Qabyaaladda Lama Baabbi’in Karo Se Ma La Yarayn Karaa? – W/Q. Faarax-Canbaashe

0
17

Waxa maalin dhoweyd uu hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha mucaaridka ah ee Britain Mud. Ed Miliband ku dhawaaqay arrin aad loola yaabay waxa uu yir: ‘waxan sharciyeynayaa  markaan xukunka

qabto  in Primenistar kastaa uu qabto dood uu la waddagayo hogaamiyayaasha xisbiyada kale ee ka soo horjeeda. Hadalkaa waxa uu yidhi mar uu ku tirtirsiinayey priminsterka talada haya Mud. David Cameron oo lagu dacaayadeynayo in uu beryahan ka warwreegayo in uu ka qaybqaato dood si toos looga baahiyo telefishanka. Dhinaca kale qolyo sharci yaqaano ah oo u jawaabay Mud. Miliband ayaa waxay is weydiiyeen haddii la jideeyo arrinkaa tolow ciqaabta ka diida maxay noqon doontaa?, Xadhig, Ganaax mise si kale ayaa laga yeelayaa!  Xaqiiqduse waxay tahay in Mud. Miliband uu arrinkan iska leeyahy ee aany malaha dhab ka ahayn, waayo sida badiyaa dhacda hogaamiye kasta oo mucaarid ahi wax badan buu baallan qaadaa si uu dadka dhinaciisa ugu soo duwo.

Qadiyadani waxay dhalisay dood iyana marar kale laga doodo, waa mas’alada ku saabsan;  kee horeeya ciqaabta iyo sharicga,  si kale haddii loo dhigo ma ciqaabta la hor dejiyaa mise sharcigii iyada reebayey. Goormuuse falku sidiisaba denbi noqdaa?

Jarriimada iyo noocyadeeda waxa lagu xaddidaa saameynta ay bulshada ku leedahay. Haddii denbigu uu qof keliya ku koobanyahay, badiyaa waa ciqaab fudud ganaax keliya ayaa lagula tacaalaa.   haddiise uu dad badan ama ummad dhan saamenayo way cuslaataa ciqaabtiisu; xadhig ganaax iyo waxyaalo kaleba waa ay keensataa.

Tusaale ahaan hadaad waxad rumaysantahay ee aan bulshada kale kugu raacsanyn ama hore sharci looga dejiyey debeda ula soo baxdo ama aad dadka hortiisa ku sameyso sharcigii ayaad jebisay. Haddiise aad si qarsoodi ah iyada oo aan cidi ku arkayn aad keligaa fasho way adagtahay si denbigaa lagugu soo oogo. Tan danbe waxa tusaale u ah sharciyada reer galbeedku dejisteen ee xarrima midabtakoorka iyo cunsiriyada. Si adag ayaa sharcigu u diidaa in si badheedh ah aad qof kale isirkiisa, midabkiisa, ama waxa uu rumaysanyahay aad ugu xad gudubto. Sidaasoy tahay hadana waxa jira ururo iyo xisbiyo aan ujeedo kale iyo hadaf kale toona lahayn in ay wax cunsuradeeyaan mooye. Hase yeeshee waxooda inta badan hoos ayey u qarsadaan, oo debeda ma soo dhigaan. Haddii lagu arkona sharciga ayaa la horkeenaa.

Arrintani waxay i xusuusisey massiibada ummaddeena haysata ee intaa laga hadlo ee aan hadana wax laga qaban ee maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogaysanaya, wax ma laga  qaban karaa? Ilaa intii aan garaadsaday iyo ka horba wax badan ayaa qabyaaladda laga yidhi welina laga yidhaahdaa. Hadana waa soo ligantahay. Waxa la tilmaamaa in beri hore dawladdii soomaaliaya ay tiiyoo qof loo ekaysiiyey aastay si looga samro, sida qofka dhintaba looga samro. Laakiin waxa la ogaaday in aanay dhimman, wixii la duugayna uu ahaa sawir qof loo ekaysiiyey. Nin xikmad badnaa oo berigaa ka warramay ayaa yidhi; ‘Siyaad xabbad masago ah ayuu duugay Sabuul badanaa  soo baxay’.

Wax ka qabashada Qabyaaladdu ma aha mid fudud waayo waxay ay ku jirtaa dhuuxa iyo dhiigga dadka; tusaale ahaan markii Somaliland laga jideeyey hanaanka siyaasiga ah ee xsibiyada ku dhisan waxa looga gol lahaa in laga guuro habka mutakhalifka ah ee beel beesha ah. Oo loo guuro habka casriga ee Dimuqraadiyadda.  Waxa la islaqaatay in la sameeyo xisbiyo kooban oo aan diin iyo qabyaalad shuqul ku lahayn.  Runtuse waxay tahay in ta hore  lagu guulaystay oo diintii iyo maamulkii dawladda ilaa xad lakala durkiyey, laakiin tii tolaysiga ay sii xoogaysatay. Oo xitaa wadaadka damaca siyaasi lihi uu xagga tolka miciinsado. Sababta oo ah weli ma jiro fikir kale oo hana qaaday oo lagaga maarmo.  Runtuse waxay tahay in aan bahashaa la baabi’in karin, hadal iyo maanso qurux badana aan waxba laga qaadi karin waayo xididadeedu waxay soo jireen intii aynu ifka uunayn oo dhan.

Addunyada ma jirto ayaan u malaynayaa ummad ay qabyaaladu sida soomalida u dilootay in ay jirto.  Su’aashu waxay tahay bahasha ma la xadidi karaa, ma la yarayn karaa? si noloshu xoogaa inoogu toosto oo talaabo ama laba hore loogu qaado? Waxan qabaa haddii dadka mas’uul ka ahi ay ka dhabeeyaan inyar oo ka mid ah waxyaabaha fara badan ee ay ballan qaadaan in la isla jaan qaadi lahaa. Ka warran haddii denbi laga dhigo bahashaa sharcina laga dejiyo,  qofkii  qaan gaadh ah oo debeda ula soo baxa bahashaa in la ganaaxo !. Waa arrin adag.

Waxa la is weydiin karaa haddii taa la yeelo tolow maxay  qaban doonaan ugaasya beeleedyada faraha badani, sow shaqa la’aani ku dhici mayso oo dadkii kale ee bilaa camalka ahaa iska hor iman maayaan!.

Hogaamiyayaashu waa bareyaasha ummadda, wax kasta oo ay jideeyaan saameyn ayey ku yeelataa bulshada ay hogaaminayaan. Waxa xun ee bulshada lagu baraarujiyaa waa libin ay bulshadooda u horseedi karaan haday ficil ku daraana ka sii wanaagsan.

Faarax X. Maxamed“Canbaashe”

Email: canbaashe1@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here