“Qadiyadda Ceeryaan Ka Dhacday Ceebteeda Ma Dafirayno Mana Been Dhaaranayno Oo Annaga Ayaa Bilawnay”

0
1

Madax-dhaqameedka Beesha Galbeedka Burco  Oo Raalli-gelin Ka bixisay Shaqaaqadii Ka Dhacday Deegaanka Ceeryaan

 

Hargeysa (Hubaal) – Madax-dhaqameedka, Salaadiinta, Cuqaasha iyo Waxgaradka Beel waynta Garxajis oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada Ceel-afwayn, ayaa waxa ay raali gelin ka bixiyeen dhacdadii ka dhacday deegaanka Ceeriyaan ee Gobolka Sanaag. Sidoo kale Boqor Faysal Cismaan oo ka mid ah Madax dhaqameedka Beelaha Galbeedka Magaaladda Burco oo isaguna shir jaraaid ku qabtay Hargeysa  ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii ka dhacay Deegaanka Ceeryaan ay masuuliyadooda iska leedahay beesha uu ka soo jeedaa. Waxa uu raali gelin buuxda u diray beesha Bariga Burco oo uu xusay in ay dagaalkaasi ku qaadeen dhinacooda isla markaana ay xaal iyo raali gelinba diyaar ula yihiin. “Qadiyadda Ceeryaan Ka dhacday ee saddexda Nin ku dhimatay, dhawrka qofna ay ku dhaawacmeen, ceebteeda iyo waxa ay Leedahay, anaga ayaa bilawnay, cid nala wadaagtaana ma jirto, ma dafirayno, ma been dhaaranayno. cid walba oo ay dhibteedu gaadhay, gaar ahaan Qoyskaas, ehelka, gacalka deriska iyo xigaalka aanu nahay, dhibtaas gaadhay ee aanu u geysanay waanu ka tacsiyadaynaa, waxa ay leedahayna waanu ka xaal marinaynaa” ayuu yidhi Boqor Faysal.

SHARE
Article horeSomaliland Indhaha Ku Haysa In Dekedda Berbera Ay Kaalin Muhiim Ah Ka Qaadato Ganacsiga Badda Cas
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here