Qalbiga Uun U Soo Celi!!!! – W/Q. Axmed-Deeq

0
75

Iyaba waa yaabe, haweenku marka ay ku ogol yihiin gobsanaa, gaarisanaa, garasho badanaa. Marka kalena mukur, madax adayg, mashquul iyo maneeno badanaa. Sidoo kale, ragguna marka ay ku danaynayaan debecsanaa, deeqsisanaa, dulqaad badanaa, marka kalena dirir badanaa, deel qaaf badanaa, dulmi badanaa!!.
Haddaba, ninkan maanta sariirta dulyaala, ee aannay haadduna feenasho ka helayn, waxaan ogaa isaga oo nool. Haa, nool oo nimco iyo naruuro guudkiisa ka muuqato. Haddii laga tagi waayo beryihii danbe ayuu soo yar waydoobayay, laakiin wuxuu ahaa caato caafimaad qabta oo shaydaanka ka firfircooni badan. Maantana waa kan is dhaqaajin kari la’ ee sidii ilmo yar furaashka dhexda kaga ururay. Asxaab baannu ahayn dhareer wadaag ah, sidaa darteed kulankayagu ku talo gal la’aan wuxuu ahaan jiray joogto. Inta aannu indhaha iska qaadayno ayuun bay noo ahayd oo waxaannu hore ka gali jirnay adduunyooyin Soomaalida ka dahsoon, sida dunida kalgacalka, fanka, fikirka, falsafadda, haweenka, siiba inta aan la guursan ama la soo furay. Badwayntaa ilaaqtanka ah inta aannu ku jirno waxaannu is waydaarsan jirnay xog ku dhisan xaqiiq iyo khiyaal la isku dhafay oo malabka ka macaan. Waliba isaga khiyaalkiisu waa sii xeel-dheeraa oo mararka qaar waxaan arki jiray isaga oo gacan togaalaynaya luuq luuqyo ka soo noqodkoodu adag yihiin. Haddaba, wuxuu ahaaba maanta wuxuu dul yaalaa isaga oo geeri iyo nolol u dhaxeeya sariirtii uu awawgii ka dhaxalay ee jiiq jiiqda badnayd. Waan ogaa goortii la haleelay, mase ogayn goor uu sidan u hagaasay iyo sababteeda dhabta ah, waayo xidhiidhkayagii dhabta ahaa wuxuu yaraaday markii aan galay jeelka xaasnimo Alle hore idiinma galiyee. Sidaa awgeed, dhawrkii biloodba mar baanu iska soo horbixi jirnay, markaana nabad qabka guud uun baan is waydaarsan jirnay. Waxa laga yaabaa inaad igu canaanato saaxiibka aad sidaa isugu dheeraydeen ee waliba doobka ah maxaad gurigaaga ugu soo casuumi wayday Jimcayaasha? Laakiin, waxaan ku leeyahay guriga waan isaga magacaabanahay ee waxaa ka arrimisa qof aan ashahaate ogolayn. Maalin baan ku idhi; Niman aannu asxaab ahayn ayaynu casuumi doonaa Jimcaha, ma iga rumaysan haddaan ku idhaa: Habeen idil baan ku qancin kari la’aa sidii ay arrinkaa iiga ogolaan lahayd, kuye; dhabarkaa I xanuunaya, Naa hadduu dhabar ku xanuunayo imaad soo ag jiifsateen ee furaashkaaga dhulka yaal ayaad seexan lahayde maxaad leedahay Ina Calaay? Madax xanuunna wuu ii raacaa oo xumad baa I haysa ee bal i taabo, ayay cod taah yar iyo neef neefsi ku jiro ku sii raacisay, iyada oo jir jir cadka u taalla, xaggaygana isku soo xaglinaysa: Inta aan dhankeedii isu soo rogay, madaxana si naxariis leh u taabtay ayaan anna cod keedii la mid ah ku idhi: Xumad kale ayaa ku haysa ee xaggan u soo durug Saytuun. Sidii baan hal gaal ku dilnay, oo ay dirqi igaga ogolaatay, annaga oo neef tuurayna dirqi codsigii. Markaa ha moodin haddii aannu xaaslay noqonay inaannu asxaabtii ilownay, ee arrimaha jira ayaa noogu wacan. Iga dhaaf tayda oo markii aan u soo galay saaxiibkay, waydiiyayna sababta cudurkiisa, ilmo ayaa ragax ka soo tidhi oo wuu hadli kari waayay. Ogowna, illintu waa erayo ka soo burqada qalbiga, carrabkuna aannu awoodin ku dhawaaqooda, midda ragguna waaba ka sii qaalisan tahay ta dumarka kun jeer, waayo dhayal kuma timaad. Haddaba illintu noocyo badane, si aan u ogaado nooceeda dhibco ka mida ayaan shaybaadhkayga galiyay, waxaana shaashadda ku soo qormay weedhahan:

Badda xeeli geedaa,
Xubi igu haleeloo,
Xubnahayga oo idil,
Xanuun baa dhameeyoo,
Xiin baa ka baxayee,
Yartii aan u xiisee,
Xarakada bad-naydiyo,
Xubno toosan laydii,

axmed-deeq1 (1)Xaggee baan ka raadshaa? Haa, Jacayl darran baa haleelay, miyaan garto mar hore.
Dabadeed waxaan la soo baxay, halbeeg cabirka jacaylka oo jeebka iigu jiray, waanan hoos dhigay si aan u ogaado heer-kulka jacaylkiisa. Bismilaahi-Yaasiinka, inta uu u guban gaadhay fiyuusku ayaan hore uga damiyay. Waxaanan hoos isku idhi: Wallee kan jacaylkii dumarka oo dhan loo qaadayay baa haya, dabadeedna intaan si naxariis leh u eegay ayaan ku idhi: Ma halkii aad barigii hoosta iska jeclaydeen baa? Si quusi ku jirto ayuu ii yidhi: Haa, Alla muxuu halkaa iiga sheekeeyay, masayr baa I qaban jiray goortuu inantaa quruxdeeda, qiimigeeda iyo qoyskeeda iiga sheekaynayo. Hadaladiisii waxaan ka sii xasuustaa : “Waa gaari, haybad iyo hanaan dumarnimo loo dhameeyay, oo habsami u qaadka talaabada markay jagac ka siinayso laafyaha haddii aad …………..” Halkaa marka uu marinayo ayaan ku odhan jiray bes bes saaxiib, illayn haddii kale wuxuu galaafanayay ta yar ee aannu wada soconay, haddana wada joognee. Dabadeed, waxaan ku idhi: Oo saaxiib ma wax baad isla qaadateen Baxsan? Magaca markii uu maqlay intuu hanqalka la soo kacay, ayuu si niyad ah iigu yidhi: Intii aad guriga lahaydba annaguna waxaanu gudahayaga ku beeraynay iniin jacayl, waxaanu isku qulaaminaynay xurmayn iyo xiise, waxaanuna isku qaadnay kalgacal iyo muxubo aan xad lahayn. Waxay ii ahayd dugsi, dawo, deganaan, waxaan u ahaa farxad, rayn rayn iyo riyaaq. Waxay ii ahayd wehel, walaal iyo wiilkii indhahayga. Waxay ii ahayd wax walba, sidaa darteed waxaan u qaaday jacayl aan gudhayn, gaagaxayn, gaboobayn, geeriyoonayn. Intaa markuu yidhi; ayuu yara gataata-dhacay oo uu sukhuuray, dabadeed waxaa ii soo baxday in jacayl meesha ku saqiirayo, waxaanse is waydiiyay tolow yaa saqiirinaya jacaylkaa? Ma saaxiibkay, mise gabadha? Oo haddii uu isaga yahay miyuu u calaacali lahaa gabadha? Haa, dad badan baa inta ay qofka marka hore xumeeyaan, marka danbe u calaacala. Anniga oo waydiimahaa ku jira ayuu soo miiraabay, dabadeed waxaan ku idhi: Saaxiib, maxaa xidhiidhkiina halkaa gaadhay carqaladeeyay oo keenay inaad maanta u calaacasho? Inta aan ogahay canaan danayni keentay. Oo maxay ahayd dantaa keentay? Dabac ku yimid xidhiidhkayaga iyo sidii loo xoojin lahaa. Dabadeedna? Bilan, waa qoonsatay, ka cadhootay, ka xumaatay illaa ay xidida u saartay jacaylkii jiridaystay. Waan gartay, laakiin sida aan filayo canaantu dhankaaga ayay ka timid, haddaba, dantii doontaaba ha keentee si xidhiidhkiinu u sii jiro, ma ka raali galisay? Haa, kun jeer baan ka raali galiyay, adigaase sheegaya. Maxay tidhi; Go’aan baan gaadhay ah inaan kala hadhno, haddaan go’aan gaadhana waligay kama soo noqdo, sidaa daraadeed, wax danbe ha ii soo dirin” Haa, waxaan is idhi kolay saaxiibkaa wax buu kaa qarinayaa uu gabadha ku sameeyay ee miyaanay qurux badnayn inaad gabadhiina aragto. Dabadeed, inta aan ku idhi, isii sug ayaan kabaha hore ka gashaday oo waxaan isku sii daayay gurigoodii, nasiib wanaag iyada ayaa albaabka iga furtay, waxaanan u sheegay inaan u yar baahanahay. Inkasta oo aanay ku faraxsanayn, haddana waxay tidhi: Haye maxaad u socotay? Waxaan ku idhi: Ninkii saaxiibkay ahaa waa dhul yaal, sida aan filayana bilo gasiin wacan ma cunin, hurdo hagaagsana ma gam’in, waxaana ugu wacan jacaylkaaga ee sidee bay wax u jiraan oo yaa dhaxdiin soo galay? Inta ay igu soo booday ayay tidhi iyada oo cadhaysan: Saaxiibkaa isaga ayaa saqiiriyay jacaylkii, isaga ayaa wadnahayga dhaawacay. Inta aan dajiyay ayaan ku idhi: Oo muxuu kugu yidhi walaal? Xiisaa ku hayay ee jacayl kuma hayo. Maxay kale? Dabac badan baa iiga kaa muuqda ee ma wax baa is badalay, haddii ay jawaabtu haa tahay, qof iga wanaagsan baad heli. Maxay kale? Sidan uu xidhiidhkeenu yahay marka aan eego runtii waxba ma dhaano dhalinta aan rabnay inaan hormuud u noqono, ee waaban ugu hoosaynaa. Maxay kale? Inta ay yar xishootay ayay tidhi: Waan ka niyad jabay saaxiibkaa oo go’aan baan ka qaatay, Waligayna lagama yaabo inaan ka noqdo. Inta aan la yaabay, ayaa hoos isku idhi: Miyaanay dumar ahayn waa maxay go’aanka ay ka sheekaynayaa iyo kama noqdadu. Islaantayda aan ogahay, ayaa kun jeer ka baxda ka aannu wada gaadhno, ku ay kaligeed gaadhaba daaye . Iga dhaafoo, waxaan ku idhi: Horta intan aad sheegtayba waa qalad, laakiin qalad xidhiidh muddo soo taxnaa ku bur-buro maaha, saaxiibkayna wuxuu ii sheegay inuu rabay uun inuu dar dar galiyo xidhiidhkiina, yeelkadiisa’e, ma kaa raali galiyay? Haa, wuu iga raali galiyay, laakiin xidhiidhkaasi soo noqod malaha ee nabad galyo, midda kale waa mashquul badan yahay. Haa, haddaba, sababahaa ay sheegtay markii aan ku dul istaagay, qaab hadalkeedii fiiriyay, waayo aragnimadaydii haweenkana la kaashaday, waxa ii soo baxday: In baroortu orgiga ka wayn tahay, oo yartu sideeda u go’aansatay in xidhiidhku burburo. Dabadeed inta aan ka cadhooday ayaan ku idhi: Dhex dhexaadin baan kuugu imid, laakiin waxaan ogaaday inaad go’aan hore u gaadhay, sidaa darteed , waxaad keentaa wadnihii saaxiibkay? Keeni maayo, ayay la soo booday. Walaahi waad keeni baan ku idhi: Intaan indhaha galka uga saaray, dabadeed inta ay yar naxday ayay igu soo tuurtay, markasaan qabtay oo aan eegay. Alla muxuu dal-dalooshamay, maxaa falaadho caashaq ka dhex baxay, maxaa albaabkiisa garaac ku yaal, oo tolow daaqadihiina aaway? Mooyi.
Dabadeed, aniga oo xayraansan ayaan isku sii daayay gurigii saaxiibkay, markii aan qolkiisa hortaagnaa ayaan maqlay hadal guux aad u eg oo gudaha ka baxaya, haddii aan dhegta u raariciyay mise wuxuu ku tasbiixsanayaa:
Cishqi bay dilaayoo, dabnahayga furayoo, Aamuskiiba diidaye, Aaway dahab la moodii, Deginada talaabada, debecsanida hadalka, Daa’in kuba manaystee, Dumar ugu fil-roonayd?
Yaab, anniga oo xaaladahan is burinaya ee aan dhex galay ku asqaysan ayaan u galay saaxiibkay, arrintiina uga dhacay, wadnihiisana ku celiyay dabadeed inta uu soo yar nafisay ayuu igu yidhi: Saaxiib waad u jeeddaa arrinkayga ee maxaad igula talinaysaa? Dabadeed, cabaar baan aamusnaa anniga oo isku gaynaya, kala gownaya wixii aan uga soo joogay dumar iyo tiisan, waxaana ii soo burqatay jawaabtan:

Daayin kuma cadaabee,
Ina Daahirow maqal,
Dabuubtaan ku leeyahay,
Da’yartana bal gaadhsii,
Diricii bar baartaw,
Intaad dunida nooshahay,
Dumar haw calaacalin,
Dabnahaaga haw furin,
Haddii dakhar ku gaadhoo,
Wadnahaa dalooshamay,
Jacaylkuna ku daashaday,
Kuu diiday gama’ii,
Gasiinkiina kaa diray,
Dawo waxaad ka dhigataa,
Dabintood qaniintiyo,
Afkood hadal u diido,
Taa waxa daliil u ah,
Bal docdaada uun eeg,
Intay wiilal doorsheen,
Dakharana ku jiideen,
Bal docdaada uun eeg,
Intay danabyo ciileen,
Doqomana ka yeeleen.
Dadaw anigu yaabaye,
Duulku digasho badanaa,….

Halkaa markaan marinayo ayuu saaxiibkay i qabtay, oo uu I yidhi: Waad mahadsan tahay saaxiib, laakiin dumarka ha isku wada qaadin, ee iyada iyo intii la midka ah ka reeb, dabadeed inta aan yaabay baan idhi: Afkaygoow xaal qaado, isagana tagay ninkan aan miyirka qabin, miyaan qaldanaa?

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Awliyo177@hotmail.com
Alla Mahad leh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here