Qaabkee Shaqo La’aanta Looga Bixi Karaa ?

0
192

W/Q: Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

 

Shaqo la’aantu waa caqabadaha hor yaalla dawlad kasta oo dalka hoggaamisa ama la doorto, imikana dawlada cusub ee uu hoggaaminayo Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa hor yaalla caqabado fara badan oo ay ka  mid tahay shaqo la’aantu .

Shaqo la’aantu waxay tahriibisya, xooggii , aqoontii iyo kartidii dhalinteenna, waxaanay geysay waddano shisheeye oo aanay waxba ka ahayn  kaliya marka laga reebo lacagta caydha ah ee ay qaataan iyo balanqaad ah in dadkoodii loo soo kaxayn doonno.

Shaqo la’aantu waa caqabad laga dareemo guri kasta oo dalka ku yaalla, waanna caqabadaha aynu horumar u gaadhin la nahay.

Maxaa sabab u ah shaqo la’aanta

  1. Hoggaanka dalka oo aan qorshe ka lahayn
  2. Wershado la’aan jirta
  3. Waxbeerasho la’aanta
  4. Aqoon la’aanta
  5. Kalsooni la’aanta haysata dhalinta dalka
  6. Xirfad la’aanta
  7. Xiisayn la’aanta .

Waxa jira  sababo badan oo sabab u noqon kara in la shaqaysto ama la noqdo waddan dadkiisu shaqeeyaan , in shaqo la abuuro waxa markasta ka masuula hoggaanka dalka ugu sarreeya iyo qorshihiisa ku aadan xalinta shaqo la,aanta.

In shaqo la’aani jirto waxa sabab u ah dalka oo aan lahayn wershadii dalku u baahnaa oo aan jirinba, taas oo waxkasta dibada looga soo dejiyo.

Shaqo la’aanta waxa u sabab ah dadkeenna oo aan waxba beeran markastana jecel wax diyaara oo dibada lagu soo sameeyay.

Aqoon la’aantu waa sababaha ugu waaweyn ee sabab shaqo la’aanta waayo jaamacadaha dalka waxa lagu dhigtaa aqoon isku wada mida aqoontaas oo aan ku habboonayn baahida jirta iyo marxaladaha jira toonna, aqoonta la barto ayaa noqotay aqoon aan si dhakhso ah shaqo loogu helin, aqoonta la barto ayaa noqotay aqoon sheeko kaliya ah se aan lahayn wax tusaale iyo practical ah.

Kalsooni la’aanta waxay sababtay shaqo la’aan oo dadkeenii waxay wada rabaan xafiis kaliya, shaqooyinkii hoose oo dhana waxa inoo haya ajaanib u badan ethopian iyo oromo.

Kalsooni la’aantu waa sababaha abuura shaqo la’aanta oo haddii shaqo kasta hoosta laga soo bilaabi waayo way adag tahay in la gaadho meel sar.

Kalsoonida buuxda waxay sababtaa in aad shaqo kasta qabatid se dhalinteennii waxa ay ka qajilaan inay shaqo hoose qabtaan.

Xirfad la’aantu waxay sababtay in dadkeennii aanay qaban shaqooyinkii dalka yaalay oo ajaanib qabtaan, xirfad la’aantu waxay sababtay shaqo la’aan oo inta shaqo la’aantu haysaa waa inta xirfad la’aantu hayso.

Xiisayn la’aantu waa sababaha keena shaqo la,aanta oo haddii qofku aannu shaqoba rabin way adagtahay inuu shaqo helaa ama uu shaqaystaa, xiisayn la’aantu waa sababaha keenna shaqo la’aanta tusaale haddii  aad tahay qof biil qaata way adagtahay inaad shaqaysataa oo wax bilaasha ayaad qaadataa kaas haddaad tahayna go’aan deg-dega gaadh oo shaqayso ha iskuna halayn biil iyo lacag lagu siiyo ama laguu soo diro.

Haddaba sidee looga bixi karaa shaqo la’aanta

Haddii aad soo fahantay intaa sare ee aan soo sheegay diyaarna u tahay inaad caksigeeda samaysid waad ka baxaysaa shaqo la’aanta dawlad ahaan iyo shaqsi ahaanba.

Haddii tallaabooyinkan la maro waa laga bixi karaa shaqo la’aanta

  1. Qorshe qaran oo ka dhana shaqo la’aanta
  2. Hirgalinta nidaamka wershadaha yar-yar iyo kuwa waaweyn oo u abuuran baahiyaha dalka , waayo dalku wuxuu tabayaa wershado badan oo si fudud dalka looga samayn karo
  3. Hirgalinta nidaamka beerashada oo sanadkasta lagu xisaabtamo wax-soosaar, iyadoo dad aqoon leh la keenayo si looga qaato waayo-aragnimo iyo ilbaxnimoba
  4. Hirgalinta nidaamka aqoonta loo baahan yahay oo jaamacadaha lagu barto iyo kordhinta mudada waxbarasho, iyadoo qofkasta oo jaamacad ka soo baxay waajib lagaga dhigayo inuu yeesho xirfado shaqo oo kala duwan kuwaas oo laga soo siinayo jaamacada dalka ee uu dhigto.
  5. Dhalinta oo yeesha kalsooni ay ku qaban karaan shaqo kasta oo taalla iyo xiisayn  shaqo oo laga dhex arko.
  6. Caddaalad: shaqooyinka oo si caddaalad ah loo qaybiyo, hoggaanka dalka oo caddaalad wax ku hoggaamiya, daacadna u ah inuu dalka ka saaro xaalada shaqo la’aaneed hadafyadiisana ay ka mid tahay wax ka qabashada shaqo la’aanta iyo horumarinta guud.

 

Qaabka labaad ee shaqo la,aanta looga bixi karo

Shaqadu waa laba qaybood, inaad shaqaale noqotid iyo inaad loo shaqeeyo noqotid, maanta waxa fudud in aad noqotid loo shaqeeye waayo taas haddaad geed –dheer iyo geed gaabanba u kortid waad helaysaa dhaqaale aad wax ku abuurtid.

Tusaale ayaan ku siinayaa haddii aad tahriibtid waxa kugu baxaysa lacag gaadheysa ugu yaraan  8,000$  bal ka waran haddii aad reerka kala tashatid inaad ka heshid lacagtaas mid ka yar oo aad ganacsi ku furatid taasi waa qayb ka mida shaqo abuurka aad gacantaada ku abuuri kartid.

 

Ganacstada oo iska kaashada inay dalka ka abuuraan nidaamka wershada waa mid ka mida ka hor tagga shaqo la’aanta tusaale aan ku siiyo Sonkortu intii aynu jirnayba waxay inooga imanaysay dalka dibadiisa, lacagta lagu soo iibsado, lacagta lagu soo kiraysto markab iyo lacagta cashuur iyo kharash lehba haddii la isku geeyo waxay samayn kartaa hal wershad oo sonkor ah, sidoo kale dalka waxa yimaada kalluun qasacadaysan  keeniina waa buux, muxuu u baahan yahay, wershad yar oo kaliya ayuu u baahan yahay,  sidoo kale xoolihii waa la mid, waxaas oo wershada haddii la sammeeyo waxa xaqiiq ah in laga bixi lahaa shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Tusaale kale aan ku siiyo , waddanka waxa ka buuxa hay’ado waaweyn oo haddana shaqaalahoodu yahay waxaan ka badnayn 20 qof, haddii hay’adkasta si gaara loola xisaabtami lahaa ama loo eegi lahaa waddamada kale inta ka shaqaysa xafiisyadooda waxa suuro gal ah inaynu halkaana ka heli lahayn shaqo abuur.

Shaqo la’aanta baahsan kaliya waxa looga bixi karaa inaga oo diyaar u noqono inaynu ka baxno, isla xisaabtano, ganacsatada dhiirri-galino ka dibna meelo badan dawladu tusaale uga noqoto, isla dawlada ayaa ka mid noqon karta ganacsatada dalka oo ciidamada iyo raashinkooda way soo dejin lahayd, sidoo  kale waxyaalaha aasaasiga ah ee dadku u baahan yihiin dawlad ayaa gacanta ku hayn lahayd si aan ganacsatadu kolba qiimo u yeelin.

Isku soo duubboo shaqo la’aanta inagaa sabab u ah inaynu ka baxnano inagaa sabab u ah se waxa loo baahan yahay, fikir, qorshe, iyo fulin wada socda.

 

Shaqo la’aan ma jirtee shaqaysi la’aan baa jirta (Rakad)

Ciwaanada:————–     

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

farxaanmxd@gmail.com

Article: 302 / Hal-abuure/ Siyaasi/ Dhiirri-galiye bulsho/ Adeege Bulsho.

Tell: – 063-4400319

Berbera

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here