Q.M Oo Shuruud Ku Xidhay Wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya

0
53

Hargeysa (Hubaal) Qaramada midoobay ayaa sheegtay in maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejin doono marka ay heshiis rasmi ah wada gaadhaan Somaliland.

Sidaas waxa sheegay Ergayga Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo warfidiyeenada kula hadlay Magaalada Hargeysa, isagoo ka soo baxay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland oo qasriga Madaxtooyada ku qaabiley.

Micheal Keating ayaa sheegay in inkastoo ay labada dhinacba xusul-duub ugu jiraan arrinta hawada, haddana muhiimaddu ay tahay inaan heshiis dhamaystiran la’aantii wareejinta Maamulka Hawadu ahayn suurto-gal.

Dawladda Soomaaliya, ayaa dabayaaqadii bishii December ku dhawaaqday inay si rasmi ah ula wareegtay Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, taasoo dawladda Somaliland-na sheegtay inaanay aqbali doonin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here