeda ma aynaan helin taageero diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid xulufaysiba. Tusaale ahaan qaddiyaddeenna innagama ay taageerin; dhaqaale toos xulafadu inoo siisay ma jiro; xataa adhigeennii oo dhaqaalaheennu ku xidhnaa Imaaraatku suuqna inoo muu samayn, Sucuudiga inagalamuu hadlin, Suuq kalana inalama doonin. Xataa Xulafadaasi waxa ay inoo jari weyday in Xajka baasabboorkeenna lagu tago.

4. Dekedda waxa loo ballaadhinayay suuqa Itoobiya oo xataa saami ayaa laga siiyay heshiiska. Laakiin ilaa iminka Itoobiya lagama hayo war cad oo ku aaddan sida ay u kordhinayaan isticmaalkooda dekadda, waxaana ay u muuqataa in aan qorshaheeda mustaqbal ugu jirin in ay si buuxda u isticmaasho dekadda Berbera. Markaa miyaanay noqonayn dekedda Berbera in ay kala soo degto uun wixii saanad ciidan ah ama alaabta dawladdu leedahay ee aan loo baahnayn in la baadho iyo wixii deeqaha caalamka ah? Marka Itoobiya oo aynnu dekadda u ballaadhsanaynay ay Casab, Jabbuuti iyo dekado kale mudnaanta siiso, miyaan arrinkeennu noqonayn quud aan jirin qoryo u guro!

5. Imaaraatka iyo shirkadihiisu waxa ay ahayd in heshiisyadooda; shaqadooda iyo mawqifkooduba uu mid cad ahaado. Waxa aan rejaynayay in maadaama DP World ay tahay shirkad caalami ah in xisaabtooda iyo shaqadooduba ay ahaadaan qaar daahfuran oo cid kasta oo u baahan ay heli karaan, arkina karaan. Laakiin taasi waxa ay noqotay mid aan muuqan. Tusaale ahaan, waxa ceeb ah in muddo labo sanno iyo dheeraad ah oo ay DP World dekadda gacanta ku haysay laga waayo wax xisaabxidh ah iyo weliba in xukuumaddu si cad u sheegto in lacagtii ay miisaaniyadda ku daraysay DP World la sii amaahday.

6. Waxa aan filayay Imaaraatku in ay mashaariic horumarineed dalka ka fulin doonaan, waliba sannadaha ugu horreeya ee maalgalintooda – si dadka iyo dalkaba looga aamino. Sidoo kale, waxa aan filayay in Imaaraadku deeqo waxbarasho siin doonaan ardayda dhammaysatay heerarka kala duwan ee waxbarashada iyo in ay shaqaalaha dawladda siiyaan tababarro iyo aqoon-korodhsi ku saabsan dawladnimada iyo maamulkeeda. Waxa aan sidoo kale ka filayay in ay ina siin doonaan taageero la mid ah taakulada aan gabbashada lahayn ee Turkiga iyo Qadar la garabtaagan yihiin walaaladeenna Soomaaliya. Mise tolow innaga Carabkeennuna waa Saalax Baaxuur!

Guntii iyo gebagebadii, waxa aan rejaynayaa in socdaalka madaxweynaha ee Imaaraatku uu qodobbadaas aan soo sheegay wax ka qaban doono, filashada shacabkana ka jawaabi doono. Haddii kale, waxba kama duwanaanayo socdaalladii hore ee lagala iman jiray ‘si meeqaam sare ah ayaa la noo soo dhoweeyay iyo socdaalkayagii is-afgarasho ayuu ku soo dhammaaday’. Horumarka dhabta ahi waa ka ay bulshadu dareento.

Cabdifataax Rashiid Maxamed
Email: crm661@gmail.com
Twitter:@Abdifatah2R
Hargeysa, Somaliland.

ASALRAAC: Maanso uu Curiyey Abwaan Cabdillaahi ibraahim X. Xassan

0

Tixdan kooban ee la magacbaxday ‘Asalraac’ waxa aan u hibeeyay halgamaaga Islaamiga ah ee Aadan Cabdiraxmaan Warsame ‘Aadan-Sunne’ oo ku xidhan jeelka weyn ee Hargeysa, kuna xanuusanaya. Sheekh Aadan waxa aan Eebbe uga rejaynayaa in uu xorriyaddiisa helo, isla markaana il caddaaladeed lagu eego.

“Onkod maansadaydaay
Noqo oogta samahee
Indhawgaradku eegtee
Qof anbaday tilmaantee
Aqoonyahanku beegsado.
Murti wali abbaariyo
Ulajeeddadeed lehe,
Ilayskii xorriyaddiyo
Iftiinkii dulmanihiyo
Abbaanduulkii guushee
Markay adagtay xaajadu
Lagu eeranlaa noqo;
Aflegaaddo kaa dheer.

Waxan uga gol leeyahay,
Ifafaale yaablaa
Indhaw iiga muuqdee,
Arligayga Mawloow
Guri lays inkirayoo
Ruuxii awood lihi
Keligii arrimiyiyo
Agaraadam yaabloo
Aarsigu shaqeeyiyo
Abataqanta ciilkiyo
Asqo iyo ha badin ceeb.

Colka eheluddiinkii
Sheekh Aadan dilayee
Obocdiyo goljilicdiyo
Oofahaysku celiyee,
Ooridiisi xidhayee
Ubadkii cidleeyow,
Ifku waa dharaaroo
Qofna oolli maayee,
Aakhiro Jaxiimiyo
Jahannama uhdeediyo
Abaalkiinnu waa naar.

Caku Aadan-dhiirrane,
Halna waa afeefiyo
Ergo lama huraaniyo
Iidaanka hadalkee,
Aayadaha quraankiyo
Sidii Eebbeheen yidhi
Naftu waa ammaanee
Intii eed ku gaadhee
Goonni kuu ahayd iyo
Eeggiyo maxbuusnimo
Urugiyo kol ay tahay
Uurxumo dhammaanteed
Waxaad kuba illawdaa
Nebi Yuusuf uubtii
Ehelkii ku tuuriyo
Amranow Rasuulkiyo
Anbiyada dhammaanteed
Aadamuhu Sheekhow
Intay dabin u qooleen.

Diintuna islaax iyo
Amni lagu negaadiyo
Waa aragga noloshee
Kuwii oday Shabaabiyo
Argagixiso yaabliyo
Asalraaca kugu qoray
Intii ay alhuumiyo
Ibtilooyin sooheen
Kii illooba noqo baan
Murtidii ku ila xidhay.”

Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan –
.

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Imaaaaadka Carabta

0

Abu-dhabi(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay waddanka imaaraadka carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay wadankaas Madaxweynuhu ugu safray Imaaraadka Carabta.

Waxaana madaxweynaha si meeqaam sare leh ugu qaabilay madaarka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana weftiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda imaraadka carabta.

Meeqaankan lagu qaabiley Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland iyo Weftigiisa ayaa ah mid qiimihiisa leh oo ka turjumaya xidhiidhka wanaagsan ee horumarka laga gaadhay ee dhidibada loogu taagay arrimaha la xidhiidhka ganacsiga, arrimaha bulshada, iyo dhinacyada siyaasada ee Imaaraadka iyo Somaliland, muddooyinkii u danbeeyey ay ka wada shaqaynayeen.

Allaa Mahd leh

Aafooyinka Ragaadiyay Horumarka Afrika

0

W/Q Dhaqaale Yahan Muuse Cabdi

Afrika waa qaaradda labaad ee dunida ugu wayn, sidoo kalena waa isla qaaradda labaad ee ugu dadka badan.

Afrika waa qaarad leh aqoonyahan tiro badan balse nasiib darro hadana waa qaaradda jahliga dunida ugu badani uu yaallo, sababta oo ah dadkeedii aqoonta lahaa waxay ka shaqaysteen waddamada horumaray. Afrika waa qaarad leh xadi roobaad ku haboon beerashada, carro ku habboon qodaalka, sidoo kalena hesha 12-ka biloodba qorrax, balse hada waa qaaradda ugu wax soosaarka yar.

Afrika waa qaaradda ugu macdanaha iyo khayraadka badan haddana waa qaarad in ka badan kala badh dadkeedu ay ku nool yihiin faqiirtinimo kuwaas oo ku nool wax ka yar 2$ maalintii, Afrika waa qaaradda laga helo dhammaan noocyada daawooyinka kala duwan balse hadana waa qaaradda ay ka jiraan dhammaan noocyada cudurada la yaqaano, hadaba marka xogahaas aan kasoo gudubno, waxa uu qofkastaaba is waydiinayaa su’aalo badan.

Waxaana kamid ah su’aalahaas sidee qaarad leh wax kasta oo horumar lagu gaadho hadana ay u noqotay qaarad sidan oo dhan u ah faqiir una dib dhacdey?

Hadaba shakhsi ahaan waxaan halkan kaga hadli doonaa qodobo dhawr ah oo aan u arkay in ay yihiin kuwa sababay dhibaatadan afrika udiidan inay horumarto. Isla qodobadaas ayaan mid-mid si cilmiyaysan ugu hadli doonaa aniga oo ku dabaqaya cilmigii aan bartay iyo waliba aqoonyahanadda ka hadla arimahani waxa ay ka yidhaahdeen.

Qodobka kowaad ee aan ka hadli doonaa waa mucaawinooyinka dibadda. Mucaawinooyinka dibadda( Foreign Aid) Maadaama afrika ay tahay qaarad aad uu faqri u saameeyey isla markaasna ay ka jiraan dhibaatooyin aad ufara badani, waxa ku adkaata maamulada markaas xilka haya inay la tacaalaan ama ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka faraha badan ee wadamadooda kajira kuwaas oo ay ka

mid yihiin faqri, macluul, cudurro, sicir-barar, jahli iyo waliba xaalado degdeg ah oo mararka qaar soo wajaha sida dabaylo, duufaanno, dhulgariiro iyo sunaami.

Marka indhaha binu aadantinimo lagu eego way haboon tahay in caawimaad kasta oo xaaladaas ka saari karta loo sameeyo, laakiin marka aad baadho xogo badan oo tibaaxaya mucaawinooyinka la bixiyay iyo horumarka wadamadii la siiyay waxa kuu soo baxaysa arin aan ahayn sidii la filaayay.

Waxa jira daraasado laga sameeyey saamaynta ay mucaawinooyinka dibaddu ku leeyihiin koboca dhaqaale ee wadamadda afrika waliba kuwa saxaraha ka hooseeya waxaana la ogaadey in xaddiga mucaawinada oo aad u badani uu waxba ku kordhin waayey koboca dhaqaalaha wadamadaas.

Qiyaas ahaan afrika sannad walba waxa ay heshaa mucaawino ka badan 50 Billion oo doolar, hadana dadyawga afrika 600 million oo qof ay ku nool faqiirtinimo gaadhsiisan inay maalintii ku noolaadaan wax ka yar 2$.

Waxa kale oo gebogabooyinka daraasadahaasi ay sheegayaan in wadamadii faqiirka ahaa ay sii ahaanayaan fuqaro, wadamadii hodanka ahaana ay hodantinimadoodu sii kordhayso, marka aad daraasayso kobaca dhaqaalaha qaarada Asia oo hadda aan mucaawinaad aad ubadani aanay ka jirin amaba xaddiga mucaawinada la siiyo wadamada ku yaala qaaradda Asia ay ka yar tahay kuwa wadamada Afrika waxa la arkay in dhaqaaalaha wadamadaas uu yahay mid kobcaya.

Waxa jira warbixino uu soo saaray baanka adduunku( world bank), kuwaas oo lagu sheegay in sannadihii udhexeeyay 1981-kii ilaa 2010-kii in dadka macluusha ku noolaa ay ahaayeen 700 million dunida oo dhan, halkaas oo 627 million oo kamid ahi ay ku noolaayeen waddanka shiinaha, dunida kale oo dhanna marka la isku daro ay ahayd 73 million oo qof, hadii qiyaasahan loo rogo xisaabta boqolayda waxa ay noqonaysaa in 89.6% ay ahaayeen shiinays.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa inaan mucaawimo lagu gaadhi Karin horumar, maadaama maantaba waddanka shiinaha oo ah quwadda labaad ee dhaqaalaha dunida ugu wayni aanu horumarkiisa ku gaadhin mucaawimo, wakhtigan hada la joogana iyadoo mucaawinooyinku ay sii badanayaan hadana waxaad aragtaa in macluusha iyo dhaqaale-daraduna ay la kordhayso, aragtidan ah in mucaawinooyinku aanay horumar keeni karina waxa la ogaadhey markay soo baxday aragtida “big push” ( big push theory).

 

Sawirkani waxa uu ku tusinayaa kobaca wax soo saar iyo mucaawinooyinka afrika

Wadamada mucaawinooyinka bixiyaa waxay sii mariyaan hay’ado, halka ay qaarkoodna dawladaha si toos ah usiiyaan. Mucaawinooyinku waxa ay noqon karaan kuwo ah cunto amaba maaliyad( lacag).

Qaybta xigta waxa aynu ku eegi doono si toos ah xidhiidhka mucaawinada iyo koboc la’aanta dhaqaalaha wadamada Afrika.

Qodobbo Muhiim Ah oo Diiradda Lagu Saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland

0

Hargeysa(Hubaal)-Kal-fadhigii 30-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa khamiistii si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey siyaasado iyo xeerar qaranka faa’iido badan u leh.

Kal-gadhigan oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayey xubnaha golaha wasiirradu ku ansixiyeen xeerka garyaqaanka guud ee qaranka, kaas oo qeexaya xilka iyo waajibaadka xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka oo ka kooban diyaarinta qaybo-qoraallada xukuumaddu curiso, la-talinta sharci ee dhammaan hay’adaha xukuumadda, metelaadda dacwadaha medinga ah ee dhammaan hay’adaha dawladda iyo inuu faafinta rasmiga ah kusoo saaro gebi ahaanba xeerarka ansaxay ee qaranka.

Sidoo kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey nuqullada siyaasadda shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo wax-ka-beddelka xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004.

Dhinac kale, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa warbixinno lagaga dhegaystay wasiirrada wasaaradaha macdanta iyo Tamarta iyo horumarinta biyaha, iyaga oo golaha hortooda kusoo bandhigay qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahoodu ku hawlannaayeen sannadkii dhammaaday iyo sannadkan soconayaba, isaga oo wasiirka Macdanta iyo Tamartu golaha ka hor jeediyey ahmiyadda ay shidaal soo saaristu qaranka u leedahay iyo sida ay wasaarad ahaan ugu hawllan yihiin inay dalka gaadhsiiyaan koronto ku filan oo laga dhalinayo Tamarta qorraxda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa  ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in qaranka laga haqab-tiro biyo ku filan, isaga oo xusay in muddadii uu wasaaradda joogayna uu horumariyey gebi ahaanba ceelashii iyo dhaamamkii aynnu hore u haysannay, islamarkaana ay soo kordhiyeen ceelal faro badan, iyada oo diiradda la saarayo meelaha ay biyo la’aantu ka jirto, taasina ay safka hore kaga jirtey barnaamijkii ololaha xisbiga KULMIYE iyo siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku wajahan helitaanka biyo nadiif ah oo gaadha dhammaanba shacab weynaha reer Somaliland.

0

Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa u Digtay Maddarasadaha Cusub, isla markaana Cayintay Diiwaangelinta Goobaha Qur’aanka ee gobollada dalka

Hargeysa: Shan Muwaadin Oo Lagu Xukumay Xabsi & Lacag Ka Badan $3 Milyan, Eedaaha Loo Haystay & Xukunkii Maxkamadda Racfaanku Ayiday shalay

0

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud ayay Maxkamaddu Midkiiba Ku Ridday 8 Sanno Oo Xadhig Ah & Ganaax Lacageed Oo Dhan $625,000

“Eedooda Marka La Eego Maxkamada Racfaanka, Markii Shannaad Baa La Badalay, Waana Markii Ugu Horraysay Taariikhda Ee Eed Cusub La Keeno Maxkamad Racfaan, Sharci U Ogolaanayaana Ma Jiro.”

*************************************************************************

Xisbiga Mucaaridka WADDANI oo Xukunkaasi Cambaareeyay

Hargeysa(Hubaal):- Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta (Shalay) midkiiba ku ridday 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yidhaahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud.

Labadan muwaadin ayaa ku eedaysan dembi ah inay waxyeelo u gaysteen xadhiga Internet-ka ee shirkadda Somcable ku leedahay gobolka Daad-madheedh, iyo weliba magac-dil ay kula kaceen madaxweynaha.

Qareenka u doodayay labadan nin, garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed Mandela ayaa sharci-daro ku tilmaamay qaabka uu u dhacay xukunka maxkamaddu. “Laba eedeysanayaal ahaa, oo hore maxkamadda gobolku u sii daysay, oo ay maanta (shalay) Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ku xukuntay ciqaab aad u xulus, oo aanu u aragno inay tahay caddaalad-daro aad u weyn.” Ayuu yidhi Jamaal Xuseen Axmed Mandela oo shalay u waramayay warbaahinta qaar

Labadan muwaaddin oo la xidhay Abril 2018-ka, waxa sii deysay maxkamadda Gobolka Maroodijeex 29kii Oktoobar 2018ka, waxaanay 5 bilood u xidhnaayeen ambiil ay ka qaadatay xeer-ilaalintu, waxaana lagu hayay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa 13-kii Feberweri 2019-ka dhegaysatay eedo ay xeer-ilaalintu u jeediyeen labada muwaaddin, oo ka duwan eedihii hore ee maxkamada

“Labadaasi eedaysane ee xukunku ku dhacay, eedooda marka la eego maxkamada racfaanka, markii shannaad baa la badalay, waana markii ugu horraysay taariikhda ee eed cusub la keeno maxkamad racfaan, sharci u ogolaanayaana ma jiro.” Ayuu yidhi garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed Mandela

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu xoojisay xukun ay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex hore u soo saartay oo ahaa 6 sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) oo lagu riday Cumar Xuseen Cabdi oo jaray xadhigga SOMCABLE isaga oo ahaa nin reer miyi ah, lagu yidhina “Yuhuud baa leh”. Wuxuu ahaa nin xoogsade ah oo gaadhi-dameer wata.

Waxa hore ciidanka C.I.D uga baxsaday nin Dhakhtar la yidhaahdo oo isna lagu xukumay lix sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar). Maxkamadda ayaa sidoo kale xadhig dhan 6 sanno iyo $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) dul saartay eedaysane maqan oo la yidhaahdo Qalinle.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa xukunkaasi cambaareeyay. “Waxaannu u aragnaan labadaas nin ee muwaadiniinta, xisbigana ka tirsanaa, in xukunkoodu yahay caddaalad-darro, waanan cambaaraynaynaa.” Ayuu yidhi xoghayaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo HCTV u waramay

Dadka ehelka u ah labada muwaaddin ee la xukumay iyo sharci-yaqaannada madaxa bannaan ayaan loo diiday inay ka qaybgalaan dhegaysiga xukunkaasi.

Geesta kale, Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo xogogaal u ahaa eedaymaha loo haystay shantan muwaadin ayaa si faah faahsan u soo bandhigay xukunka maxkamadu racfaanku ayiday, marxaladihii lala soo maray iyo talaabooyinka uu qaaday garsoorihii soo saaray xukunka racfaanka.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ayaa warbixin qoraal ah oo uu kaga hadlayo xukunkan ku yidhi sidan:-

“Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex Oo Shan Muwaaddin Ku Xukuntay Lacag Dhan $3,125,000 (saddex Milyan, boqol iyo shan iyo labaatan kun Oo Doollar)

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta (Shalay) midkiiba ku ridday 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yidhaahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud.

Labadan muwaaddin oo la xidhay Abril 2018-ka, waxa sii deysay maxkamadda Gobolka Maroodijeex 29kii Oktoobar 2018ka, waxaanay 5 bilood u xidhnaayeen ambiil ay ka qaadatay xeer-ilaalintu, waxaana lagu hayay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa 13-kii Feberweri 2019-ka dhegaysatay eedo ay xeer-ilaalintu u jeediyeen labada muwaaddin, waxaana lagu oogay eedo ah:

  1. Inay dhiirri-geliyeen jaritaanka xadhig ay leedahay Shirkadda Intertentka ee SOMCABLE.
  2. Inay abaabulayeen dhallinyaro beesha Garaxajis ah oo ka hor timaadda xukuumadda
  3. Inay ka mid ahaayeen koox Whatsp ah oo la yidhaahdo Haldoorka Garaxajis
  4. Inay raggani lahaayeen xidhiidho taleefan ah
  5. Abwaan Baashe Xasan Maxamed waxa lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Somaliland ku yidhi “Muuse-Shaanni”

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu xoojisay xukun ay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex hore u soo saartay oo ahaa 6 sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) oo lagu riday Cumar Xuseen Cabdi oo jaray xadhigga SOMCABLE isaga oo ahaa nin reer miyi ah, lagu yidhina “Yuhuud baa leh”. Wuxuu ahaa nin xoogsade ah oo gaadhi-dameer wata.

Waxa hore ciidanka C.I.D uga baxsaday nin Dhakhtar la yidhaahdo oo isna lagu xukumay lix sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar). Maxkamadda ayaa sidoo kale xadhig dhan 6 sanno iyo $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) dul saartay eedaysane maqan oo la yidhaahdo Qalinle.

Maxkamadda ayaa cuskatay warqad qiimayn ah oo uu sameeyay Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Maxamuud Suufi Jibriil, waxaanay laashay gebi ahaan doodda qareennadii u socday Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud. Waxa xus mudan in ay raggani ku noolaayeen Hargeysa oo aanay marna tegin deegaanka Gobolka Daad-madheedh ee fal-dembiyeedku ka dhacay.

Maxkamaddu waxa ay xukunnada qaarkood u cuskatay buugaag ku qoran Afka Carabiga , kuwaas oo laga eegay qiil aan ku jirin eedda loo jeediyay labada muwaaddin ee saaka la xukumay. Guud ahaan lacagta lagu kala xukumay shanta muwaaddin ayaa isku noqonaysa $3,025,000 (saddex Milyan, boqol iyo labaatan kun Oo Doollar), waxaana mid kasta gaarkiisa loogu xukumay lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar).

Waxa xukunkan soo saaray Garsoore lagu magacaabo Boosniya oo ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex, oo diiday in uu dhegaysto cabashada dadka ehelka u ah labada muwaaddin ee la xukumay, sidoo kale waxa uu bannaanka u saaray qaar ka mid ah dhegaysteyaashii xukunka, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay u sare-kici waayeen markii uu soo galay baradii uu xukunka kaga dhawaaqay.

Garsoore Boosniya ayaa sidoo kale diiday in ay dad kale ka qayb galaan dhegaysiga xukunka, waxaanu askarta ku amray in aan la soo deynnin dadka dibadda jooga.