Qarax Habeen-badhkii Caawa Hurdada ka Toosiyey reer Hargeysa+Xusuusta Ra’yul caamka Bulshada ee Xilligii KULMIYE Mucaaridka ahaa

0
17

Hargeysa (Hubaal):- Qarax aan illaa hadda la garan karin waxa sababay iyo sida uu u dhacay toona, ayaa dhawaaqiisa laga maqlay magaalada Hargeysa caawa abbaaro 12:00-kii iyo daqiiqado, kaasoo qaybaha kala duwan ee magaalada laga maqlayey Gariirkiisa.
Qaraxan oo intii hore lagu dawakhay Goobta uu ka dhacay, isla markaana dayaankiisu dad badan Hurdada ka kiciyey, ayaa ka dhacay Laag lagu magacaabo Xaar-wada, taasoo ku taalla Xaafadda Hindiya Line-ka loo yaqaanno ee badhtamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Fooqa ilma-Seeraar, Laagtaas oo ka bilaabanta meel fooqa koonufur ugu beegan Guriga Hay’adda Shaqaalaha dawladdana Waqooyi ugu beegan.

hargeisaWeriye gobotaas gaadhay, waxa uu intaa ku daray in Ciidammo Boolis ah iyo dadweyne tiro badani ay goobtaas isugu yimi markii qaraxaas oo la aamminsan yahay inuu yahay wax gacanta laga tuuray uu dhacay ka dib, hase-yeeshee, Ciidammada ammaanku may helin cidda qaraxaas samaysay ama tuurtay, waxaanay baadhis kooban oo ay waxoogaa wadeen ka dib iskaga tageen goobtaas.

Saraakiil Booliska goobtaa yimi ka tirsan ayaa sheegay inaanay jirin wax khasaare ah oo ay hayaan oo uu qaraxaasi geystay iyo cid ay u qabteen toona, mana jirto illaa hadda cid la ogyahay in lala bartilmaameedsaday qaraxaas xaqiijiyeen Saraakiisha Boolisku.

Lama garanayo illaa hadda ujeeddada qaraxaas oo dad badan hurdada ka kiciyey u dhacay, waxa sababay iyo nooca uu ahaa toona. Hase-yeeshee, wararka ilaha ammaanka laga helayo, ayaa tibaaxaya in Bambo gacanta laga tuuray lagu tilmaami karo qaraxaas, balse waxa uu ahaa qarax inta badan qaybaha magaalada Hargeysa gariirkiisa laga maqlayey.
Waa markii u horeysay ee qarax sidan oo kale ahi ka dhaco magaalada Hargeysa tan iyo markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada qabatay afar sanno horteed, waxaana dad badan xusuustoodu sawiraysaa qaraxyo shaani oo xukuumaddii Daahir Rayaale ku eedayn jirtay in Xisbiga KULMIYE xilligii uu mucaaridka aha aka samayn jiray goobaha muhiimka si xaaladda ammaan u liicdo, hase yeeshee qaraxan ayaa sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay saaxadda siyaasadda Somaliland gaar ahaana saaxadda Muxaafidka ay ka dhex oogan tahay xaraarad siyaasadeed oo KULMIYE la cakiran yahay, taas oo xararadiisu aad u kulushahay.

Halkan ka AKhri: Warka Qaraxa oo Faahfaahsan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here