Qaab dhismeed Cusub Oo Magaallada Laascaanood yeelanayso oo la soo bandhigay & Wasiir QAMBI Oo Daah-furay

0
1

Laascaanood (Hubaal)- Qorshe maalmihii u dambeeyey ka socdey magaalada Laascaanood oo dib loogu habaynayo qaab dhismeedka magaalada iyo diyaarinta iyo qaabaynta qorshaha magaalada Laascaanoodda cusub, ayaa lagu soo bandhigay Hotel Mustaqbal. Munaasibadan oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo guryeynta Somaliland iyo dawlada Hoose ee degmada Laascaanood ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta Dawlada Hoose, Gobolka, Dadweyne iyo aqoonyahan, waxaana shir-gudoominayey Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi). “Muhiimada aan leenahay waa in la helo magaalo la tartanta caasimadaha, cid gaar ah looma jeedo, anaguna wixii bilicda magaalada hagaajinaya cidna uga haybadaysan mayno” sidaana waxaa yidhi Gudoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiid Xuseen Xasan. Gudoomiyaha Gobolka Sool C/rashiid Xuseen Carab ayaa si qotodheer uga warbixiyey faa’iidooyinka hawshan dadka u leedahay, waxaanu ku nuuxnuuxsaday gaadiidka loo yaqaan Bajaajta oo laga mamanuucay wadooyinka waaweyn oo uu sheegay in aan laga noqon doonin. Qaar badan oo ka mid ah aqoonyahanka magaalada ayaa waxay soo dhoweeyeen talaabadan la doonayo in wax lagaga bedelo muuqaalka magaalada. Ugu danbayn waxaa halkaasi waxaa hadal dheer ka soo jeediyey Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi) oo qaabkan la wado si aad ah ugu sharxay dadkii munaasibadaasi ka soo qayb galay, waxaanu sheegay in maanta aanay dareemayn ee ay arki doonaan marka la qabto ee faa’iidadeedu bindhaanto.

SHARE
Article hore“Illaa Immika Waxa Guulaystay 30 Gabdhood, Oo Ka Jawaabaya Saamigii Uu Madaxweynuhu U Qoondeeyey Haweenka”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here