QALINKAA WAX SUUREEYA: “Somaliland iyo Hal-abuurka Siyaasadda”

0
1

Araar Hordhac iyo Taariikho Aad loo Xasuusto ma jecli in aan ku lumiyo wakhtiga akhristaha iyo mucda qoraalkan, waxaan si toos ah u abbaarayaa arrinka aan rabo in aan tilmaamo oo ah in Somaliland ay hal-abuur siyaasadeed oo mustaqbalkeeda badbaadiya u baahan tahay, waana sidan:-

 

Dowladdu waxay ka unkantaa qoysas isu tegay oo bulshooyin abuuray, qoyska waxa aasaas u ah qof, qofku si uu jiritaankiisa u sugo, tartantka uu filkii kula jirona ugu guulaysto, waa inuu si qayaxan oo aan leexleexasho lahayn isu waydiiyaa su’aalo dhab ah oo aad u adag, kuwaas oo sawir sax ah ka siinaaya kaalinta uu hadda taagan yahay iyo waxa ay tahay inuu ku talaabsado si uu u gaadho kaalinta naftiisu higsanayso.

 

Maalinta HEBEL oo bulshada ka mid ahi ku dhiirado inuu naftiisa runta u sheego, garto galdaloolooyinkiisa, garwaaqsado tabaha uu kaga gudbi karo, maalintaas ayuu bilaabayaa HEBEL inuu bedelo aragtidii laga haystay, waxa uu si korodh ku jiro u yeelanayaa miisaan iyo muuqaal aanu hore u lahaan jirin, waxaanu ku sandulaynayaa filkii in ay ku xisaabtamaan, maqaamka uu leeyahayna dejiyaan maamuuska uu mudan yahayna huwiyaan.

 

Waxa aan uga gol leeyahay tusaalahaas in dowladda iyo bulshooyinku ay taas kala mid yihiin HEBEL, haddiiba bulsho ay isku maaweeliso in ay ku habto nafteeda waxa ay kasheedu jeceshahay kana foogto inay si toos ah u beegsato dhabta horteeda taal waxa ay hambabaraysaa iyada oo meel ay cagta dhigtaa jirin, riyadeeduna waxa ay noqonaysaa ciyi waa ka baryey.

 

Hadaba, waxa is waydiin leh waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya tilmaamahan sare iyo siyaasadda Somaliland?

 

Somaliland waxa ay xorriyad ka qaadatay Ingiriiska iyada oo dal ah, waxay midow la gashay koonfurta Soomaaliya, waxay aasaaseen Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaase 1991-kii mar labaad dib loo aasaasay Somaliland, waxaana ka soo wareegay in ka badan 20 sanadood.

 

Uma socdo in aan hadda dood toos ah ka furo go’aankaas, waxa ku filan inuu yahay go’aan bulsho qaadatay, kuna soo mooday wakhti aad u adag oo ku sumadaysnaa degenaansho la’aan, in kasta oo aanay taasi ka hor imanayn in wax la iska waydiin karo wakhtiga ku haboon sida go’aan kasta oo loogu qaato heer qof ama heer bulsho la isu waydiiyo, maanta arrinka muhiimka ahi waxa uu yahay muddada intaas le’eg ee ka soo wareegtay dib u aasaaskii Soomaaliland waxa ay leedahay tilmaamo huwan macne siyaasadeed oo sawir fiican ka bixinaaya hal-abuurkii siyaasadeed ee Soomaaliland ka jiray wakhtigaas oo dhan ilaa hadana socda, kaas oo leh sumadahan hoos ku sheegan::

 

  1. Marka laga hadlaayo heer waddan suuro gal maaha in bulsho ay dhinac isu wada raacdo oo hal arrin ay ku wada qanacdo miisaanka uu doono ha lahaadee, laakiin waxa muuqata oo aan cidna ka daahnayn in si weyn loogu doodi karo in siyaasadda gudaha ee Soomaaliland aanay sidii mudnayd ugu guulaysan in lagu qanciyo ama laga iibiyo Soomaaliland bulsho leh miisaan oo ku dhaqan xuduudaha ay Somaliland ka dhaxashay gumaysigii ingiriiska, arrinkaas mar walba waxa uu yahay mid hortaagnaan kara in uu wada daneysiga ka lumiyo bulsho ballaadhan oo duruufo badani mideeyaan, ka dibna aanay isula jaan qaadin sidii ay wadajir ugu gudan laahaayeen danaha aasaaska u ah noloshooda iyo mustaqbalkooda.

 

  1. Sidoo kale marka laga hadlaayo heer caalami, waxa muuqata in siyaasadda dibedda ee Soomaaliland aanay jebin teedka caalamiga ah ee kaga gedaaman inay xidhiidh dowladnimo la yeelato adduunka intiisa kale, sababta looga gudbi waayey caqabadaas ah in lagu qancinyo caalamka go’aanka aasaaska dowladda Soomaaliland muddada intaas le’eg waa mid is waydiintiisu ay waajib taariikheed tahay. Jawaabaha ka soo bixi kara is waydiintaas ma filaayo in ay ku koobnaan doonaan hal sabab iyo wax la mid ah, waxay noqon karaan jawaabo is barkan oo cid waliba masuuliyada ay qayb ku yeelanayso laga soo bilaabo amintii go’aankaas la qaatay, sidii loo agaasimay iyo sabaibihii lagu dhisay ilaa amintan la joogo oo ay haboon tahay in la ogaado doorkii ku adaanaa maamulka iyo dadweynaha iyo sidii ay guteen waajibkaas ka saaranaa hirgelinta go’aankaas shacabku qaatey.

 

  1. Muddada intaas le’eg suurogal may noqon in la abuuro baahi dhaqaale ama ganacsi oo hunguri gelisa caalamka, taasoo sabab u noqon kari lahayd is bedel ku yimaadda qiimeynta Soomaaliland, waxaana marag ma doonto ah in maslaxadaha dhaqaale yihiin kuwa ugu miisaanka weyn ee raadka ku leh go’aamada siyaasadeed ee adduunka maanta lagu qaato, waxa taas ku lammaan in aanay dhicin baahi siyaasadeed oo soo jiidata indhaha caalamka taasoo kor u qaadi kari lahayd kaydka siyaasadeed ee Soomaaliland, horseedna u noqon kari lahayd in lagu eego indho ka duwan kuwii muddadaas dheer lagu eegaayey.

 

  1. Dhinaca horumarka guud waa in si dhab ah la isu waydiiyo in waxyaabaha dowladda iyo bulshada u qabsoomay ay yihiin kuwo u dhigma fursadihii nabadgelyada iyo degenaanshaha ee la haystay muddadaas dheer.

 

Xaaladdu marka ay sidaas tahay, ee loo baahan yahay in la garto dhaliilaha jira, loona jid bixiyo wixii xal u noqon lahaa, waxa waajib ah in garaadka iyo caqliga loo ogolaado in ay ciyaaraan doorka ay nolosha ku leeyihiin, caadifada iyo laabtu waxa ay jeceshahayna dhabarka loo jeediyo oo si toos ah looga fekero sidii siyaasad ku dhisan xikmad, indheer-garadnimo iyo himilo loogu lafa guri lahaa mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliland.

 

Ma aha ceeb in bulsho aayaheeda ka taliso oo ay qaadato go’aanka ay u aragto maslaxad, waxaa go’aankaas qaadashadiisa ka hawl badan kana muhiimsan suuq-geyntiisa, suuqgeyntaas waxa udub dhexaad u ah sida aad u agaasinto gurigaaga iyo arrimaha ku gedaaman iyo in aad qaab waafaqsan khibrada bulshooyinka caalamku ka heleen nolosha aad waafajiso sida aad ugu hawl galayso waxa aad doonayso in aad haleesho adiga oo aan hilmaamayn taariikhda iyo soo jireenka aad gaarka u leedahay.

 

Waxa aan filayaa in la gaadhay wakhti mudan in si toos ah la isu waydiiyo maxaa inoo saxan maxaase inaga khaldan? Halkee ayaan ku soconaa? Sidee ayeynu rabnaa in aan u gaadhno halka aan ku socono? Tabaha iyo xeeladaha aan u baahan nahay waa maxay?.

 

Jawaabaha su’aalahaas iyo kuwa macnahooda oo kale leh cid gaar ahi jawaabteeda ma laha, waa mid u taal indheer-garadka bulshada meel walba oo ay joogaan iyo amin walba oo ay nool yihiin, laakiin taasi ka saamixi mayso in maasuuliyadda koowaad ay saaran tahay cidda maamulka u haysa dalka iyo dadweynaha.

 

Soomaaliland waxa ay u baahan tahay talo ay ku curiso hal-abuur siyaasadeed oo jawaab cad ka siiya mustaqbalkeeda, una sahla inay jeexato dariiq muuqda oo ay u marto waxa ay higsanayso, kaasoo aan ku xidhnaan is bedelka maamulka siyaasadeed ee waddanka.

 

 

“”Axmed Cabdiraxman Sh.bashiir””

SHARE
Article horeCirro Sidii U Caadada Ahayd Waa Kaa Ka Maquurtey Xuskii 18 May 2018.
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here